Tuesday, March 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo

Horta Maxaad Buug U Qori Weyday?

It is perfectly okay to write garbage—as long as you edit brilliantly.
– C. J. Cherryh

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Sheekadii na dhex martay aniga iyo akhriste

Xilli ay hadda ka soo wareegtay dhawr billood, ayaan mid ka mid ah akhristayaasha degelka WardheerNews ka helay farriin Email ah oo uu igaga codsanayay in aan u soo diro qoraal muddo hore ku soo baxay WardheerNews oo aan anigu lahaa.

Waxa uu ahaa qoraal xusuustayda ka baxay. Waxaan ka raadiyay kaydka qoraallada WardheerNews, hase yeeshee waan ka quusaty inaan helo, manay jirin meel kale oo uu iigu kaydsanaa. Waxaan filayaa inuu ka mid yahay qoraallo badan oo ku lumay isbedelkii nashqadeed ee lagu sameeyay WardheerNews dabayaaqadii sannadkii 2012kii.

Nasiib darro in aanu qoraalkaasi farahayga ku jirin, ayaan ugu warceliyay akhristihii isoo warsaday maqaalkaas.

Isagoo aad uga xun arrintaas, ayuu iisoo qoray farriin dheer oo uu ku soo gabagabeeyay “horta maxaad buug u qori weyday?”

Waxay igu noqotay weydiin yaab leh waayo weli kama fikirin in aan buug qoro, wax aan ka ahayn maqaallo iyo sheekooyin gaagaaban oo markii aan wakhti u helo WardheerNews ku soo qoro mooyaane.

Waxaan isku dayay in aan akhristaha qanciyo, waxaanan u sheegay in buug qoristu aanay ahayn wax dhib yar oo ay hawl iyo wakhti badan u baahantahay.

Aad buu uga yaabay jawaabta aan siiyay, waxaanu malaha ii arkay dhoohane aan wax badan la socon. Waxa uu ii sheegay in aanay hawl badan iiga baahnayn in aan buug qoro, waxa keliya ee la iiga baahanyahayna tahay in aan qoraalladii iyo sheekooyinkii aan hore u qoray uun hal buug isugu soo urruriyo!

Malaha arrintani waxa uu u arkayay akhristahaasi xal lagaga badbaadi karo in qoraal dambe uu lumo!

Ma filayo In maqaallo ka hadlayay dhacdooyin iyo mawduucyo kala geddisan oo la socday xilliyo kala duwan oo la soo dhaafay, horeyna akhristayaal badani uga daalacdeen internetka oo buug la isugu soo urruriyay in ay noqon karaan wax akhristuhu xiiseeyo haseyeeshee sheekooyin gaagaaban oo hal buug la isugu keenay, iyadoo kuwo cusubna lagu badhxay waa arrin malaha meesha ku jirta.

Buug qorista xilligan

Sida ay u bateen xilligan qorayaasha Soomaaliyeed si la mid ah ayay iyana u bateen buuggaagta sannad walba la soo saaraa.

Waa wax lagu farxo in Soomaalida oo lagu tilmaami jiray ummad aan wax qorin waxna akhrin in maanta ay u wada tafaxayteen dhanka qoraalka.

Shaki ma leh in qof waliba buug qori karo, qoraana noqon karo haseyeeshee buug walba ma noqon karo buug fiican oo akhristayaasha soo jiita. Buugga fiican iyo midka la iska malmaluuqana farqiga u dhexeeyaa waa aqoonta qoraha, hibada, dadaalka iyo wakhtiga la geliyay.

Qoraaga fiican, had iyo jeer aad bay ugu adagtahay in uu hal bog buuxiyo, halka Qoraaga xun isaga ay aad ugu dhib yartahay.  Aubrey Kalitera, (Why Father Why, 1983).

Weedha kore waa mid ina xasuusinaysa muhimadda ay leedahay ka fiirsashada iyo ka fikirka waxa aad qorayso ee aad rabto in aad bulshada u soo bandhigto.

Haddaba marka aad booqatid barnaamijyada iyo goobaha lagu soo bandhigo buuggaagta Soomaalida waxaad arkaysaa miisas ay dul wadhanyihiin boqollaal buug oo kala geddisan oo badankoodu Af Soomaali ku qoran.

