Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • News
  • Slideshow
  • Warar

Isku Shaandhayn Kooban oo Lagu Sameeyay Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho, (WDN)- Wareegto ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Md. Cabdiweli Sheekh Axmed oo uu warbaahinta dawladda ka akhriyay wasiirka warfaafinta Md. Mustafe Dhuxulow, ayaa lagu sheegay in isku shaandhayn lagu sameeyay golaha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

faarax
Faarax Cabdulqaadir

Isku shaandhaynta oo saamaysay wasaarado kooban, ayaa lagu xusay in wasiirkii wasaaradda garsoorka iyo arrimaha dastuurka Md. Faarax Sheekh Cabdulqaadir laga wareejiyay wasaraddaas loona bedelay wasaaradda xannaada xoolaha, dhirta iyo daaqa. Md. Faarax Cabdulqaadir, ayaa isaga lagu tilmaamaa nin ay aad isugu dhawyihiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud islamarkaana saamayn badan ku leh go’aannada uu qaato madaxweynuhu.

Isku Shaandhaynta xilligan,  ayay wararku tibaaxayaan in uu ka biyo-diiday madaxweyne Xasan Sheekh haseyeeshee uu ra’iisalwasaarruhu ku adkaystay, taasi oo cirka ku sii shareeraysa xidhiidhka labadan mas’uul oo aan fiicnayn tan iyo markii xilka ra’iisalwasaareanimo loo magacaabay Md Cabdiweli Sheekh Axmed si uu u bedelo Saacid Shirdoon oo khilaaf isaga iyo madaxweynaha soo kala dhexgalay dartii ku waayay xilkiisii.

Guud ahaanba isku shaandhaynta lagu sameeyay golaha xukuumadda Soomaaliya ayaa ah sida hoos ku qoran:-

1-Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Saalim Caliyoow Ibroow

2-Wasaaradda Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Faarax Sheekh C/qaadir

3-Wasiirudowlaha Wasaaradda Maalliyadda Mudane Burci Maxamed Xamsa

4-Wasiirudowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga Mudane C/laahi Maxamed Nuur

5-Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga Mudane C/raxmaan Cabdi Cismaan

6-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maalliyadda Mudane C/laahi Sheekh Cali Qaloocoow

7-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane Mahad Maxamed Salaad

8-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Marwo Fahmo Axmed Nuur

Ra’iisalwasaare Cabdiweli Sheekh, ayaa isbedelkan uu ku sameeyay golihiisa wasiirrada ku sababeeyay sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha xukuumadda marxalladan cusub.

WardheerNews

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.