Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Laanta Laaluushka Soomaaliya

W.Q. Aadam Cabdiraxmaan (Zaki)

Sannad ku dhawaad ayay ku jireen xabsi ku yaalla Liibiya.  Waxaa loo haystay inay dalkaas ku soo galeen sharci darro, doonayeenna inay uga sii tahriibaan Yurub. Maraanmar badan ka dib qoysaskoodii waxaa lagu qanciyay in la keeno Baasaabooro ay kaga dhoofaan Liibiya si loogu celiyo Soomaaliya. Ehelladii   ayaa dadaal u galay siday laanta Socdaalka ‘’Dawladda’’ Soomaaliya uga heli lahaayeen waraaqo maxaabiistaasi kaga soo dhoofaan Liibiya si ay dalkooda hooyo dib ugu soo noqdaan.

Sarkaal ka tirsan Laanta Socdaalka ayay la xariireen oo Xamar jooga, wuxuuna ku yiri ,‘’ si loogu sameeyo Baasaboor dadkaas waa inay Xarrunta yimaadaan’’ !! Oday Guuleed oo 70 kii ka gudbay, tin madawna aan lagu arag  kana mid ahaa waalidiinta maxaabiista ayaa isagoo hadalka sarkaalka la yaabban yiri ‘’ War maandhoow gurigaa bi’i waaye haddii ay xarrunta imaan karaan miyaan kuu imaan lahayn’’ dadku waa maxaabiis si looga soo daayo xabsiga looguna soo celiyo Soomaaliya waa inay haystaan aqoonsi adinkaana haysta aqoonsigaas ee maxaad na leedihiin?

inta kursigii hadba dhinac isugu warwareejiyay ayuu yiri. ” barri subax ii imoow ,10ka aroorta waxaan u gudbinayaa arintiina madaaxa Laanta Socdaalkee “, Oday Guuleed waagii ayaa ku dheeraaday subaxdii hore ayuu sii istaagay meeshii lagula balamay waa xarunta Socdaalkee, 10 kii ayay dhaaftay asagoo yaabban tusbixiisana isaga wardinaya ayuu 12 kii duhurnimo arkay ninkii shalay la ballamay oo Gaari qurux badan oo dhawr wiil oo hubaysan galbinayaan kasoo dagaya oo xafiiskiisii sii galaya, inta yara farxay ayuu ka daba gal maagay waase loo diiday inuuba u galo.

Goor danbe oo hadal iyo calaacal ka dhammaadayayaa loo ogolaaday inuu sarlkaalkii la ballansanaa u galo. Kumaad ahayd, iyo kulama ballamin duqa   ee maxaan kuu qabanaa ayuu jawaab uga dhigay, Guuleed yaab kii ayaa ku kordhay.  sheekadii shalay ayuu mar kale u mariyay. “Haa haddaan gartay”,  inta yiri ayuu weydiyay, “meeqa qof waaye dadka aad baasaboorka u rabtid duqa”, Xurma darrada ninkaan asagoo ka yaabban ayuu Guuleed ugu jawaabay, “waa 13 dhalin yaro  lab iyo dhaddig  isugu jira Kuray ayaanse anigu awoow u ahay”.

“Sawirradooda iyo $300 (Saddex Boqol oo Doollar ) qofkiiba la imoow, waa laguu dhammaynaa”, ayuu sarkaalkii ku yiri odaygii. Oday Guuleed wuxuu maqlay asagoo malaysan la’ ayuu ku celiyay, ” 300 miyaad tiri maandhoow ?” “Haa saddex boqol oo Doollar , sababtoo ah annaga ma ogin dadkaad sheegayso inay dawladda Liibiya u xirtay falal argagaxiso inay shabaab yihiin maxaan ka ognahay in la baaro waaye wakhti dheer ayay qaadanee marka anigaa kuu dhammaynaayo ee $300 oon ku qanciyo taliyahayga iyo sawirkiisa ii keen, waxaan dhahaa anigaa Abti u ah wiilkaan nadiif  waayee”.

Oday Guuleed intay caradii ka ka badatay oo uu sare u  joogsaday ayuu yir, ” Liibiya dawlad kama jirto Xoolo muuqaal dad leh sidiinoo kale oo Qadaafi dadka ka hayay ayaa ku habsaday anaase idinka liita saa waxaan idin mooday Daacad inaad ugu shaqaynaysaan shicibka Soomaaliyeed, Dulli adigoo kalaa oo laaluushka gurta wiilkayga Abti uma noqdee, mid ku dhaama idamka Alle , Intaan laaluush inta bixiyo Caro Eebbe igu habsan lahayd Xabsiga ha iigu jiro”.

Baasaboor $100 Jooga maxaa $300 kadhigay ? yaa jawaab u haya Oday Guuleed ? Ma wiilkiisaa Xabashi ah mise Suudaan u dhashay ? Mise laanta lafteedaan Soomaaliba ahayn ?

W,Q, Aadam Cabdiraxmaan (Zaki)
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.