Tuesday, March 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Kala-haab (Maanso)

W.T. Cali Maxamed Cabdi (Cali Ileeye)

Maansadan Kala-haab, waxa ay ka dhalatay dareen in badan aan cadaadiyay oo dhacantii aan saarnay iska caabbiyay , oodahana soo goostay. Aragtiyaha iyo Isdiiddooyinka dhalinyarta Soomaaliyeed ee aan ka mid ka ahay, laabtooda ku hirdamaya, ayaa ay cabbiraysaa maansadu , waxa aanay barbaarta himilada leh ku boorrinaysaa in ay ka gudbaan heerka is-waayidda iyo loolanka haybta, ka dibna bulshada hagaan.

Dardaaranka maansadu waa codkaaga hel, dhallinta kalena ku caawi sidii ay hibadooda u soo bandhi lahaayeen. Shifo ku ilsaar:

Saqda dhexe habeenkii
Dadka oo hurdada laday
Lulo uma hawoodee
Hiyi igu lingaxan baa
Igu huriya dhamacoo
Ladhka igu hulaaqoo
Sida yeyda hawdkaan
La hawaawiyaayoo
Halkan aynu joogniyo
Waxan hibanayaa baa
Marka lays hareer dhigo
Hurgumooyin kiciyee
Duqaydii horreetiyo
Fikirkii hungada dhalay
Duulkii haloosiyay
Marna lama hadlaayee
Dhalintiyo hubqaadkoow
Heensaha qabiilkiyo
Ma riddeen harqoodkii
Mise wali wax hoosiyo
Hadhqodaalka qoysnimo
Heestiinu kama foga!

Ninka hogatuskeediyo
Hawraarta curiyee
Hibo ay u dheertiyo
Haykaloow war lagu sii.

Adiguna hoggaanshoow
Hal’adayga maansada
Ninka hootadeediyo
Hogga laga abbaariyo
Kala hadha halhayskiyo
Xayiroow hareer qabo.
Hanadkii barbaartoow
Hugunkiyo rasaastiyo
Holaceeda aragtee
Qalinloow hag maansada
Nin qabyaalad hiifoo
Isba hirarka dhaadheer
Ka halgamaya weeyee
Dhaaleeyna hawlgali.

Hibashada naftaydiyo
Kala haabka waayaha
Hirdankiyo is-diidada
Heeryada dharaaraha
Halgan ruux la galayoo
Hub u baahan baan ee
Hindisaa Samiikiyo
Maanmaal bal hiil fidi.

Hanqadh baan tixraacee
Hormadaasi waa meel
Iyo dhibic horraadii
Heegaduna ii dihin.

Waxan ahay horseediyo
Nin hillaac u muuqdoo
Heegada dusheediyo
Hir fog tiigsanaayoo
Lagu yidhi ha fuuline
Dhulka hoose joogoo
Addimada ku hay oo
Hogo uun Banaanada!
Waxan ahay nin hodanoo
Hayntiisu ladantoo
Hantidiisu badantoo
Kala hora adduunyoo
Haro doogle joogoo
Halo dhalay ku maaloo
Caanaha ka haagoo
Martida iyo habaqlaha
Hilbo solan ku sooroo

Beeraha hadhuudhkii
Hadda uuga soo go’ay
Kala haadinaayoo
Hirka xeebta dhererka le
Hoombaro jilaabtoo
Dhanna gaajo haysoo
Deeq haayadeediyo
Gacan hoorsi sugayoo
Ciidiisa hilan aan
Ka cashayn habeenoo
La hulaabta baahida!

Waxan ahay nin hororiyo
Haad loo bireeyoo
Hubna lagu xasuuqoo
Dhulka lagaba haystoo
Hormo loo qoqobayoo
Oo ay hareeraha
Hilbihiisa kala qalan
Laba halaq jaqaanoo
Hurgumada xanuunkii
La hafeefanaayoo
Haybtiyo bahdiisii
Ina ay heshiiyaan
Hore looga dhaartoo
Halki uu shisheeyaha
Haadaan u qodi laa
Hadimada walaalkii
Hootada u fiiqdoo
Naxli huursan baan ahay!

Waxan ahay nin hanadoo
Hawlaha dhammeeyoo
Dhididkiisa hoorshoo
Hadhka galay shaqeeyoo
Hanta ooridiisoo
Nacabku u heshiiyoo
Naftu ay hodaysoo
Lagu yidhi huluulaha
Hiighiig caqaaroo
Hawadaada raacoo
Huuhaada beentiyo
Ficil iyo hujuuniyo
Wadne dhiigga habayiyo
Xigto laysku huriyiyo
Hadhdacaarka beelnimo
Hadal iyo mirqaankii
Ku habsaamay baan ahay!

Waxan ahay hanuunshiyo
Sheekh diinta haystoo
Halnimada ilaahay
Markastaba hirgaliyoo
Hilimada cadaabtiyo
Hooggiyo dhibaatada
Dadka kaba horjoogoo
Samahooda haybshoo
Muslimiintu hilib iyo
Hadaf in ay wadaagaan
Hadkastaba ku baaqoo
Dhana koox heblaayiyo
Abu hebel ku taxanoo
Inta kale huruufoo
Hadal iyo war mooyee
Buug aan habaynoo
Waxba aan haltebinoo
Afka kaba han weyn oo
Hilinraaca carabtiyo
Hanbadooda quutoo
Wax baa aan hufaynoo
Humbul fooraraan ahay!

