Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Jibriil Ibraahim Cabdulle oo shaaciyay musharaxnimadiisa xilka madaxweyne

jibriil3
Jibriil Ibraahim cabdulle

Muqdisho, Sebt. 19, 2016 (WDN)- Jibriil Ibraahim Cabdulle oo muddo dheer ka tirsanaa Bulshada Rayidka, kana shaqeeya hawlaha nabadeynta ayaa maanta ku dhawaaqay in uu yahay musharrax u taagan doorashada xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya ee sanadaan 2016

Musharaxa ayaa waxa uu ka shaaciyay arrintan munaasabad  si aad ah loo soo qabanqaabiyay, kana soo qaybgaleen kumanaan dadweyne ah, taasoo ka dhacday hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho, uuna soo qabanqaabiyay Dhaqdhaqaaqa Halqaran.

Kumaanka ruux  ee munaasabadda kasoo qeyb galey oo ay wajiyadooda ka muuqatay farxad ayaa waxa ay soo xirteen funaannado, koofiyado iyo dhar kale oo ay ku xardhanyihiin sawirrada Musharaxa iyo astaanta Dhaqdhaqaaqa Hal Qaran.

Taageerayaasha Musharraxa ayaa waxaa ka buuxsamay Hoolka Xafladdu ka dhacaysay, waxaana shaashado waaweyn oo la dhigay meelo hoolka banaanka ka ah ay ka daawanayeen  sida ay xafladdu u socoto, halka kuwa kale oo guud ahaan hoteelku ka buuxsamayna ay ku sugnaayeen iridka hore ee Hoteelka ilaa garoonka ciyaaraha ee Banaadir.

Kumanaan kale oo taageerayaal ah  ayaa iyana waxa wararku sheegayaan in ay soo gaari waayeen agagaarka Hotelka maadaama ay wadadu meela badan ka xirneyd.

Munaasabadda oo ay ka hadleen dad ka socda bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa  waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin in Md. Jibriil uu isu sharaxay in uu madaxweyne ka noqdo dalka Soomaaliya.

“Waxa aan caddeynayaa in aan aqbalay codsigii dhaqdhaqaaqa Hal Qaran, waxa aanna ku dhawaaqayaa musharaxnimadeyda xilka madaxweynaha Soomaaliya ee dabayaaqada sanadkaan la qabanayo”, ayuu yiri  musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle  oo la hadlayay taageerayaashii ka soo qaybgalay xafladdai.

Waxa uu intaa raaciyay in uu wax badan ka qaban doono dhibaatooyinka ku habsaday dalka ee ay kamid yihiin Ammaan darrada, Musuqa iyo Dhaqaala xumida, waxa uuna intaa ku daray haddii dalka uusan isbedel ka dhicin afarta sano ee soo socota uu marxalad adag gelayo.

Dhinaca kale, Musharax Jibrill Ibraahin Aadan ayaa waxuu shaaca ka qaaday in uu jeclaa in munaasabadan uu ku qabto goobo fagaaro ah balse ay arintaasi u dhici weyday daruufo dhanka ammaan awgeed.

Md. Jibriil ayaa noqonaya musharixii ugu horeeyay ee munaasabad shaacintiisa musharaxnimo ay kasoo qeyb galeen kumanaan dadweynei ah iyada oo waliba waddooyinka gala hoteeka munaasabaddu ka dhacaysay ay xireen ciiddanka dawladdu.

Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.