Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

HIIL IYO HOO

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Hiil iyo Hoo waa  laba arrimood oo dhaqanka ummadda Soomaaliyeed meel sare kaga jira, qofkii ku sifoobaana uu qaddarin iyo qiimo weyn bulshadiisa ka helayo.

somali nomad
Reerguraa Soomaaliyeed

Dabeecadaha iyo nolosha qalafsan ee reer guuraanimada ay colaadda iyo baahida joogtada ahi salka u yihiin  ayaa sababay muhimadda is taageeridda iyo is taakulaynta inta dhiig iyo dhalasho wadaagta.

Qabiilka ayaa ahaa welina ah caymiska keliya ee qofka Soomaaliyeed ku jiro ee uu u ciirsado maalinta ay arrini ka maroorto. Marka uu dhib geystana qabiilkiisa ayay masuuliyadda kama dambeysta ahi ku soo noqonaysay  oo furdaamin jiray welina furdaamiya. Sidoo kale haddii uu dhibbane yahay iyagaa qareen u ah oo inay xaqiisa soo dhiciyaan  masuul ka ah.

Qofku waa inuu mar kasta diyaar la yahay wixii tolkii  hiil iyo hoo uga soo baahdaba, haddii hagar iyo lexojeclo laga dareemana wuxuu noqonayaa wax matare bakhayl ah oo aan sharaf ku lahayn dadkiisa. Gar iyo gardarraba waa inuu qabiilkiisa ku taageeraa, waana halka ay Soomaalidu ka tiraahdo fiqi tolkii kama janno tago.

Markii ay dhalintu xoogsi tagto wixii ay soo xero gashaan ayaa iyana tolku qaybsadaa. Xoogsigu ma ahayn in Sacuudiga ama Imaaraadka loo shaqo tago ama Yurub tahriib lagu galo balse waxa uu ahaa in xoolo islaameed la soo dhaco,

Haddii ay beel dagaal gasho waa in intii ay magac wadaagaan  hiil iyo hooba isla garab taagaan oo ay meel kala soo jeestaan, haddii kale waxaa imanaysa goddob taariikhda gasha oo gabayo iyo geeraarro laga tiriyo.

Haddaba dhaqankaas hiil iyo hooda ku dhisan ee ay Soomaalidu asalka u lahayd waa mid aad uga geddisan midka dawlad laga rabo ee shuruucda iyo qawaaniintiisa wata.

Markii ay tololkii Soomaalidiyeed ee ay saancaddaalayaashii reer Yurub maamulkooda ku mideeyeen ay xoriyaddooda hanteen ayaa dawladdii laga dhigay Hal. Hasyeeshee Hashani waa mid ka geddisan geelii ay Soomaalidu dhaqan jirtay kalana dhici jirtay, maxaayeelay ma ahayn mid xero tol keliya ku jirta ee waxay ahayd mid ummad dhan ka dhexeysa.

Haddaba dhibaatadii ugu horreysay waxay soo shaac baxday ka dib markii uu reer waliba isku deyay inuu hashan xeradiisa soo geliyo. Waxaa la illoobay in nidaamaka dawladeed yahay mid ay muwaadiniintu u simatahay qofka masuulka ahna laga rabo inuu caddaalad iyo sinnaan ugu adeego idilkood.

Habdhaqnkii ku dhisnaa hiil iyo hoo ma ahayn mid si dhib yar uga tirtirmi kara maskaxda qofka Soomaaliyeed. Sidaadarteed madaxdii iyo hawlwadeennadii dawladda ee loo hanweynaa waxay la dhexgaleen dhaqankii reerguuraanimo ee hiil iyo hooda ku dhisnaa nidaamkii dawladdeed. Habdhaqankan markii nidaamkii dawladeed lagu dabaqay ayaa hiilkii wuxuu isku rogay eex halka hoodiina ay ka noqotay musuqmaasuq iyo  hantida ummadda oo la lunsado tolkana laga nooleeyo.

