Tuesday, March 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Religion
  • Slideshow
  • Talk of the town

Islaaminta Aqoonta: Qalad Aan Laga Qaangaarin

W/Q Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

1- Gogoldhig

Maalintii taariikhdu ahayd 22kii Feebaraayo 2015, khudbo Shiikha jaamacadda As-har mudane Axmed Addayib uu ka jeediyey shir lagu qabtay magaalada Maka al-Mukarama, oo la sheegay in looga hadlayo mawduuca “La dagaalanka aragagixisada”, wuxuu ku sheegay in “Quraanka iyo sunnada sida xun loo fasiray ay sabab u yihiin xagjirnimada muslimiinta haysata”. Waddamada muslimka ahna wuxuu ugu baaqay in ay wax ka beddelaan manaahijtooda waxbarashada[i].

Sheekh Ahmed_eltayeb_Sheekh Al Azhar
Sheekh Axmed Addayib , Sheekha Jaamacadda Al Ashar

Hadalka wadaadka oo bari iyo bogax lala kala aadey, siyaabo kala duwanna loo fasirtay, qof ahaan wuxuu isoo xasuusiyey dood kale oo ku saabsan, mashruuc dunida Islaamka muddo si xawli ah uga socdey oo loo bixiyey magaca “Islaaminta aqoonta” ama “Islaaminta cilmiga” (=Islamization of knowledge (IOK) = Aslamat al-macrifa)[ii].

Muslimiintu qarniyadii ay ilbaxnimada adduunka calanka u sideen, intii u dhaxaysey qarnigii 9aad iyo kii 13aad, dunida waxay ku biiriyeen aqoon badan oo nolasha aadanaha waxtar u lahayd[iii]. Sidoo kalena waxay ahaayeen kuwa aqoonta iyo ilbaxnimada ummadaha adduunka u kala gudbiya[iv].

Duniduna inkasta oo ay aqoontaas muslimiinta u aqoonsatay, haddana uma arag badeeco muslimiintu gaar u leeyihiin. Muslimiintuna aqoontaas ummadaha kale kama xigsan, balse waxaa loo arkay dhaxal aadamuhu wadaago, loona baahan yahay in isku si looga faa’iideysto, loona sii kobciyo.

Hase ahaatee, muslimiintu gadaashii danbe[v] waxay galeen hurdo dheer oo ay la suuxeen, kolkii ay suuxdintii ka soo salaleenna waxay hortooda ka arkeen ummado ay gadaashooda ka eegi jireen[vi]. Kolkaasna iyaga oo weli dheelalow ku jira, waxna aan hubsan ayay ka buskiciyeen halkii wajigoodu ku beegnaa, cudurkii fardaha ka galayna dameeraha ka gubeen, sidaana daawo iyo xal ku seegeen.

Muslimiintii khuurada ka salaley, waxay istuseen in halka looga dheereeyey ay tahay aqoontii oo laga badsaday, waxaana isku mar u muuqday baahida weyn ee ay aqoonta u qabaan iyo aqoontii oo gacanta ugu jirta duul ay u arkaan gaalo qurmoon badan, oo inay wax la wadaagaan iska daaye, aysan bannaanayn in dabkoodu isu muuqdo[vii].

Meeshii ay ka ahayd in si toolmoon loogu kuur galo halka wax ka soo ba’sameen, waxaa si fudud loola soo booday dhaleecayn dusha looga tuuray aqoonta casriga ah. Waxaana lagu dooday in dhammaan aqoonta maanta jirtaa ay tahay mid ku salaysan afkaarta reer Yurub. Sidaa darteedna ay tahay aqoon jaahili ah, oo gaalo sheydaannimadii afkaartooda ay ku daarteen[viii], aysanna bannaanayn in muslimiintu agteeda maraan jeer laga cuudiyo sheydaannimada jaahiliyadda[ix].

Si kasta ha ahaatee, siddeetankii sano ee la soo dhaafay dunida Islaamka waxaa ka socdey wax loogu yeeray baraarugga Islaamka (=As-Saxwa Al-Islaamiyah/ Islamic awakening). Dhab ahaantiise, waxa dhacay ma ahayn baraarug sax ah, balse wuxuu ahaa salal iyo dheelalow. Taana waxaa dheer, in eraybixinta qudheedu ay khaldan tahay, waayo cidda la rabo in ay baraarugto ma aha Islaamka ee waa muslimiinta.

Muddadaas siddeetanka sano ahna, waxaa la waday dadaal baaxad weyn oo la sheegay in ujeeddadiisu tahay in lagu Islaamiyo aqoonta, loogana hortago duullaan maskaxeedka dibedda (al-Gaswi al-Fikrii / Intellectual invation )[x].

