Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Iqra (Maanso)

W.T. Maxamed Haaruun Ibraahim 

Maansaddan ‘Iqra’, waxay soo baxday 15-03-2015. Waxa ay si qotodheer uga hadlaysaa dhibaatooyinka dhinac kasta leh ee ragaadiyay ummaddeenan Soomaaliyeed sida qaraabo-kiilka, qaadka, tahriibka iyo aqoonla,aanta oo intaasba u aabbe ah. Waxay sidoo kale iftiiminaysaa horumarka ballaadhan ee uu horseedo qalinku, iyadoo gaba-gabadana hogatusaalanaysa da’yarta wadadda lagaga bixi karo masiibiyaankaas qaran.
Waxayna ku bilaabantay sida tan:

Idirisoow dharaartii,
Udgoonoow Mustafihii,
Waxyi lagu ilhaanshee,
Iqra lagu bilaabaa,
Ummadii dhigaalkana,
Ismigeen la kawsaday.

Axmadoow Rasuulkiyo,
Eebaaba sheegoo,
Aayaad quraaniyo,
Axaadiis tiraabaa,
Alif ina faraayiyo,
Urursiga daliilada,
Sidaas awaadeedana,
Insaanba sharaftii,
Cilmi bay ku ururtoo,
Ninkii eray ku dheerbaa,
Ifka kugu hoggaanshoo,
Ololkiisa baxayaa,
La iftiinsadaayoo,
Aadmigu kulaalaan,
Aakhira lafteedana,
Ilihii firdawsuu,
Ku aroorayaayoo,
Dhankastoo la eegaba,
Awal weeye maandhoow.

Aqoontana sideedaba,
Akhris baa u seesoo,
Afmiiqane qoraalkii(qalin),
Waa ka haga addunkoo,
Awoodiisu waa taas,
Uunka kala kaxaysee,
Ninna saartay oogada,
Midna hoos u aastee,
Aynigii ka reebtee,
Ku abaashay tuugsiga,
Afmiiqane qoraalkii,
Waa irridda guushoo,
Amarkiisu waa kaas,
Reer galbeed ugaaskiyo,
Iimaam ka yeeshee,
U afduubtay dunidoo,
Inankaas yaree ruush,
Isticmaalka qalinkiyo,
Adeegsiga kaskiisuu,
Ifisiyo rasaas iyo,
Aalad badaha quustiyo,
Ku ikhtiraacay kaaraha,
Indha yare japaaniis,
Amrikaanyo reer yurub,
Dayaxaas ilayseey,
Iyaguna u dhoofeen,
Korkiisay istaageen,
Waxa uurka jiifiyo.
Unugyada jidhkeeniyo,
Wadnahay ogaadeen.

Ana horumar daayoo,
Abidkay iyo waligay,
Irbad maan samaynine,
Asaagay wixiisaa,
Aqalkayga yaaloo,
Anfaacigaan cunaayiyo,
Uunsigana kol ay tahay,
Waa amaano reeroo,
Waxa layga iibshaa,
Alaabtaan lahaayeen,
Amaahaa ku bixiyoo,
Isticmaarkii maankaa,
Idirisoow I haystoo,
Ruuxaas asqaysanee,
La adoonsadaan ahay,
Mid agaa dam joogoo,
Dhalanteed arkaayoo,
Ayaan daran ayaan ahay,
Afrikaan madaw iyo,
Soomaali baan ahay.

Ilbax waxaan u haystaa,
Qabiil loo irkada iyo,
Aano laysku dila iyo,
Utun loo colooboo,
Hadba reer islaamoo,
Ammaan xalay ku seexdaan,
Allaylkii miraayoon,
Dagaal oogta waabari,
Alasay ku qaadaa.

Ubadkaan u dhidideen,
Aayatiin ka sugayeen,
Islahaa daloolada,
Hadday awdi doonaan,
Adhaxdiyo kuwii aan,
Oofaha ku qaadiyo,
Ubixii dhulkaygii,
Tahriib baa idleeyoo,
Ajashii ku waayeen,
Afartii badbaadiyo,
Intii gudubtay baduhuna,
Eegay u liitaan,
Islaamaha caddaankiyo,
Awawyay u maydhaan.

Itaal xoog raggaygii,
Abaaraa I rari laa,
Guryo-samo ugbaad badan,
Ishinkayga gayn laa,
Ii aroori laayee,
Oonkayga tiri laa,
Edeg bay ku xidhanyiin,
Aroor iyo habeenkana,
Waa oori qaadoo,
Maalintaanu imanbay,
Asaydiisa qaadaan.

Indheer garad kuwaan biday,
Maamulkii ku aaminay,
Way istaahilaan idhi,
May ilaalin xeerkii,
Isku duubnidii dile,
Albaabkii qabiil fure,
Ka aamuse dantii guud,
U eedaame gaar gaar,
Ingiriis siday yiin,
Iglan iyo tolkeediyo,
Ku adeegay shaydaan,
Sida ooryo oo kale,
Oday qudhaati wada qabo,
Isku oriye,caytame,
Midba iinta xubin kale,
Ku ilaw xilkii qaran.

Ka anbaday dariiqii,
Ixtiraam dad waawayn,
Eber keenay waa hore,
Axsaan laysku fala iyo,
Ka engegay samaantii,
Aflagaadshay diintii,
Amaan badane nabigiyo,
Ilaahbaaban caayaa.

Ka abraaray dhaqankii,
Ka abaaday suugaan,
Murtidiyo afkaygii,
Arrad baan ka joogaa.

Ku darsoo adeeroow,
Waxaasoo inkaariyo,
Ummuuraha aan soo taxay,
Eel kaloon siraystoon,
Afka kala xishoodiyo,
In kaloonan sheegayn,
Idil gabi dhammaantood,
Anigaysku keenoo,
Addimada ku doontoo,
Ku abqaashay gacantay,
Anigaa ablaydana,
Tumayoo afeeyoo,
Isku jaray unuunkoo,
Awlaaday ku gawracay,
Balse waan ismoogahay,
Aafada I haysiyo,
Eedaadistaydana,
Waxaan kaga afeeftaa,
cid kalaa u aabbaa,
Eedana u tiirshaa.

Balse Idiris dheeroow,
Ibtiladiyo dhibtaada,
Intaas waxa ka sii badan,
U adkaysan maynee,
Aynu qaadno ololoo,
Iska saarno iilkiyo,
Awaarahaynu jiifnee,
Illimadan ku tusayiyo,
Odhaahdaydan weelee,
Inta ummalka raagiyo,
Asaayada dareentiyo,
Ogaysii dad waynaha,
Ehelkii qoraalkiyo,
Akhyaartiina gaadhsii,
Sidan ugu araar weri,
Amiinkoo la raaciyo,
Cabsashada ilaahay,
Anba qaadka weeyiyo,
Arrinkeena koobaad,
Laba waa akhlaaq iyo,
Asluub fiicanoo wacan,
Ujeeda hayaankiyo,
Axdigeenu waa baris,
Akhriskoo la xoojiyo,
Astaanteenu waa buug,
Akaygeenu waa qalin.

W.T. Maxamed Haaruun Ibraahim
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.