Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • News
  • Slideshow
  • Warar

Ku Dhawaad 18 Qof oo ku Dhimatay Qarax Xooggan oo ka Dhacay Guriga Hooyooyinka ee Muqdisho (Warbixin iyo Sawiro)

Faah faahin dheeri ah, ayaa ka soo baxaya qaraxyo maanta ka dhacay agagaarka Gurigii Hooyooyinka oo ay ku taal Maqaayadda The Village, iyadoo qasaara fara badan uu ka dhashay qaraxa oo mid ka mid ah uu ahaa ruux isa soo miidaamiyay.

Sida ay sheegayaan wararka aan helayno qaraxa hore oo ahaa mid loo adeegsaday  gaari, walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay goob baabuurta la dhigto oo ku taal dhabarka dambe ee Maqaayada The Village oo ah halka lagu magacaabo Barxada Iskaashatooyinka, ayaa halkaas ay gawaari badan ku burbureen.

Qof goob jooge ah, ayaa saxaafadda u sheegay inuu arkay qof sii ordayay markii uu gaariga qarxay, dabadeedna dad meel ku xoonsanaa uu  isna isku qarxiyay, halkaasoo aheyd goobta ay ka dhalatay dhimashada ugu badan.

Mudane ka tirsan Baarlamaanka oo lagu magacaabo Xiis Cabdulaahi oo ku sugnaa maqaaxida The Village xilligii qaraxyadani dhaceen, ayaa sheegay in hal meel uu ku arkay dhimashada ilaa toban ruux oo labo ka mid ah ay haween ahaayeen.

Saraakiisha Booliska ayaa xaqiijiyay in qaraxa labaad uu ahaa qof xirnaa suumanka qarxa oo markii qaraxii weynaa ee gaariga dhacay goobtana ay ku soo xoomeen dad fara badan uu isna is qarxiyay.

In ka badan 10-ruux, ayaa la sheeagayaa in ay ku dhimatay qaraxa, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, iyadoo gawaarida ambalaasta ay qaadeen dad fara badan oo dhaawac ahaa, kuwaasoo ka mid ahaa dadkii maqaayadda ku jiray.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhow ka hadlayay shir looga hadlayay Xagjirnimada oo ka furmay magaalada Muqdisho, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dad aan waxba galabsan la laayo, isagoo tilmaamay in ilaa 14-ruux ay ku dhinteen.

Wakaaladaha wararka ayaa qoraya in qaraxyada bartilmaameedkooda ahaa Maqaayada caanka ah ee The Village oo ay ku dhinteen ugu yaraan 15-ruux, halka dhaawaca intaa ka badan yahay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda, iyadoo goobta wax ka dhaceen ay gaareen mas’uuliyiin iyo wariyeyaal.

Inta badan dadka doonaya inay maqaayadda The Village cunteeyaan, ayaa la sheegaa inay marka hore dhigtaan baabuurta bannaanka barxadda ka soo horjeedda Ex Fiyoore ee loo yaqaano Iskaashatada.

Waddada hormarta goobtaas, ayaa ah mid iminka xiran, waxaana goobta soo gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo goobta qaraxyada ka dhaceen ay ka muuqdaan raadadka qasaaraha oo ah gawaari gubtay, dhiig iyo hilbo dad go’ go’ay.

Wararka hadda soo baxaya ayaa sheegaya in ururka dagaalada hubaysan ka wada Soomaaliya ee AlShabaab ay sheegteen mas’uuliyadda qaraxyadan inkastoo aan wax faahfaahin ah aan laga bixin.

Bishii Sebtember ee sanadkii 2012 ayay aheyd markii weerarro qaraxyo ah oo lagu qaaday Maqaayada The Village oo ay ku jireen wariyeyaal iyo dad kale, halkaasoo ay ku dhinteen ilaa 20-ruux, iyadoo weerarkan maanta uu u muuqdo mid lagu soo beegay sanad kadib weerarkii ka dhacay maqaayada.

 

Daawo Sawirada Qaraxa

Copy of s6 Copy of s1 Copy of s2 Copy of s3 Copy of s4 Copy of s5

 

Wardheernews.com

Maxamed Nuur Amiin

Muqdisho

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.