Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Hammiga Soomaalida Maxaa Ka Sirgaxan?

W.Q. Cali Maxamed Cabdigiir (Caliganay)

Goorma ayay dhallinta Soomaaliyeed toosi doontaa, ayna kala garan doontaa siyaasadda gobolaysiga iyo Soomaalinimada guud?

Inta aan warcelinta weyddiinta lagu rafan, bal aan milicsanno falalkii ay mucjisada ku noqdeen saddexda qof ee hoos ku xusan. Haddii la eego mareegaha kayd-aqooneedka sida (Wikipedia.ca/com/UK,….), waxa aad la amakaagaysaa ardaygii Shiinaha ahaa ee Taangiyada hortooda istaagay, meesha loo yaqaan “Tianamen Square ee magaalada Beijng, China,” Juun 5, 1989, si uu dalkiisa ugala dagaalo keligitashinimo arxan daran. Ardaygaas waxa uu ka dhaartay in uu taangiyadii ka bayro markii wadihii koowaad ka leexi damcana waa uu la leexanayey.

Haddana aan bal soo qqadanno geesinimadii Muntadhar Al Saciidi (Muntadhar Al Zaidi) – suxufigii Ciraaqiga ahaa oo Joorje Bush –madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka uu kabaha ugu tuuray –isaga oo haddana nacalad uu dusha uga ridayey ku dhawaaqayey, Diseembar 14, 2007. Aan xusuusanno isna Maxamed Bouaziz (Mohamed Bouazizi) –oo ah Tuunisiyaankii Jannaayo 4, 2011, isku gubay xaafiiska dawladda hortiisa, isgubitaankaas oo keenay in shacabkii furka tuuro dabadeedna dawladdii keligitashiga ahayd ee Ben Cali, 23 dabshid kaddib kursiga laga tuuro. Waa koonkaan iyo kolba gedihiisee, raggaas hooyooyin baa sagaal bilood uur ku soo qaaday.

Soomaaliya Weli iyo Weliyad kama dhalan doonaan. Waxaase ka dhalan doona wiil iyo gabar. Qaarkood baa haddii ay helaan waalid iyo bareyaal wanaagsan oo si habboon u barbaarsha noqon doona halyeeyo. Koonkaan waxaa la isku dhaafay riyo laga dhabeeyey. Haddaba, wanaagga Soomaalidu ay la jeceshahay dalkooda iyo dadkooda, sida ay u muuqato waa riyooyin aan diyaar loo ahayn in falalkii ay ku rumoobi lahaayeen la raaciyo.

Markaa, aan isweyddiinno: Soomaali hoodo ma u yeelan kartaa dhallin ka korta maan beeleed? Gabboodfalyada Soomaalida dhexdeeda ka dhacay amaba ka dhaca sooyaal ahaan ma loo qori karaa,iyaga oo runta laga sheegayo cidnana aan looga xishoon? Ma la arki karaa haadaanta ka dambaysa qaybsanaanta iyo isqab-qabsiga siyaasiyiintu bulshada ku kala qoqobayaan? Siyaasiyiintu ma u deyn karaan bulshadu in ay iyadu iska dhaydo haarihii ay isu geysatay? Ma laga dhabayn karaa tuducdaan ku jirta heesta uu curiyey Abwaan Xasan Dhuxul “Laabsaalax”? Heesta waxaa qaadda kooxda Geeska ee Soomaaliyeed ee Soomaalilaand. Tuducda dhaxalgalka noqonaysaana waa: ….qofkii u han weyn hoggaanka dalkow hankaagu ha dhaafo reer hebel. Mahad badan Dhuxul.

Aan garwaaqsanno qoddobkan isna. Hoggaamiye hammi iyo himilo fog ku caan baxay Soomaaliya weli ma soo marin. Markaa, ma habaar baa in hoggaamiyeyaasha Soomaalidu noqdaan kuwo xukun uun doonaya, haddana inta xoogaa uruursada dalal dadkoodii dhisteen ku biisha kistii ay xisaab la’aanta ku qaateen? Maya. Eebbe nooma garan ayaandarro joogto ah ee bulshada baa xilkeedii gabtay. Tu kalena aan eego. Haddii aan raadadkoodii la raacin, oo iyaga oo aan xil hayn la baarin sooyaalkoodii siyaasadeed intii ay xilka hayeen, waxa ay noqonaysaa gaboodfal iyo xatooyo xoolo dadweyne midna ha ka xishoon saa cidna kulama xisaabtami doontee.

