Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Hadalka wanaagsan waa sadaqo

W/Q Sh. Axmed Cabdisamad

Hadalka wanaagsan ee macaan qalbiga iyo naftaba waa u roonyahay, farxad iyo rayrayn ayuuna ku beeraa, isjacaylka iyo isku kalsoonida ayuu xoojiyaa, wuxuuna meesha ka saaraa cuqdada, nacaybka, kala shakiga iwm. Wuxuu sare u qaadaa niyadda (mooraalka) iyo hanka qofka iyo bulshadaba.

Wuxuu qeyb weyn ka yahay xoojinta xiriirka bulshada iyo dhismaha ummadnimada. Wuxuu saldhig u yahay awoodda iyo horumarka ummadda; sidaa darteed ayaa Alle iyo rasuul (Calayhi Salaatul Wa Salaam) inoo amreen in aynu ku wada hadalno hadalba hadalka uu ka wanaagsan yahay; waayo hadalka xun shaydaanka ayaa uga faa’iidaysanaya inuu dadka ku kala dilo.

In hadal wanaagsan lugu wada hadlo kuma koobna muslimiinta kaliya ee dadkoo dhan muslin iyo gaalba waxaa la ina amray in aynu hadal wanaagsan kula hadalno.

Si gaara hadalka macaan ee qalbiga ku beeraya wanaagga waxaa u baahan waalidka iyo ilmihiisa, sayga iyo xaaskiisa, walaalka iyo walaalkiis, macallinka iyo ardaygiisa, masuulka iyo shaqaalihiisa. Si guud in wanaag loogu wada hadlo, looguna wada dhaqmo ayaa la doonayaa; si loo noqdo bulsho iyo ummad dhinac walba ka wanaagsan.

Hadalka wanaagsan waxaa ka mid ah: Salaamta Islaamka, bishaaraynta, dhiirrigalinta, naseexada, sama farida, xuma reebida, cilmi barista, tacsida iwm. Waxaa kale oo barbar socda dhaqan wanaagsan, sida: wax siinta, dhoolacadaynta, wajiga furfuran, gacanqadka (salaanta gacanta), hadiyada, booqashada kan jirran, raacista janaasada kan dhinta iwm.

Haddaynu soomaali nahay dhaqankeena miyiga ka soojeeda ayaa watey ad-adayg iyo hadal kakan oo sidii warankii la isku halgaadayo oo aan inta badan lahayn dabacsanaan, turis, tixgalin, xeerin, qadarin, ixtiraam, soojiidasho iwm.

Inta badana loogama jeedin xumayn ee hadalka dabacsan baa marar badan loo haystay jileec iyo miskiinimo ama hadalka adag baa raganimo iyo fariidnimo u muuqanayey.

Waxaa la wariyey in nin xaaskiisa hadalo dabacsan kula hadlay oo ay ku tiri: waar sida ragga u hadal, iyadoo isleh armaa ninku mid jilicsan oo aan rag wax la qaybsan karin kaa noqdaa!

Gabagabadii hadalka iyo dhaqanka wanaagsan waynu u baahanahay qof qof ahaan, qoys qoys ahaan, bulsha ahaan iyo ummad ahaanba, waana wax diinteenu ina amartay oo adduun iyo aakhiraba wax weyn inoo taraya, nolosheenana saamayn weyn ku yeelanaya ee aynu nafteena iyo qoysaskeena iy bulshadeenaba ku rabbayno, kuna dhaqno.Waliba si gaara ayaa la inoo kaga baahanyahay xilliga ramadaanka, xajka iwm.

Sh. Axmed Cabdisamad
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.