Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

INANTAADA U GUURI!

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen

Maxamed S. Barre

Saddexdii sano ee u horreeyay  Kacaankii 21ka  Oktoobar  (1969- 1972) markii xoogga dalku taliskii kala wareegeen dowladdii rayidka ahayd, shicbiga Soomaaliyeed sida rah xareed ku jra ayuu hees iyo mashxarad kala goyn waayay.  Xadhiggii xabsiga loo taxaabay madaxdii xukuumadda, wasiirro iyo xubnihii barlamaanka ka sokow ee shicbigu ku diirsaday, waxaa ka sii qiime weynaa rajada noolaatay ee dadka lagu abuuray.  Nabadda dhidibbada loo adkeeyay iyo dadkii oo waxqabadkooda u madaxbannaanaday oo iskaa wax-u-qabso ku qamaamay.

Xilligaas marna lama dhaadin in udub-dhexaadkii iyo tiirarkii ay dowladda iyo qarannimadu ku dhisnayd si yaryar xididdada loo siibay.  Dastuurkii dalka, xeerhoosaadadii heya’daha dawladdu ku shaqayn jireen, axsaabtii siyaasadeed ee dalka ka jiray, ururradii bulshada oo loo kala aabbe yeelin, wargeysyadii iyo warbaahintii madaxbannaanayd, maxkamaddii sare ee sharciga dalka ilaalinaysay,  dhammaantood inta la tirtiray ayaa lagu beddelay wareegto xafiiska guddoonshaha GSK ka soo baxda.

Sibiq-sibiq ayaa loo qaatay Hantiwadaagga Cilmiga ku dhisan.  Horusocodkii adduunka ayaa xiddigtaa Soomaaliya ka iftiintay ku farxay, u soo xogtagay oo isgarab taagay.  Axsaabta horusocodka ah iyo ururrada gobanimodoonka ah, gaar ahaan kuwa Afrika sida Koonfur Afrika (ANC), Mosambiqe (FRELIMO), Rodiisiya (ZAPU – ZANU), Angola (MPLA), Gini Bisow & Cape Verde (PAIGC) iyo kuwa Falastiin, Eritreya, Fiyetnam, Laa’os, Kambodiya (INDOCHINA) ayaa sidii xajka Muqdisho ku soo wada cimraystay.  Soo dhoweyn aan la arag oo la maqal ayayna Soomaaliya kala kulmeen.

Markan ururka booqashada ku yimid waa Xisbiga Shuuciga ee dalka Lubnaan oo ka tirsan kuwa u socda inay taliska curtay gacan iyo garab siiyaan, isagoo isla markiina eegaya sida ay wax u socdaan.  Xubnaha wefdigu waxay kala ahaayeen Kariim Muruwa oo guddiga siyaasadda u qaabilsan dhinaca warfaafinta iyo wacyi-gelinta.  Xubinta kale waxuu ahaa Nobar Martian oo isagu u xilsaaran xiriirka ganacsiga xisbiga.  Aniga ayaa wefdigaas u ahaa tarjumaan iyo hage barnaamij.  Dhowr masu’uul ayay arkeen, dhowr meelood oo diillinta dhul-badhuhu ku jirtona way soo booqdeen.  Ugu dambayntii Madaxweyne M. S. Barre ayay la kulmeen. Fadhigaas anigu kuma aan wehelin.

Madaxda ay waraysteen ee sida weyn u danaynayeen waxaa ka mid ahaa Duqa magaalada Muqdisho, G/le  Cismaan Maxamed Jeelle oo ka tirsan Golaha Sare ee Kacaanka.  Waa jago adduunka magac weyn ku fadhida, marka loo eego maamulka lagu aaminay intuu culays le’eg yahay.  Axsaabta lagu magacaabo horusocodka waxaa caado u ah inay si adag isu bahaystaan oo haddii wargeys midkood ka tirsani uu dal wax ka soo qoro, inta kale badanaa uma baahato inay dalkaas booqato ee  intii wargeysku qoray ayay soo xigtaan.  Madaxa wefdigu, Kariim Muruwa, waa qoraa siyaasi caan ah oo ka diiwaan gashan axsaabtaa aan soo sheegay, dalka Lubnaan uu ka socdona lagu yaqaan warbaahinta faafta ee Bariga Dhexe.

Sannadku waa 1972 bilawgiisii, xilli barqo ah ayaa kulanku ka dhacay xafiiska Duqa magaalada ee Muqdisho.  Aniga Ilaahay ayaa I soo furtay oo tarjumid la iiga ma baahan.  Wafdiga iyo Cismaan Jeelle  Af-carbeed ayay ku wada hadlayeen.  Salaan, soo dhowayn iyo shaah la wada cabbo ka dib, hawshii rasmiga ahayd ayaa la gudagalay.

