Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Qabiil iyo Qaran Waa Laba Aan Israacin, Saamaynta Taban ee Dhaqanka Qabiil ku leeyahay Qaranka

W.Q. Rashiid Sheekh Cabdillaahi”Gadhweyne”

Marka hore

Qoraalkan kooban waxa aynu ku eegaynaa mushkiladda qabyaaladda iyo sida ay liddiga ugu tahay qarannimada. Liddinnimada lafteeda doodi ka ma madhna oo waxa jira dad u arka in aan qabiilku ka horjeedin ama aanu xataa saamayn taban ku lahayn qarannimada. Waxa ay yidhaahdaan”qabiilku ma xuma ee waxaa xumi waa qabyaaladda”. Badi ba dadka sidaas arkaa, labada ayey si u kala saaraan. Xumo iyo samo se, labadu waa qofba sida arrinku u la ekoonaado, waa na wax ka duwan natiijada lagu gaadhi karo darsidda waaqica jiraalka ah.

Rashiid Gadhweyne
Rashiid Gadhweyne

Waxa kale oo la yidhaa haddii aynu Soomaliland nahay(Waa tuslaale ahaane), qabaa’il isu yimid baynu nahay, qarannimadeennu na taas bay ku dhisan tahay. Marka sidaas la leeyahay, waxaa la daliishanayaa shirarkii qabaa’ilka ee Burco, 1991kii, iyo Boorama, 1993kii, ee lagu dhisay dawladda Soomaaliland. Ma aha shirarkaas oo keli ah ee dooddu waxay ku sii arooraysaa golayaasha awoodaha qaran oo si joogto ah, loogu saleeyo saamiqaybsiga qabaa’il. Se taasi ma tahay qarannimadii oo dhisantay? Qaabka muuqda iyo magacyada hay’adaha waa la arkayaa, waxaa se meesha ka maqan nuxurkii qarannimo ee ahaa isahaanshaha dadka, dhab ahaan, ku wada abtirsanaya qarannimada. Waxaa jira ifafaalayaal ina tusaya in dareenka reer-hebelnimo, cid kasta kaga weyn qaranka. Waxaa maqan wadalahaanshihii dalka iyo qaranka. Qabaa’il iyo reero ayaa loo kala sheeganayaa hay’adaha dawladda iyo ilaa waaxyaha maamulkeeda. Taasi na waxay saamayn taban ku yeelatay kaalingudashada dhamman ba golayaasha iyo garsoonka qaranka. Sababtu waxaa weeye, dhaqanka dawlad la’aaneed ee qabiilada xooloraacatada Soomaaliyeed ma laha ma na yaqaan awood dhexe oo la isku darsado. Runtii qabaa’ilku wax way kala qaybsadaan, wax se isku ma darsadaan oo ma wada yeeshaan. Waxii dhexdooda yimaadda, xoog iyo xeer mid ay noqoto ba, way kala goostaan oo kala qaataan.
Ugajeeddada Ereybixinaha.

Si uu jidkeennu u qorqoormo, waxaynu hadda ku hormaraynaa qeexidda dhawr ereybixinood oo ay doodda qoraalku ku toosi karto. Markeeda hore, maxaynu uga jeednaa ereyada qabiil iyo qabyaalad, qaran iyo dawlad?

Qabiil, qolo iyo reer afsoomaaliga, marar badan, isla hal wax bay tilmaaamaan. Wadarta u ballaadhan ee isugu timaadda magaca qoladu ka soo unkanto, Sida “Hawiye, Dir, Daarood, Isaaq iyo Raxanweyn(waa tusaale ahaane)” iyo sii qaybsankooda hoose, heer kasta ba, waxa la yidhaa qabiil, qolo ama reer. Hoos bay, joogto, ugu sii qaybsantaa, ilaa ay tagto qoyska jifada la yidhaahdo. Waxaa kuwan hoose la yidhaa magacyo badan oo ay ka mid yihiin jilib, laf, jibsin, ardaa iyo kuwo kale.