Aan isgarwaaqsiinno halkudhig uu ka tegey Xildhibaan Maxamud Jaamac “Afballaar”uuna ka yiri Golihii Wakiillada ee 1aad ee Buntilaand, Maarso 24, 1999. Wasiirku-xigeenno in la oggolaado baa maammulkii Buntilaand ee Cabdullaahi Yuusuf hoggaaminayey golaha ka codsaday. Afballaar oo taladaas diiddanaa baa yiri, “Mudaneyaal, haddii aan oggolaano in wasiirku-xigeenno la sameeyo, meel aysan ka soo noqon kari doonin bay tegeysaa innaka baana masuul ka noqon doonna. Marka, war hoy maanta aan hor istaagno.” Hortii Ma La Iska Baandheeyey? Bog 9 ama dahaarka sare, Cali Maxamed Cabdigiir (Caliganay), 1999, Garoowe. Haddaba, abwaan Dhuxul ma ku kabi karnaa: Hankaaga iyo hammigaaguba ha dhafeen haatan iyo reer hebel.

Haddana, isla dhaqankaas aan raadraaca lahayn waxaa ku dhumaya wanaaggii siyaasigu lahaa. Madax kasta oo la dhaliili jirey amaba hadda la liido maammulkiisa, waa hubaal in uu waxun wanaag ah sameeyey.

Ka rog oo haddana saar. Waxaa jirtey qormo uu dhigaha u qaatay Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed-Deeq) laguna baahiyey mareegaha Soomaaliyeed qaarkood bishii 8aad, 2013. “Ubad Badan Uma Baahnin” waxa ay ka mid ahayd qormooyinka loo hadalqaad badnaa ilaa uu soo baxay dhigane aan hormada xigta uga hadli doonno. “Ubad Badan Uma Baahnin” oo qoraagu si faahfaahsan u bandhigay in badan oo ka faallootay baa ka ilduuftay yoolkii uu qoraagu tooganayey. Waxaa kale oo iyana jirtey in dhigane uu qoray Axmed-Deeq ay mar dukaamada Hargeysa diideen in ay iibshaan –si loo raalligeliyo wadaaddada oo diiddanaa sawir gacmeed dusha buugga ku yiil.

Qoraa kalena aan eegno. ”Xadka Riddada Maxaa Ka Run Ah?” 2014, Nayroobi –oo uu habeenno badan ku soo jeeday aqoon yahan ku fogaaday cilmiga dhaqaalaha Islaamka –Cabdisiciid Cabdi Ismaaciil, waxa uu dusha ka maray sidii carabtu hoggaankii khaliifnimada isugu qabsatay markii Nebigii (NKHA) dhintay. Cabdisiciid waxa uu xigtay buuggaag aad u badan oo dhammaantood ama in yar mooyaane ay qoreen aqoon yahanno Carbeed. Dagaalkii wadaaddada Soomaalidu ku qaadeen ”Xadka Riddada Maxaa Ka Run Ah?” iyo qoraaga qudhiisaba, iyaga oo weliba qaarkood caytameen in badan oo aanba akhrin baa qayb ka qaadatay. Shiikh hebel baa dhaleeceeyey anna wadaadka baan iska raacayaa waa ayaandarro.

Erayadii ”Xadka Riddada Maxaa Ka Run Ah?” lagu maagayey midna kuma jirin in la baaray tixraacyadii qoraagu adeegsaday, oo lagu maagi lahaa haddii uu buugtaas been ka sheegay amaba isagu uu been abuuray. Sidaas lama yeelin ee qoraaga baa wadaaddada Soomaaliyeed toos u weerarreen. Waxaa muuqata in eed looga dhigay runta maxaad u qortay.

Tu kale oo aad looga xumaadana waa tan. Dhallin aan badnayn oo si waangsan u dheegatay buugga meelka-dhac markii ay ka waayeenna qoraallo ku difaacday markii laga reebo, ma jiro xil haye, siyaasi, aqoon caan ah amaba warbaahin Soomaaliyeed oo difaacay aqoon yahankiisa amaba bulshada ku gubaabiyey in wax la hubsado.