Waxaa la furay jaamacado, macaahid iyo xarrumo cilmi-baarid. Waxaa la qabtay shirar faro badan, waxaana la soo saaray joornaallo iyo buug ciiddaa ka badan. Magaca laamaha aqoonta ee kala duwanna waxaa gadaal laga raaciyey erayga “Islaam”, oo waxaa la adeegsaday eraybixinnada: Caafimaad Islaam ah, dhaqaale Islaam ah, warbaahin Islaam ah, waxbarasho Islaam ah, cilmi-bulsho Islaam ah, siyaasad Islaam ah, saynis Islaam ah, taariikh Islaam ah, falsafad islaam, fan Islaam ah, suugaan Islaam ah,……iwm. Arrinkuna waxa uu gaaray in dad la yaabay heerka waallidu marayso ay ku kaftameen in ay yiraahdeen waxaa jira jaranjaro Islaam ah iyo kalluun loo gawracay si shareecada Islaamka waafaqsan!.

2- Milicsi Sooyaal

Eray-bixinta “Islaaminta Aqoontu” waxay baxday sanooyinkii toddobaatanaadkii qarnigii tagay. Abtirsigeedana labo nin oo la kala yiraahdo; Sayid Maxamed Naqiib al-Caddaas (1931- )[xi] oo u dhashay dalka Malaysiya[xii] iyo Ismaaciil Raji al-Faaruuqi (1921- 1986) oo asalkii hore Falastiini ahaa, balse gadaal dhalashada Maraykanka qaatay[xiii], ayaa dadka qoloba midkood siisaa. Waxaa la xusaa in labadaas nin ay ku dagaallameen lahaanshaha eraybixinta. Eraybixinta waxaa si weyn ugu caanbaxay Ismaaciil al-Faaruuqi oo madax ka ahaa machad dalka Maraykanka laga hirgeliyey, waddamo badanna laamo ku leh, kuna caanbaxay u ol’olaynta fikraddaan oo magaciisa la yiraahdo Machadka Fekerka Islaamka Ee Caalamiga (International Institute of Islamic Thought “IIIT”)[xiv]. Machadkaan waxaa siyaabo kala duwan u hoos yimaada joornaalka Cilmiga Bulshada Muslimiinta (=The Journal of Muslim Social Science) iyo Ururka Culumada Muslimiinta Ee Bulsho Baarka (= the Association of Muslim Social Scientists “AMSS”)[xv].

Balse, al-Caddaas oo isaguna maamule ka ahaa machad kale oo la yiraahdo “Machadka Caalamiga Ee Fekerka iyo Ilbaxnimada Islaamka/ International Institute of Islamic Thought and Civilization(ISTAC)”, oo ku yaal caasimadda Malaysiya ee Kuala Lumpur, ayaa isaguna dhankiisa wuxuu ku dooday in isaga eraybixinta laga bililaqaystay[xvi].

Marka laga yimaado labadaas nin iyo taageerayaashooda, waxaa iyana aalaaba kaalinkooda la xusaa Barafisoor Sayid Xuseen Nasar iyo koox loogu yeero “Kooxda Ijmali/ Ijmali Group”. Sayid Xuseen Nasar wuxuu ku dhashay magaalada Tehraan ee dalka Iiraan, balse wuxuu muddo dheer macallin ka ahaa jaamacadaha dalka Maraykanka. Wuxuuna kaalin muuqda ka qaatay faafidda fikradda ku aaddan in loo baahan yahay in la helo cilmi Islaam ah, waxaana jirta eraybixin uu aad u adeegsado oo ah “Cilmi Muqaddas ah/ Sacred Science”. Sayid Xuseen Nasar wuxuu qabaa in ay jiraan labo nooc oo cilmi ah: cilmi muqaddas ah iyo cilmi casri ah. Labada nooc ee cilmiga ahina ay ku kala duwan yihiin asalkii hore meesha ay ka soo jeedaan iyo danta ay u adeegayaan labadaba.

Aqoonta muqaddaska ahi waa midda waxyigu sheego. Hayeeshee, aqoontii Islaamka ee waxyiga ku dhisnayd waxaa calwisay aqoonta casriga ah, oo asal ahaan ka soo jeedda aqoontii hore ee Giriigga, sidaa darteedna aqoontii Islaamku waxay dhumisay saafinimadeedii iyo barakadeedii.

Halkan ka akhri maqaalka oo dhan: Islaaminta Aqoonta – Qalad Aan Laga Qaangaarin

W/Q Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil
Email: [email protected]
—–
Cabdisiciid waa qoraaga buugga “Xadka Riddada: Maxaa Ka Run Ah?”.Cabdisiciid waxa uu daraasaad iyo qoraalo ku aadan Islaamka si joogto ah ugu soo bandhigaa degelka WardheerNews.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

4 Responses to “Islaaminta Aqoonta: Qalad Aan Laga Qaangaarin”


    Fatal error: Uncaught Error: Class 'Roots_Walker_Comment' not found in /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/comments.php:11 Stack trace: #0 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/comment-template.php(1554): require() #1 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/content-single.php(46): comments_template('/templates/comm...') #2 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template.php(772): require('/home/forge/war...') #3 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template.php(716): load_template('/home/forge/war...', false, Array) #4 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/general-template.php(204): locate_template(Array, true, false, Array) #5 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/single.php(1): get_template_part('templates/conte...', 'single') #6 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/base.php(23): include('/home/forge/war...') #7 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template-loade in /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/comments.php on line 11
    WordPress › Error

    There has been a critical error on this website.

    Learn more about troubleshooting WordPress.