Halaqoon wax garadiyo
Dhalinyaro hubqaadoo
Karti iyo hufnaan loo
Hindisaa la yaabliyo
Hibo ay gubaysoo
Hage ay ku dayatiyo
Dhaxal ay ku hiratiyo
Cid hormooda waydoo
Waxan ahay la haystoo
Hoonkoon dusheediyo
Holan looga baaqoo
Haaraamay ciiddoo
Saxaraha ku heermoo
Habdhigaalka gaalada
Ku hadaaq celceliyoo
Kala haadin arartoo
Harre dhaansan baan ahay!

Hilinkii Togdheeriyo
Haramuus sinteediyo
Herer iyo jigjiga iyo
Hobyo iyo Garoowiyo
Halka ay Wajeer tahay
Xamar ruux la haystoo
Shantu hooy u tahayoo
Kasha iyo halbawlaha
Qawmiyaddu hurudoo
Waxan ahay horreeyoo
Dibusocod hadaaqaa
Hayb uugu baaqoo
Lagu yidhi Hargeysiyo
Hawd uun ku eekoow!

Hal-abuur tisqaadoo
Hawraarta curiyoo
Heenseeya gabaygiyo
Halkaraan waxaan ahay
Afka hooyo dhawroo
Suugaanta hidiyoo
Hiilqalin ku dhaatoo
Dhaqankiisa haystoo
Isir heersareeyiyo
Soomaali haybshoo
Hami qaran xambaaroo
Hunuftii qabiilkiyo
Hoodhkiisa diidoo
Kolba lala hadhaayoo
Xarwawaalku hadimiyo
Hirig uu ku oodoo
Hanfi iyo kulayl iyo
Hoosiis dhir moodoo
dabadeed hagaasoo
Hanku ruux jabaan ahay!

Marna hoobal jiitoo
Heesaha qaraamkaa
Hoobeey ku qaadoo
Halhaleel dadweynuhu
Ugu soo hirtaanoo
Lagu wada hadaaqoo
Kolna loo hanjabayoo
Hal xadiis daciifiyo
Huuhaa nin wariyaa
Fanku waa hallow iyo
Hawlaha ibliiskee
Ka hadh uugu baaqoo
Farxad heello galisiyo
Hirwo looga dhaartoo
Cadho huursan laabtiyo
Hibo qaadhay baan ahay!

Dul ka hoorro weeyoo
Tuski wuu hillaacee
Hogoshiyo daruuraha
Haamaha u soo dhigo.

Waxan ahay hadh damaloo
Sooyaal hanweyniyo
Taariikh habboonoo
Ilbaxnimo ku hilantoo
La hilaadin kariniyo
Hidde baadisoociyo
Hu’ u gaara sheegtoo
Hooyada adduunkiyo
Hoygii ayaankiyo
Udugiyo hangoolkiyo
Ciiddii halyeygiyo
Ganacsiga halbawliyo
U ahayd horseedkaan
Heellooyinkaygii
Ka haloosiyaayoo
Ma ogtahay hillaadiyo
Haltirsiga dharaaraha
Dabshidkaynu hurinaa
Harqintii dadkii Nuux
Duulkii ka soo hadhay
Holac ay shiteeniyo
Hambalyuu ahaayoo
Hindida iyo beershiya
Ma hilmaamayaanoo
Hoosada furaad iyo
Hurintii sumeerbaan
Huudhiga u rarayoon
La halmaali jirayoo
Halkaraan faraacida
Qiblo lama huraaneey
Ciidani u haydoo
Haramyada ay taageen
Tamar baa ku hilanoo
Buurahan Hargeysey
Ka halbeegsadeenoo
Taariikhdan hodankaa
Inta layga huurshee
Kama loo hadoodilay
Afrikaanka hiil iyo
Hanti bay u noqon layd
Heeryada ka qaaddoo
Anna kama hadhaayee
Raad baan hayaayoo
Inta hiiftay diirkee
Laga haysto maankee
Hoos gaalo noqotiyo
Kuwa degay habaaskee
Hayb loo karkaray iyo
Carabnimo ku heesee
Banu haashim baan nahay
Igu harowsanaysaay
Nin habowsan maahiye
Waan kaa horreeyaa
Waddadiina waan helay.

Hadal iyo dhamaantii
Sidu Abu Hadraba yidhi
Waxad tahay halyaygii
Hanashada adduunkiyo
Ifka loogu hiishee
Ha adoomin garashada
Halna aan ku kaabee
Hiyigaaga dabarkiyo
Habrashada ka dhawroo
Ku hillaaci dhiirrani
Haydh-haydhka maalmaha.

Duco aan ku hoorshee
Rabiyoow hankaygiyo
Himilada naftaydiyo
Higsigayga noloshaba
Hogol lagu badhaadhiyo
Hodan lagu nagaadiyo
Ka dhig hoodo iyo samo.
Rabiyoow hayaankiyo
Hirka aan suntaday iyo
Hanqaltaagga guushaba
Ka ilaali hadimada.
Hanadada qarsooniyo
Inta ila halmaashee
Hadafkoogu kaa yahay
Anba waan hubaayoo
Dhammi waa halyey yee
Rabiyoow tus hilimada
Libta lagula soo hadho.

Aamiin

Xus:
1-Hanqadh : Cabdi Iidaan Faarax (Hanqadh)-IHUN.
2-Abu Hadra: Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).
Halqabsi:
1-Khaliif F. Xayir
2-Maxamed-Haykal Muxumed Cabdi
3-Cabdiqaadir C/raxmaan Maxamed (Qalinle)
4-Maxamed Cabdullaahi Dhaaley
5-Maanmaal Buureed Gurxan (C/risaaq)
6-Maxamed C/risaaq Saciid (Samiik)

Aminta: 1/4/2015
Curiye: Cali Maxamed Cabdi (Cali Ileeye), MBA.
Biligdire: [email protected]
Facebook: Cali Ileeye
Mareeg: www.caliileeye.wordpress.com

Khartuum, Suudaan

 

 

 

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.