Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • News
  • Slideshow
  • Warar

Itoobiya oo ka codsatay Cali Khaliif in u dalkeeda ka baxo

Ali_KhalifWDN ( Addis Ababa) Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya, ayaa sheegaya in madaxweynihii maamulka Khaatumo Md. Cali Khaliif Galeydh oo maalmahan ku sugnaa magaalada Addis Ababa  ay dawladda Itoobiya ka cosdatay in uu dalkeeda ka baxo..

WardheerNews oo la xidhiidhay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Khaatumo oo aad ugu dhaw Cali Khaliif, ayaa xaqiijiyay ga’aankan ay Itoobiya ka qaadatay madaxweynaha maamulka Khaatumo, iyaga oo ku eedeeyay in codsiga dal kabaxa Itoobiya ay ka dambeeyeen maamullada Soomaaliand iyo Puntland, kuwaasi oo ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan in Khaatumo ay noqoto maamul nabadeed oo cagahiisa isku taaga.

Maamullada Puntland iyo Somaliland oo iyagu ku muransan deegaannada Khaatumo ayuu mid walba dhiniciisa ka sheegtaa inuu ka mid yahay maamulkooda.

Md. Cali Khaliif, ayaa lagu waday in uu ka qayb galo shir lagaga hadlayo arimaha hannaanka federaalka Soomaaliya oo hadda ka socda magaalada Addis Ababa, ka hor intii aanan lagu amrin in uu Itoobiya ka baxo.

Go’aankan ay dawladda Itoobiya kaga saartay dalkeeda Cali Khaliif ayaa wajigabax ku noqonaya maamulka Khaatumo, oo tan iyo intii dhawaan loogu soo doortay degaanka Saax Dheer in uu madaxweyne ka noqdo Dr Galaydh iyagu dadaal ugu jiray sidii ay xidhiidh fiican ula yeelan lahaayeen dawladda Itoobiya.

Dawlada Itoobiya ayaa iyadu tan iyo burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya ahayd mid saamayn weyn ku leh arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda ma cadda in uu Cali Khaliif ka ambabaxay magaalada Addis Ababa iyo haddii uu ka dhoofay goobta uu u kicitimay toona.

WardheerNews

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.