Haddaba, waa hoododarro in Cabdisiciid iyo Axmed-Deeq ay la kulmeen dagaal wadaaddo ugu adeegsadeen bulsho aan akhris yahan ahayn. Qofka Soomaaliga ah oo hiilka mudan ma laha gobol gaar ah oo uu ka soo jeedo. Waa xil saaran qof kasta oo xumaha ka dhiidhiya. Dhallinta Soomaaliyeed ma dhiig xuma, wax baase ka sirgaxan hammigooda. Soomaalida saxariirta loogu laayo Koofur Afrika Soomaalidu aad bay uga qaylisaa.

Haddana, Cabdisiciid Cabdi Ismaaciil –qoraaga “Xadka Riddada Maxaa Ka Run Ah?” iyo Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed-Deeq) iyana waa Soomaali gooro badan geliyey in ay Soomaali u soo gudbiyaan sooyaal badankood ka dahsoonaa. Gaar ahaan, sooyaalkaas Cabdisiciid tibaaxay ee aqoon yahannada Carbeed qarniyaal ka hor diinta Islaamka iyo siyaasadaynta diinta ka qoreen wadaaddada Soomaaliyeed ma rabaan in bulshadoodu ogaato. Wadaaddada Soomaaliyeed yey u shaqeeyaan? Mise waxaa jira heshiis ay carabta kula galeen in bulshada Soomaaliyeed indhaha laga rido?

Hoos aan u sii degno. Dhallinta Soomaaliyeed weli ma garan miyaa in shalay laga gilgilan waayey markii dawladdii askartu baraagihii uga daloolinaysay gobollada dhexe qaarkood iyo gobolka Bari, taas oo loo aanaynayey in dhallintoodii jabhad dawladda ku kacsan noqdeen? Weli lama garan miyaa in gilgilasho la’aantaas daraaddeed lagu xijiyey in Hargeysa iyo Burco lagu dukheeyey diyaaradihii calankoodu ku sawirnaa oo canshuurtii iyaga laga qaaday lagu soo gaday? Weli lama garan miyaa ficil la’aantaas miraha ay Soomaali ka guratay? Dhallinta Soomaaliyeed weli ma garan miyaa in ay si wada jir ah uga kacaan dadkii Soomaaliyeed oo qalalaasaha Yemen ka soo cararay dekedda Berbera lagu kala soocamiyey.

Siyaasaddaas gurracan go’aankeeda bulshada Soomaaliyeed ee reer Soomaaliland waa ka dhiidhiyeen, maahmaah Soomaaliyeed baase ah: Fallaari gilgilasho kuma harto. Hal qoddob baa haddana xusuusin mudan. Kuwa hore u maray iyo kuwa korayaba, dawladi waa qowlaysato magaca shacabka ku shaqaysata. Waa halhays “Dawlad la jir iskana jir”. La jir, oo kala-dambayn waa lagama maarmaan. Iska jir, oo in khasab looga soo saaro moojiye dawladi waxa ay dadweynaha u sheegtaa waxa ay rabto ama ay doonayso in laga maqlo oo keli ah. Aan qormada ku xirno: Dal waxaa dumisa ama dhista dhallintiisa.

W.Q. Cali Maxamed Cabdigiir (Caliganay)
Email:[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

2 Responses to “Hammiga Soomaalida Maxaa Ka Sirgaxan?”


    Fatal error: Uncaught Error: Class 'Roots_Walker_Comment' not found in /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/comments.php:11 Stack trace: #0 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/comment-template.php(1554): require() #1 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/content-single.php(46): comments_template('/templates/comm...') #2 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template.php(772): require('/home/forge/war...') #3 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template.php(716): load_template('/home/forge/war...', false, Array) #4 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/general-template.php(204): locate_template(Array, true, false, Array) #5 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/single.php(1): get_template_part('templates/conte...', 'single') #6 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/base.php(23): include('/home/forge/war...') #7 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template-loade in /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/comments.php on line 11
    WordPress › Error

    There has been a critical error on this website.

    Learn more about troubleshooting WordPress.