Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Jahawareerka qaabka canshuurta ganacsiga Qaadka

Muqdisho (WDN)- War saxafadeed ka soo baxay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, ayaa lagu soo dhaweeyay go’aan ay qaadeen ganacsatada Qaadka oo diyaaradihii keeni jiray Qaadka u leexiyay magaalada Jowhar. Arintan ayaa ka dambeysay ka gadaal markii ay ganacsatadu ka cowdeen canshuurta Qaadka oo ay wasaaradda maaliyaddu ku kordhisay.

Ganacsiga Qaadka

Maamulka Hirshabeelle ayaa u arka arintan mid kor u qaadaysa dakhliga dhaqaale ee maamulkaasi, iyada oo aan markaasi la xeerineyn qaabka canshuurta ee dowladda dhexe.

Ma jiro wax wara oo ka soo baxa wasaaradda maaliyada oo ka hadlaya dhacdadan  iyo in canshuur kordhintu ay ku eekeyd garoonka Muqdishu oo aanu saameeyn maamul goboleedyada ku bahoobay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Go’aanka Hirshabeelle ay ku ogolaadeen in ganacsatada Qaadku ay isticmaalaan Jowhar, ka gadaalna Muqdishu gawaadhi lagu keeno, ayaa caddeynaya isku xidhnaansho la’aanta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Maamulka Hirshabeelle ayaa sidoo kale ku sheegay war saxafadeed in ay heshiis la galeen shirkad lagu magacaabo Ridufu in ay ka shaqeyso maamulka garoonka Jowhar. Warkaasi laguma caddeyn shirkaddu waxa ay qabaneyso iyo qodobada heshiiska.

Ma aha arin cusub fowdada ka dhex aloosanta maamul goboleedyada iyo dhowladda dhexe. Bishii Seb ee 2016, ayay aheyd mar ay dowladda dhexe ee Soomaaliya joojisay imaatinka Qaadka, iyada oo Puntland ka soo horjeedsatay, oo sheegtay in go’ankaasi aanu saameeyn.

Qaadka oo ka mid aha ilaha dhakhliga ee Soomaaliya, iyada oo 15 diyaaradood ay soo geliyaan Muqdisho Qaad lagu qiyaasay12,000  jawaan ama qiimeyn gaadheysa $400,000 maalintii. Diyaaradahaasi  oo ka yimaada Kenya, ayaa wada tashi la’aanta iyo maareynta xeerarka ay sida fudud u soo saarto dowladda dhexe, oo aan lagala tashan hirgelintiisa maamul goboleedyada ay badanaa ka soo horjeestaan. Taasi uu tusaalle u ah fadhiidnimada dowladda dhexe ee Soomaaliya.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.