Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Jan. Maxamed Cali Samatar: Waddani Xasuus Muddan

W/Q Cabdiya Sheekh Axmed

Qof walba waa uu tagi mowdkana waa uu la kulmi, balse waxaa muhim ah waxyaabaha qofka ummaddu ku xasuusato sida iimaankiisa, waxqabadkiisa, beni’aadannimadiisa, dad la dhaqankiisa, cilmigiisa, caqligiisa, sama ka talintiisa, wadaninimadiisa, geesinimadiisa, deeqsinimadiisa iwm.

cal samatar
Jen. Maxamed Cali Samatar

Qoraalkan gaaban waxaan ugu tala galay in aan ku xuso shakhsiga qiimaha badan ee ummaddeena ka baxay Jeneral Maxamed Cali Samatar (Allah ha u naxariisto) iyo in aan anigu qof ahaan u mahadnaqo Allah SWT, kadibna raggii iyo haweenkii dalka majaraha u hayey xilligi aniga iyo inta ila da’da ah mustaqbalkayagu hor lahaa.  Aniga oo aan kala saareyn kalana soo ceyn ayaan leeyahay waad mahadsantihiin, intiina noolna caafimaad, cimri dheer iyo camal san, inti dhimatayna dambi dhaaf iyo jannatul firdowsa.

Muddadi dheereyd ee dalka Soomaaliyeed qalalaasaha ku jiray, ayay qof walba oo Soomaali ah u cadaatay in nabad la’aani ay tahay nolol la’aan.

Sida aad dareemi karto, dowladihii ka horeeyey 1969 wax badan kama oran karo oo an ka ahayn wax aan maqlay ama akhriyey.  Aniga oo waliba u garaabaya dowladihii jiray 1960-1969 oo ay sababtu tahay waddan curdan ah oo markaa gumeysi ka soo hoos baxay ila dhaqaale ee horumarsanna an dhaxlin, dadkiisana inta afka gumeysiga akhrin karta qorina karta ay fara ku tiris ahayd, lagama fili karo in ay haddiiba daboosho baahida baaxadda leh ee shacabkeeda. Jiilkaasu waxa uu ku mahadsanyahay isna in loo qirana ay tahay in ay gumeysigi dalka ka saareen.

Dowladdii kacaanka ahayd ee Jeneral Samatar sida xoogga leh oga dhex muuqday, ayaa in badan oo Soomaalida maanta ka mid ahi la soo kulmeen, ku hoos barbaareen, fursadna u heleen in ay si nabadgelyo ah ku koraan, wax ku bartaan, mustaqbalkoodana ku toosiyaan.

Marnaba kuma doodayo golihii sare ee kacaanku biyo kama tifqaan bay ahaayeen, waayo waxay ahaayeen Bani-Adam balse, waxa aan marnaba la iloobi karin fursaddii qaaliga ahayd ee ay siiyeen dhallaanki iyo dhalinti Soomaaliyeed ee nasiibka u yeeshay wakhtigaas iyo fursadaas.

Qofka koritaankiisa waxaa ugu muhimsan sanooyinka hore iyo waliba inta uu ka yaryahay 18 sano.  Mudadaas ayaa ah mudada canuga maskaxdiisa, caqligiisa, damiirkiisa, diintiisa iyo dadnimadiisa ay koraan dhismaanna.  Baya’adda uu canuggu ku korayo waa in ay tahay mid siineysa kalsooni nabadeed, degenaan-xasilan, iyo waliba uusan cunugu ka murugoon nolol maalmeedkiisa xagga raashinka, hoyga iyo hugaba.

Waxyaabaha an marnaba la iloobi karin ayna tahay in aynu dib u eegno ee aan Allah SWT oga mahad celino, waxaa ugu muhimsanaa waa amniga iyo nabadgelyada.  Allah kadib, waxaa mahadeeda leh ciidanki dalka Soomaalyeed ee nabadda sugayey astaantana uu u ahaa Jeneral Samatar.

Dhalinyaradu waa xoog diyaar ah ee hadba sidi loo jeheeyo howsha uga soo dhalaasha.  Tusaale waxaa ah ururkii dhalinyaradi xornimo doonka (S.Y.L.); howlihii waaweynaa ee dhalinyarradu fulisay todobaatanaadkii sida Ololihii Waxbarashada iyo Horumarinta reer Miyiga, sida Dib u Dejintii Reer Guuraaga xilligii abaartii Daba Dheer, Shaqadi Qaranka ee la gudan jiray dugsiga sare ka dib, iwm.

Haddaan soo koobo, aniga oo qiranaya in aqoonteyda shakhsiyeed ee Jeneral Samatar ku kooban tahay dhowr jeer oo an ka qeybgalay shirar uu kula kulmayey madax ajnabi ah ee dowladdii Soomaaliya dano ka lahaa, ayay i deeqday sida waddaninimada, isku kalsoonida, degenaanta, iyo saraaxadda leh ee ugu hadlayay dalkiisa iyo dadkiisa.

Ugu dambayn, waa xaq darro laga galayo ubadka Soomaaliyeed in ay xaaladdan qalafsani sii socoto.  Waa arrin ciqaabteeda an laga baxsan doonin.  Waa taariikh qormeyso oo uusan qalinku gafi doonin. Qof walba waxuu galay iyo wuxuu guday deeqdeeda wuu heli. Jeneral Samatar oo qabiilkiisu Soomaali ahaa, qorshihiisu dhismo ahaa, ayaan rabbi u weydiineynaa dambi dhaaf iyo janno.

Amiin.

Cabdiya Sheekh Axmed
Email is:  [email protected]

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.