Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Haruub Daatay Caanaha….

W.Q. Aadam Cabdiraxmaan (Zaki)

Taariikhdu waxay leedahay Laba albaab oo kaliya. Mid kugu haga iftiin sida Dayax 15naad ah iyo mid mugdi iyo meel daran ku idlaada.

Kurayga kabaha caseeyaa , dawoowinka uu adeegsado markuu dhuxul iyo dhacaanno kale ku walaaqo, Islaanta caanaha keentaana ay barkood biyo ka dhigto ama booraha gasacadaha ku jiray qooshto.

Ganacsadaha daawadu markuu soosaaraha heshiis qiima dhimis kula galo tayadoo laga yareeyo ama mararka qaar bur laguu gunto, odayga neefka suuqa keenayna uu milix iyo magaad ku naaxiyo, maalqabeenkuna  badeecadda taariikhda u kordhiyaan.

Maraqa makhaayadluhu markuu biyaha baastada laga miiro kuugu qaso, wariyuhuna  been iyo war aan jirin wadnaha kugu jaro. Qolyaha gargaarka ka shaqaysta markay halkii loor ee galay qol ku raag ahba ay boqol war iyo waraaqo ah ka qoraan, barayaasha xarrumaha waxbarashana Jeebka uun dhawraan.

‘’Dhakhaatiirta’’ rugaha caafimaadku markay kuu xariiqaan daawo asaga uun usoo dagtay ama uu saami ku leeyahay, dhawr dhiig oo aan loo baahnayn iyo baaritaanno jeeb baarasho ahna kugu qasbo, kii hore daawaduu kuu qorayna qub oo daadi ku yiraahdo, boqolkii baryada kugu soo galayna kaa furto, daynna ku galiyo, qalniin iyo qayla dhaan kalena qoorta kuu sudho.

Dhaar iyo kitaab  markaad ku marto lahaanshaha dhul aanad isir iyo ab u yeelan, xoolaha agoontana la xalaalaysto. Markuu sako wixii ku waajibay maalqabeenku isagu isa siiyo. Ragga xooggiisu markuu makhaayadaha iska gabranaado, gabadhii soo martana lagu xadgudbo xurmadeeda oo xalay gogol kale jiiftay lagu masabito.

Boobka hantida ummadda marka la xalaashaday, dhiig xaaraan ah oo la daadshana markuu caadi noqday. Xalaasha marka laga xishoodo, hoygana xoog iyo baad lagu yeesho, madaxduna hantidii shacabka loogu adeegi lahaa ay lafahooda ugu adeegtaan, diyaarad iyo daaro waddamo shisheeye laga gato markay u qaybiyaan.

Intaa iyo in kalood adigu ogtahay markay dhab u jirto xaggee naxariista Eebbe noo soo maraysaa?

Waxaan qabaa shacabka Soomaaliyeed hadduu hagaagsan yahay halaaggan socda Eebbe kuma saladeen. Markaan Galbeed gacmaha u hoorsaneen garab marnay Eebbe Wayne ayuu nagu ciqaabay mid na gumaada iyo gumaysi gacalsade, mid na kala geeya iyo mid suuqa na gaysta.

Haruub daatay caanaha, hanbadaa la qaban jiray

W,Q. Aadam Cabdiraxmaan (Zaki)
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.