Wefdigu dantuu u socday iyo taageeridda taliska ayuu caddeeyay isagoo ku daraya in wixii talo ahna dhinaca siyaasadda iyo ganacsiga uu diyaar u yahay.  Siyaasadda waxaa ka hadlay Kariim Muruwa, qaybta ganacsigana Nobar Martian.  Af macaan iyo kalsooni ayaa lagu wada hadlayaa oo sagatis ma jiro.  Anigu nafis waxaan u helay inaan waxa meesha ka socda dhegta ku maalo.  Doorkii waxa uu ku soo wareegay Duqa Muqdisho Cismaan M. Jeelle oo ku billaabay muddadii Kacaanku taliska dalka la wareegay guulihii uu soo hooyay gaar ahaan dhinaca qorshaha caasimadda loo dejiyay, dhinacyada habaynta, nabadgelyada iyo qurxinta magaala-madaxda.  Isagoo halkaas ka sii wada, intuu isagu Duqa ka noqday Muqdisho, ayuu waxqabadkii ugu cuslaa ka warramay.

Muqdisho

“ Muqdisho sidaad u jeeddaan iyo wax u dhow toonna ma ahayn.  Intaan isugu yeeray injineeradii caasimadda joogay ayaan u qabtay inay ii soo gudbiyaan qorshe dhan sidii magaalada loo bili lahaa xagga dhismaha, ammaanka, iyo gaar ahaan waddooyinka kala jeeda ee qaabdarridu ka muuqato.” Ayuu hadalkiisii ku billaabay Duqa caasimaddu.

Wuu sii hadlay waxaanu yidhi, “ Wada-hadal iyo dood cabbaar socotay, waxay qabsadeen lix bilood ugu yaraan, anna waan ka diiday muddadaas dheer oo waxaan u qabtay in aan xilkaasi la dhaafin laba bilood wax ka badan.  Sidaas ayaanuna ku kala tagnay.”

Jaalle Cismaan M. Jeelle oo wafigii warbixintii waxqabadkiisa u sii wada ayaa waxa uu yidhi, “ Labadii bilood ka dib ayay iila yimaaddeen in waqtigii ku yaraaday aan hawshii la wada dhammayn. Haddana saddex toddobaad ayaan ugu daray oo kama dambays ah.”

“ Waa laygu soo laabtay iyadoo aan hawshii la dhammaystirin, markan aniga taladu way ii sii go’nayd haddii ay hawl qabyo ah ii la soo noqdaan.” Ayuu u sii raaciyay Duqu.

Cismaan M. Jeelle intuu khariidadda Muqdisho oo isku laaban miiskii dhexdooda yiil ku kala bixiyay ayuu ushii saraakiisha Xoogga Dalka astaanta u ahayd la soo baxay iyo qalin khad cas iyadoo wefdigu u jeedo, ayuu ushii hadba  khariidadda meel ku dhuftay.

‘ Waddadan halkaas ka bixiya..  tanna taas ku xira..  tanina halkaas ha ka soo wareegto. .’

Sidaas ayuu toban jid ku wada caseeyay.

“Amarkaas ayaan ku kala diray inay wax ku fuliyaan. Waadna aragtaan siday magaaladu u dhisantay markay talooyinkaygii qaateen.” Ayuu ku soo gabagabeeyay.

Intaas ayaa kulankii ku dhammaaday iyadoo ay Cismaan rayrayn wacani wejigiisa ka muuqato.

Ninka Nobar Martian waa Bare Sare oo injineer ah.  Dhowr jaamacadood oo Bariga Dhexe iyo Yurub ayuu ka dhigaa cilmiga qaabaynta iyo qurxinta magaalooyinka iyo dhisidda guryaha casriga ah.  Dhawr af ayuu wax ku dhigaa. wefdigana isaga ayaa u qaabilsan su’aalaha adadag iyo wixii xog dheeri ah ay uga baahanyihiin.  Intaan la isa sii sagootiyin ayuu si yar Cismaan u weyddiiyay, “ Adigu cilmiga waddooyinka xaggee baad ku soo baratay?”

Cismaan ayaa si kalsooni ka muuqato ugu jawaabay, “ Anigu cilmigan jaamacad uga ma soo bixin ee intii injineeradu isku maqnaayeen ayaan sii darsay sida ugu fiican ee waddooyinku isu raaci karaan.. kuwa la duminayo iyo kuwa dhisid u baahan.  Waadna aragtaa waxa ka soo baxay taladaydii.”   Halkaas ayaana booqashadii  ku dhammaatay.

Wefdigu huteelkii ayuu ku laabtay.  Intii aan dhexda kusii jirnay ayaa Nobar Martian i weyddiiyay: ‘ Cismaan Jeelle maxay isu yihiin Madaxweyne M. S. Barre?’

Waxba! ayaan ugu jawaabay iyo inay laba reer aan abtirsiimo wadaagin ka kala dhasheen.

Nobar  isagoo kaftan-dhablaynaya ayuu nagu yiri, “ Haddaad madaxweyne tahay oo aad rabtid in xubin Golaha Sare codayntiisu marna meel kaa tegin, waxaa loo guuriyaa inantaada ee looma guuriyo caasimadda dalka.”

Waannu wada qosolnay oo huteelkii toos u aadnay.

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen
Email: [email protected]
——————-
Siciid waa qoraa deggen magaalada London, UK, oo si joogto ah wax ugu soo qora degelka WardheerNews, waana guddoomiye xigeenkii hore ee Naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.