Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Islaam Nacaybka iyo Mooshin 103

W/Q: Cawaale Xuseen

Dastuurka Kanada waxaa asal ahaan ansixiyey Baarlamaanka Biritishka 1867kii. Isla baarlamaankaa ayunbaana lahaa awoodda wax lagaga badali karo dastuurka. 1980kii ayey Kanada bilowday olole ay awoodda wax ka badallida dastuurka kula soo wareegayso.  Guddi baarlamaani ah oo ka socda xisbiyada siyaasadda oo dhan ayaa arintaa loo saaray. Guddigaasi waxa uu  tixgaliyey 1,200 oo qoraal, waxa uuna dhagaystay 300 oo doodood. Guddigu waxa uu soo gudbiyey aqoonbaadhis iyo talooyin uu si wanaagsan uga baaraandegay.

Bishii Abriil 17keedii, 1982 ayey boqoradda Ingiriiska Elizabeth II magaalada Ottawa ku sixiixday Xeerka Qaranka Kanada (Canada Act) kaa oo dhigay seeskii u horreeyey ee Axdiga (the Charter) ama Jaartarka.  Xilliggaa waxaa dalka Kanada ra’iisul wasaare ka ahaa kaalin muhiim ahna ka galay ansaxinta Axdiga Mudane Pierre Elliott Trudeau.   

 Bishan Abriil 17keeda waxa uu Jaartarka Xuquuqaha iyo Xorriyadaha ee Kanada (Canadian Charter of Rights and Freedoms) jirsanayaa 35 sano.  Waxaa la filayaa dabbaaldegyo badan oo 35 guuradaa lagu maamuusayo.  Jaartarkani waxa uu dhawraa xuquuqda dadka Kanadiyaanka ah oo dhan iyada oo aan loo eegin midab, isir, diin, asal, dheddig/lab ahaansho, curyaan ama lixaad dhan, iwm.  Jaartarku waa rukun ka mid ah rukumada ay dimoqraadiyada Kanada ku taagan tahay, waxa uuna qalinka ku duugay in Kanada ay tahay dal ay ku nool yihiin dad badan oo dhaqamo kala duwan kala haysta (multicultural country).

 Iyaga oo isla tallaabo qaadaya ayey Axdiga  iyo Dastuurku dammaanad qaadayaan xuquuqda iyo xorriyadda qof kasta oo Kanadiyaan ah.

Waa maxay Mooshin-103?

Maya.  Ma aha mooshin laga keenay dawladda curdanka ah ee ra’iisul wasaare Kheyre ee Muqdishu fadhida.  Ma aha mooshin baarlamaanka Soomaaliya horyaala.  Waa mooshin baarlamaanka Kanada la keenay lana ansaxiyey. Isaga oo ka dabqaadanaya Axdiga ayuu mooshinku diidan yahay, cambaaraynayaa, dawladda Kanada na ugu baaqayaa in ay tallaabooyin wax ku ool ah ka qaaddo Islaam nacaybka (Islamophobia). Mooshinka summaddiisu waa M-103.

M-103 waxaa baarlamaanka Kanada soo hordhigtay xildhibaanad magaceeda la yidhaahdo Iqra Khaalid bishii Deceember 5teedii, 2016kii.  Iqra waa haweeney Muslimad ah oo ka tirsan xisbiga Liberaalka ah ee talada dalka haya, waxaana laga soo doortay degmo ku taalada duleedka magaalada Toronto oo magaceedu yahay Mississauga-Erin Mills.

Mooshinka waxaa la ansaxiyey 23kii Maarso 2017. 201 xildhibaan ayaa u codeeyey, halka ay 91 xildhibaan diideen.  Waxaa ka aamusay labo xildhibaan. Baarlamaanka dhexdiisa iyo Kanada oo dhan mooshinkani buuq siyaasadaysan ayuu ka dhaliyey.

Keenidda mooshinka ee baarlamaanka la keenay iyo ansaxintiisa waxaa u dhexeeyey gumaadkii ka dhacday masjid ku yaala magaalada Quebec.  Waxaa masjidkaa bishii Jannaayo 29keedii, 2017 soo galay nin caddaan ah oo hubaysan.  Ninkaasi waxa uu rasaas oodda kaga qaaday dad Muslimiin ah oo u taagan salaaddii cishaha. Rasaastaasi waxay haleeshay 14 qof.  Lix ka mid ahaa 14kaa ayaa qudhoodii ku waayey.

M-103 waa talo soo jeedin (proposal) aan lahayn awood sharci, dhib baajin ama fulineed.  Dulucdiisu waa la dagaalanka Islaam nacaybka. Mooshin ahaan iyo sida uu hadda u dhigan yahay marka la qiimeeyo,  sharciyada haatan jira ee la dagaalama danbiyada takoorka iyo eexda ku salaysan wax uu maanta kusoo kordhinayaa mooshinkani ma jiro maxaa yeelay qabasho-qanuuneed ama ilko sharci midna ma laha (non-binding).

Halkn ka akahriso: Islaam Nacaybka iyo Mooshin 103

Cawaale Xuseen
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.