Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Kiiska Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Falanqayn Dhanka Sharciga

W/Q Axmed Cali M. Khayre, PhD

Sida Wax u Dhaceen

Taariikhdu markii ay ahayd 17ka Disember ayaa ciidanka nabad sugidda  Soomaaliya weerar ku qaadeen guri uu magaalada Muqdishu ka dagganyahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii Soomaaliya. Weerarkaas waxaa lagu dilay ciidankii ilaalinayey guriga Cabdiraxmaan, asagana waxaa loo taxaabay xabsiga asaga oo dhaawac ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Subaxnimadii 18kii Disember ayaa waxaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya iyo Wasiirka Amniga  shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegeen in ciidanka Aminiga oo ku socda amar ka soo baxay hay’adaha sharciga fuliyeen weerarkaas. Sida laga hor caddeeyey Maxkamadda Gobolka Banaadir weerarka looma haysan ogollaansho garsoore maxkamadeed. Xeer Illaaliyaha ayaa goobtaas ka sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur lagu eedaynayo Qaran Dumis iyo Qayaano Qaran.  Dadaallo ay sameeyeen siyaasiyiin iyo masuulyiin kale oo isku dayey in ay arrinka wadahadal ku xalliyaan ayaa waxay ku soo biyo shubteen in habeenkii 19ka Disember xabsiga laga sii daayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Wasiirka Amniga ayaa raali gelin ka bixiyey weerarkaas sheegayna in uu ahaa fal qalad ah.  Xeer Ilaaliyaga ayaa soo bandhigay warqad uu sheegay in ay muujinayso in Cabdiraxmaan Cabdishakuur lagu sii daayey damiin uu asagu saxiixay. In ay sharciga waafaqsan tahay warqadda Xeer Ilaaliyuhu saxiisay qaybaha dambe ee qoraalka ayaan ku faahfaahin doonnaa.

Taariikhdu markii ay aheed 20ka Disember, waxaa Maxkamadda Gobolka Banaadir la horgeeyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Xeer Ilaaliyaha waxa uu caddeeyey in uuna haysan oggolaasho maxkamadeed in la weeraro guriga Cabdiraxmaan Cabdishakur uuna u baahan yahay waqti dheeraad ah oo uu baaritaan ku sameeyo.

Maxkamadda Gobolka banaadir ayaa maadaama aan Cabdiraxmaan Cabdishakuur lagu soo xirin ogollaansho maxkamadeed ayna waqti siin karin xeer ilaalinta, waxayna maxkamaddu xorriyadiisii dib ugu soo celisay Cabdiraxmaan Cabdishakur. Maxkamaddu waxa kale oo ay cuskatay Qod.13 (3) aad ee Xeerka Habraaca Ciqaabta Soomaaliyeed (XHCS) oo qoraya in haddii eedaysanaha maxkamadda u dambaysa dambi ku xukunto ama sii dayso ama amar sharci ah lagu joojiyo sii wedidda dacwada aan muwaadinkaas mar kale lagu soo eedayn karin isla xaqiiqooyinkii hore oo aan loo soo jeedin karin isla eedayntii oo kale.

Qodobkaan ma khuseeyo qaadashada rafcaan ee waxa uu khuseeyaa in laga hortago in aan muwaadinka eedayn laga daba joogin markii maxkamadi dacwadiisa qaaddo ka bacdi. Mabda’aan oo loo yaqaan “double jeopardy”afka Ingiriiska, sidoo kale afka Laatiinkana lagu yiraahdo “non bis in idem” waxaa laga isticmaalaa adduunka meelo madan. Ujeeddada laga leeyahayna waxay tahay in aan dowladuhu maaddaama ay awood leeyihiin dhaqaalana haystaan ayna mucaaradkooda dacwo la bada joogin oo markii dambi lagu waayaba markale dacwad isla tii ah ku furin. Waxaa kale oo loola jeedaa in marka qofku maro dacwo ku saabsan xaqiiqooyin oo maxkamadihii soo gaba gaboobaan aan mar kale lagu soo dacweyn isla xaqiiqooyinkii oo uun ku jirin dacwo joogto ah.

Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa caddeeyey in uuna ku qanac sanayn go’aanka Maxkamadda Gobolka Banaadir oo uu rafcaan ka qaadanayo go’aankaas. Warqad ka soo baxday Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Xafiiska Xeer Iaaliyaha loo oggolaaday in ay rafcaan qaataan, Cabdiraxmaan Cabdishakuurna lagu amray in uu Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir hor yimaado taariikhdu marka ay tahay 3da Janaayo 2018. Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa uu sheegay in uu aaminsan yahay in ayna jirin dacwad sharciga waafaqsan oo loo haysto oo uusan ka qayb galaynin dacwada Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartay go’aan ay Xeer Ilaalinta ku siisay waqti ay baaritaan ku sameeyaan, amartayna in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uusan dalka ka bixi karin inta baaritaanku socdo. Qoraalkan gaaban waxaan ku lafaguraynaa falalkaas aan kor ku soo xusay iyo sida ay u waafaqsan yihiin dastuurka dalka iyo qawaaniinta kale ee dalka.

II. Eedaymaha Xeer Ilaalintu soo Jeedisay

Xeer Ilaaliyaha waxaa eedaymaha uu soo jeediyey kamid ah Qiyaamo Qaran isaga oo cuskanaya qodobbada aan hoos ku xusi doonno. Qodobka 184 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (XCS) ayaa ka hadlaya “isku dayga ku lidka ah hufnaanta, kala go’is la’aanta, madax bannaanida ama midnimadda qaranka Soomaaliyeed”. Qodobka 185 ee isla xeerkaas waxa uu khuseeyaa muwaadinka qaata hub ku lid ah qaranka Soomaaliyeed. Qodobka 189aad waxa uu ka hadlayaa muwaadinka fal musuqmaasuq ah la gala shisheeye eyada oo “ula jeedaduna tahay samaynta falal ku lid leh danta qaranka.” Qoodbka 215aad XCS waxa uu ka hadlayaa dacaayad ka soo horjeedda oo lid ku ah waddanka. Qodobka 218 waxa uu ka hadlayaa qofka isku daya dilka Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha ama Guddoomiyaha Baarlamaanka ama ka horjoogsada madaxdaas iyo maxkamadda sare shaqooyinka dastuuriga ah oo loo xilsaaray. Qodobka 219 ee XCS wuxuu qeexayaa khalkhal gelinta Qaranka iyo Umadda.

Eedaymahaas Xeer Ilaalintu soo jeedisay waxay khuseeyaan falalka lidka ku ah qaranka ee ma khuseeyaan mucaaradnimada dowladda. Farqi weyn ayaa u dhexeeya in la mucaarado xukuumadda iyo dowladda qaybaheeda kala duwan iyo in aad lid ku  noqoto qaranka.

Dowladihii hore oo dalka soo maray oo ku salaysnaa nidaamka dimoqraadiga ah dhammaantood waa la mucaaradi jirey, waxaa laga keeni jirey mooshinno, waxbaana laga sheegi jirey. Welina ma dhicin in ay mucaaradkooda ku eedeeyaan qaran dumis iyo qayaano qaran. Eedaymaha noocaan ah waxaa inta badan isticmaala xukuumadaha keli taliska ah oo raba in ay cabburiyaan mucaaradka ka soo horjeeda. Haaddii aan hadda laga hortagin waxay noqonaysaa dhaqan siyaasadeed, berrina qofkasta ayaa lagu aamusin karaa eedaymahaas oo kale. Madaxda dowladda ayaa loo isticmaali karaa marka xilligoodu dhammaado. Eedaymaha warbaahinta laga sheegay waxay ka hadlayeen lacago laga soo qaaday dalal shisheeye si loogu rido xukuumadda. Xeer Ilaalintu masoo bandhigin wax caddayn ah oo eedaynahaas ku saabsan. Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ka codsatay in ay keenaan caddaymo wax caddayn ah ma horkeenin.

Halkan ka sii akhri: Kiiska Cabdiraxmaan Cabdishakuur-  Falanqayn Dhanka Sharciga

Axmed Cali M. Khayre, PhD
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.