Waxaa markiiba billaabmay in qof aan xaq u lahayn darajo iyo dallacaad la iska siiyo, hantidii ummadda ka dhexaysayna afka looga buuxiyo, dawladdiina waxay noqotay hal naaso badan oo qoloba meeshii ay ka soo gaadho ka maasho.

Waagii miyiga la joogay qofka markii hiil ama hoo looga baahdo xoolihiisa ayuu wax ka bixin jiray hase yeeshee markan waxaa timid in qofka madaxda ahi xoolihii ummadda tolkii ka dhergiyo.

Qofkii xil ummadda u haya ee isku daya inuu sinnaan iyo caddaalad shacabka ugu adeega wuxuu noqonayaa tuke canbaar leh iyo wax ma tare naftiisa iyo tolkiiba gabay oo lagu khasaaray.

Eexda iyo musuqmaasuqaas salka u ah dhaqanka Soomaalida ayuu qarankii eeday oo uu ku burburay. Waxa ilaa iyo maanta  Soomaalidu isku haystaana waa reerkii ay hasha maandeeq xeradiisa ku hoyan lahayd ee naasaheeda midka ugu caanaha badan maali lahaa.

Qofkasta oo Soomaaliyeed wuxuu doono ha ahaadee waa mid ay argatida qabiil ku dheertahay oo qaranimadu waxba la ahayn. Waxa Soomaali mideeya ama kala kexeeyaana waa qabiil.

Waxaa la isku dilay qabiil, waxaa la isugu eexday qabiil, waxa qaranka lagu burburiyay qabiil, ugu dambaystiina qabiilkii ayaa maanta ummaddan Soomaaliyeed  xal looga dayay

Nidaamka Federaalka, Dawlad Goboleedyada iyo waxa loogu yeedho awood qaybsiga tololka Soomaaliyeed ee ay salka u tahay qaacidada 4.5 waxay si cad inoogu bidhaaminayaan aragtida gurracan ee aynu ka qabno nidaamka dawladnimo. Waxay u egtahay in inta hashii Maandeeq la qalay tol waliba cadkii uu ka heli karayay gees ula cararay.

Hadii aynu hore u maqli jirnay murran xudduudeed oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ama Soomaaliya iyo Kiiniya maanta waxaa bedelay maamul goboleedyo xad isku haysta.

Mas’uulka Soomaaliyeed waxa uu maanta wax walba kaga kalsoon yahay in uu Addis Ababa ama Nayroobi tago oo amarrada ka soo qaato. Waa la kala irdhoobay oo la kala aamin baxay. Siyaasi kasta oo xil ummaddeed hayaana tolkii ayuu xilkaas u hayaa. Madaxweynuhu tolkii ayuun buu madaxweyne u yahay, wasiirraduna tolkood ayuun bay wasiir u yihiin.

Weli ma aragtay mas’uul Soomaaliyeed oo qurbaha soo booqday. Yaa soo dhaweeya, yaa ku hareeraysan ama horboodaya, yaa kullamada uu jaaliyadaha la qaadanayo qabanqaabiya xataa haddii uu madaxweyne yahay? Jawaabtu waa iska caddahay adiga ayaanan kuu dhaafayaa.

Haddaba ummadda damiirkoodu heerkaa gaadhay uma muuqato in ay wax wadaagi karaan, si kasta oo wax la innoogu dhoodhoobana ma noqon karno dad nidaam dawladnimo casri ah wada dhisan kara illeen dareenkeena iyo argatideenuba waa mid ku dhisan tolnimo iyo habdhaqanka hiil iyo hoo horseedka u yihiin.

Haddaba la yaab ma leh in Soomaaliya lagu tilmaamo qaran saaqiday, ayna sannad walba kaalinta 1aad ka gasho oo calanka u siddo musuqmaauqa waddamada adduunka oo idil.

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan
Email: [email protected]

F.G. Maqaalkan oo wax yar ka geddisan waxaan markii ugu horreysay ku soo daabacay qaar ka mid ah degellada Soomaalida bishii May, 2004tii.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.