Nasiib darro buuggaagtaas tirada badan marka aad u kuurgasho aad bay u yaryihiin inta ay naftaadu u hollan karto in aad iibsato si aad u akhridid, macluumaadka ay xambaarsanyihiina uga faa’idaysatid.

Waxaa jira dad qorayaal sheeganaya oo sannadkii dhawr buug oo mawduucyo kala geddisan ka hadlaya soosaaraya. Waad iska fahmi kartaa qoraaga noocaas ah waxsoosaarkiisu sida uu noqon karo.

Waxaad arkaysaa kuwo taariikh ka hadlaya oo aan haba yaraatee wax tixraac ah iyo meel ay ka soo xigteen dhacdooyinka ay ka hadlayaan aan midna lahayn. Waxay u eegtahay in qof waliba wixii maskaxdiisa ku soo dhaca ama uu maqli jiaray uun uu iska qoray, halka kuwo kale isu soo urruriyaan dukumantiyo tiro badan oo ay buug ka sameeyaan ka dibna halkii ay dusha kaga qori lahaayeen waxaa soo urruriyay, ayaa waxa ay ku qoraan waxa qoray! Waa yaabe urrurin iyo qorid goormay isku mid noqdeen.

Waxaa iyana jira kuwo isku soo urruriya maqaallo kala geddisan oo ay tayadoodu aad u hoosayso nuxur ahaan iyo qoraal ahaanba oo ay hore ugu daabaceen degellada Soomaalida, waana qaybta uu igula taliyay akhristahaasi in aan ka mid noqdo.

Waxaa intaas dheer buuggaagta sheeko fanneedka oo laga yaabo in sheekadu ducul ahaan fiicanatahay haseyeeshee qaabka loo soo gudbiyay ka dilay xiisihii loo qabi lahaa akhriskeeda.

Waaxaa iyana aad u badan dadka soo minguuriya qoraallo dad kale leeyihiin ee iskadhiga in ay iyagu qoreen (Plagiarism ).

Nasiib darro buuggaagtaas tirada badan ee Afkeenna Hooyo ku qoran halkii ay ka noqon lahaayeen kuwo kobciya hab qoraalka suubban ee Af Soomaaliaga waxay jideeyaan qaladaadka tirada badan ee aan loo aabbo yeelin ee aad kula kulmi kartid inta badan qoraallada Af Soomaaliga ku soo baxa.

Waxaa ka muuqata buuggaagtaas badankooda in aanay qorayaashu wax xil ah iska saarin dhinaca tifatirka qoraalka.

Haddii aad rabtid in aad wax fiican qortid waa in aad layli badan samaysid, wakhti badanna ku bixisid, ku noqnoqtid oo aad turxaanbixisid.

Haweenayda Maraykanka ah ee ku caanka ah qorista sheeko fanneedka C. J Cheryh , ayaa iyadoo ka hadlaysa muhimadda tifatirka waxaa laga hayaa halkudhegeeda caanka, “ waxba kuma jabna in aad qashin soo qortid inta uu ka yahay mid si fiican aad u tifatiray.”

Waa wax laga naxo in qof aan kala garan karin hakad, joogsi amaba meesha xarafka weyn looga baahanyahay uu hawaysto in uu buug qoro isagoon sidoo kalana kala aqoon xarafku goorta uu labalaabmo iwm.

Waxaa la yaab leh in marar badan aad kula kulantid Mareegaha Soomaalida qoraa ka cabanaya in buuggiisii falanqayn taban laga bixiyay, halkii uu uga mahadcelin lahaa dibna u fiirin lahaa dhaliilahaas loo soo jeediyay.

Iyadoo awalba akhriskeenu iska liitay saw tacab khasaar ma ahan wax aad ku soo hawshootay, hantina kaa gashay oo cid danaynaysaba aad weydid.

Miyaanay ka habboonaateen in aad marka horeba inta aanad buug qoris sheekada ka billaabin, isku daydid in aad wax ka baratid hab qoraalka suubban ee Afkaaga Hooyo iyo guud ahaanba nidaamka wax loo qoro iyadoo aad macluumaad badan oo arrintaas ku saabsan si dhib yar uga heli kartid Internetka.

Haddii uu kugu jiro hamiga qoraanimo, ku dadaal sidii aad u noqon lahayd qoraa fiican oo akhristayaashu xiiseeyaan waxsoosaarkiisa.

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.