Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Isbahaysiga Isbedel Sameynta Soomaaliyeed oo la kulmay Beesha Caalamka

Warsaxafadeed

Isbahaysiga Isbedel-Sameynta Soomaaliyeed (Coalition for Change) oo ka kooban Murashaxiin Madaxweyne, Hogaamiyayaal Xisbiyada Siyaasadeed ee Dalka, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa la kulmay beesha caalamka markii uusoo gabagabeeyay shirweyne labo maalmood socday 8-9/09/2016.  Xubnaha Isbahaysiga ayaa shir la qaateen xubno ka mid ah beesha caalamka oo ay matalayeen, Safiiradda Ingiriiska, ku-xigeenka wakiilka Xooghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (UN), wakil dalka talyaaniga iyo wakiilo Ururka Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

coalition-for-change
Isbahaysiga isbadal samaynta Soomaaliya oo la kulmay beesha Caalamka, Muqdishu

Xubnaha Isbahaysiga Isbeddel Samaynta waxay u bandhigeen wakiilada Beesha Caalamka mowqifkooda ku aaddan:

  • Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo waqtigii dastuuriga ahaa ee xilka madaxweynnanimo uu ka dhamaaday lagamamarrmaana ay tahay inuu xafiiska baneeyo kuna wareejiyo Afhayeenka Golaha Shacabka sida dastuurku qabo. Sidoo kale, Raisulwasaaraha xukuumadda Federaalka waa inuu baneeyaa xafiiska kuna wareejiyaa ku xigeenkiisa maadaama uu yahay musharax
  • Guddiyada maamulka doorashooyinka heer gobol iyo heer federal oo loo lagamamaarmaan ay tahay inay ku dhaqmaan dhexdhexaadnimo iyo daahfurnaan hawsha loo xilsaaray loona baahan yahay in Isbahaysiga Isbeddel-samaynta iyo guddiyadaas si dhab ah oo joogta ah uga wada hadlaan ugana wada shaqeeyaan xaqiijinta dhexdhexaadnimadaas iyo daahfurnaantaas si loo horseedo doorasho cadaalad ah
  • In hantida dowladda nooc kasta oo ay tahayba, nabadgelyada iyo saxaafadda dowladda aan la oggolaan in xubnaha tartamaya ay ugu adeegsadaan si toos ah iyo si dadbanba doorashooyinka
  • In dib loo dhigo dhismaha maamul goboleedka Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe maadaama hawshaas khilaaf badan ka taagan yahay madaxweynihii horana oo rabo inuu hawshaas u adeesado ololohiisa doorasho.

Waxaa shirka la isku waafaqay in ay lagamamaarmaan tahay wadatashi joogta ah ee dhinacyada kulmay iyo in laga wada shaqeeyo sidii ay u dhici lahaa doorasho cadaalad ah. Isbahaysigu wuxuu u mahadceliyey dadaalka Beesha Caalamku ku bixinayso dowlad dhisidda iyo qabsoomidda doorashooyin hufan oo caddalad ah.

Dhammad


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.