Laba astaamood baa ku gaar ah ereyadan dambe. Midda hore, mar kasta oo la adeegsanayo waxaa laga muujiyaa qayb ahaanta ay ka tahay qolo ballaadhan. Haddii la magacdhebo jilib Hebel la yidhaa, waxaa laga fahmayaa(qofkii aan aqoonna loo sheegayaa) qabiilka ka weyn ee uu jilibkaasi ka tirsan yahay. Midda labaadna, marka aan loo dan-lahayn jilib iyo jibsin ahaanta, heer walba waxaa loogu yeedhaa magacyada qabiil, qolo iyo reer. Mar ba waa kii qofka madaxiisa ku soo hordhaca. Waxaa ugu layaab badan ereyga Reer; waayo, marka aad u fiirsato hidde-hadalka dadka ee maalinlaha ah, waxa aad maqli ‘Reerkaa Hawiye’ ama ‘Reerkaas Daarood’ iwm. Ilaa qoyska u yar, heer kasta oo laga hadlayaa ba waa reer. Waxaa ka duwan magaca guud ee ay qabiiladu ka askumanto, sida Daarood, Dir Hawiye, Isaaq iwm; kuwan ayaga, badi ba, la ma yidhaahdo jilib iyo jibsin iyo kuwa ka sii hooseeya. Magacyada Samaale Saab iyo Irir ayaga danaysi siyaasadeed baa, mararka qaar, loo wadwadaa; inta badan se la ma xusuusto.
Marka loo noqdo aqoonta ka soo ururtay cilmibaadhista anthroplojiga, ereybixinta qabiil oo afcarbeed ka soo jeedda, way adag tahay in badanka kooxaha Soomaalida lagu sifeeyaa.

Ereyga qabiil waxa uu u dhigmaa tribe oo ingiriisi ah; asaguna, sida uu faahfaahinayo I. M. Lewis oo ku xeeldheeraa soojireenka bulshooyinka Soomaalida, waxa lagu tilmaansadaa koox bulsheed mid ahaanteeda siyaasadeed iyo xeer-xidhkeedu ba(political & jural unity) ku dhisan yahiin dhul gaar ah oo ay wadaagto ku na wada abtirsato(1). Waxaa raaca af iyo dhaqan u gooni ah. Sidaas darteed, qabiiladan awoodda taladeeda siyaasadeed waxay ka dhalataa xidhiidhka dhulka. Badanka qolooyinka Soomaalidu, gaar ah kuwa aynu ka hadlaynaa, xidhiidhkaas la ma laha dhulka; ku ma na abtirsato oo loogu ma yeedho magaca dhulka ay deggan yahiin. I. M. Lewis, marka uu ka hadlayo kooxda xoolodhaqatada Soomaalida, waxaa uu doorbidayaa ereyga clan(afingriisi) oo afcarabiga ku ah cashiira(ereygan cashiira Soomaalidu waxay u adeegsataa macnaha xigto). Ereygani waxa uu tilmaamayaa koox bulsheed uu isku xidho adoo lagu wada abtirsado oo magaciisa la sheegato. Bulshadani magacyada odayaasha xidhiidhsan ee ‘isdhalay’ ayey ku sii kala farcantaa oo ugu qaybsantaa jilibo iyo jibsino ilaa qoyska hoose u daaddegaya. Waxaa raaca oo uu I. M. Lewis qirayaa xeer koox walba gudaheeda ka dhexeeya oo hiiladeeda iyo hilowgeeda xejiya. Dhismaheeda siyaasadeed iyo buruudkeedu ba kooxdan waxa uu ka soo jeedaa xaqa xoogga dagaalka ee ay leedahay(2).

Qoloda aynu ka hadlaynaa waa ta qaabkaas u dhisan. Isla markii waa bulshada xoolodhaqatada reerguuraaga ah ee ay Soomaalidu guud ahaan, gaar na Soomaaliland, u badan tahay. Haddii aynu ereybixinta qabiil u dayno sida cilmiga antrobolojigu u dhigayo, ereybixinta clan ama cashiiro, afsoomaali ahaan, waxaynu u la bixi karnaa abtirsiinwadaag ama tolwadaag oo labadu ba nuxurka dhismaha bulshadaas tusayo.

Halkan ka akhri: Qabiil iyo Qaran Waa Laba Aan Israacin

W.Q. Rashiid Sheekh Cabdillaahi”Gadhweyne”
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.