Tuesday, April 16, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Hindisaha Kordhinta Golaha Wakiiladda ee Puntland “Laaka sagaaro raq bay istaraan”

W/Q Maxmaed Axmed (Moqor)

Waxa maalmahan aad loo hadal hayay barraha bulshadda iyo fagaarayaasha fadhiyadda magaalooyinka waaweyn ee Puntland, hindisaha Madaxweynaha wakhtigiisu sii dhamaanayo ee mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu xusul duubka ugu jiro kordhinta golaha wakiilada ee Puntland. Kaas oo ka hor imanaya dastuurka Puntland oo ay dejiyeen xeeldheerayaal dhinaca sharciga iyo qaanuunka aqoon durugsan u leh, kuna qotomiyay dhisadda golaha wakiiladda ee xiligaasi hab iyo hanaan waaqici ah.

Sida uu qabo dastuurka Puntland qeybinta iyo dhisidda golaha wakiilada ee Puntland, waxa lagu alkumay hab heer gobol, mana aysan dhicin in wax laga bedelo ilaa afartii baarlamaan ee ka hirgalay Puntland.

Kordhinta tiradda golaha wakiiladda ee Puntland waxa ay mujinaysa sida toos ka ah ee uu mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas sharciga u baalmarayo iyo sida uu rajadii shacabka Puntland u gelinayo meel cidhiidhi ah oo aanay dib uga soo labaan karin .

Sida ku cad ilaa iyo aasaaski Puntland xubnaha golaha wakiiladda ee Puntland ma ahayn kuwa ka tarjuma baahiyaha shacabka ay wakiilka ka yihiin ee ay magacooda ku joogaan aqalka golaha wakiiladda ee Puntland.  Hadaba akhriste, maxay macna ah oo ay leedahay kordhinta tiradda kolaha wakiiladda ee Puntland hadiiba aanay ahayn dad ka damqan kara baahiyaha bulshadda ay matalaan haysta.

Maahmaah Af-soomaali ah ayaa ahayd “ Laaka sagaaro raq bay istaraan” kordhinta tiradda golaha wakiiladda ee Puntland maaha mid u abuuraysa xal waaraha mushkilaadka gacan ku rimiska ah ee ka jira Puntland.

Khasaaraha ka dhalan kara kordhinta golaha wakiiladda ee Puntland.

  • Mushahar inaan loo heli doonin waxa taariikhada Puntland intii ay jiratay dhacay gadoodkii ciidan ee ugu badnaa intii uu taladda hayay mudane Gaas ayaga oo ka cabanaya mushar la’aan iyo in xaquuqdoodi lagu tagri falay, waxa taas kasii daran in ay isku gadaameen xaruntii golaha wakiiladda iyaga oo ay ku jiraan golihii wakiiladda
  • In ay abuuri karto kala tafaraaruq ku yimaada bulshadda oo ay cid waliba tiraahdo waa markayagii ee hala kordhiyo hadii kale waxan samaysanayna maamul gaara
  • Waxa aad u sahlanaan doonta in cid walba ay sharciga ku tagri fasho oo ay sida ay rabaan ka yeelaan
  • Jaahwareer siyaasadeed u hor leh oo keeni kara burbur siyaasadeed oo aan laga soo kaban karin

 Maxaa ku kalifay qar iska xoornimada maxadweyne Gaas

Akhristow aan ku xasuusiyo in mudane madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu noqday madaxweynihii ugu balan qaadka badnaa ee so mara Puntland taas waxa ay rajo xumo joogta ah ku tahay shacabka Puntland waxyaabaha ku kalifay wax aka mid ah

  • In uu mudane madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas lumiyay kalsoonidii golaha wakiiladda ee hadda jira
  • Helidda xildhibaano isga la jaal ah ee doorashadda sosoocta
  • Fashilkii uga yimid balan qaadkiisii ahaa hal qof hal cod

Talo bixin

Waxa haboonayd in madaxweynaha uu fiiro gaara u yeesho baahiyaha haysta shacabka mudnaantana kala siiyo sida ay u kala muhiimsan yihiin.  Waxay ahayd in madaxweynuhu uu wadatashiyo la qaato salaadiinta, cuqaasha, garaadadda, beeldaajayaasha, ugaasyadda, aqoonyahanadda, culumadda, ururadda dhalinyaradda iyo haweenka dabadeetana iclaamiyo madal wadatashi si hormuudka bulshadda oo dhan ay shirkaasi uga tala bixiyaan sidii shirkii lagu alkumay Puntland oo kale.

Maxamed Axmed (Moqor)
Email:[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.