Thursday, April 18, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Laba qodob oo saldhig u ah dowlad wanaaga Farmaajo iyo Kheyre

Muqdishu (WDN)- Soomaalidu dhamaan waxay isku raacsan tahay in nabad waarta la helo, islamarkaana la dhiso ciidan Qaran iyo dowlad tayo leh. Arimahan ayaa ahaa qorshayaashii iyo balan qaadyadii ugu waaweynaa ee uu Madaxweyne Farmaajo wakhtigii ol’olaha doorashada iyo ka gadaal ba markii la doortay uu balan qaaday. Haddaba:

1) Soo celinta dadkii horey loo soo tijaabiyay ee ku fashilmay in ay Soomaaliya ka saaraan ammni darrada, gaadhsiiyaana xasilooni yo horumar dhaqaale, miyay haboont tahay in dib loo soo celiyo?

Madaxweyne Farmaajo (bidix) iyo Xasan Kheyre

Tusaale: ma kula tahay in Cabdixakiim Fiqi oo laba jeer soo noqday Wasiirka Gaashaandhiga oo lagu xasuusto wax qabadkiisii ugu weynaa uu ahaa Dagaal Ooge Indho Cadde oo lagu tolay darajada Jeneraal (General), haddana ku jira ol’olaha ka mid noqoshada dowladda cusub, uu horseed u noqon karo dhisad iyo qorsha ciidan Qaran?

Maxamed Mukhtaar oo horey ula soo shaqeeyay dawladii Xasan Sheekh, ahaana wasiirka Macdanta iyo Batroolka oo heshiisyo aan la marin Baarlamaanka la galay shirkaddo shisheeye (shaddy deals),  soo celntiisu ma tahay isbedel?

2) In lagu daro xildhibaanada Baarlamaanka labada Aqal, oo ay ka mid noqdaan wasiirada dowladda cusubi (double dipping), saameyn intee leeg bay ku tahay isku milmanka Golaha Baarlamaanka iyo dowladda?

Taasi oo luminaysa ama meesha ka saaraysa masuuliyadii Baarlamaanka ee aheyd la xisaabtanka dowladda. Arinka oo ku lid ah balan qaad uu sheegay Ra’iisal Wasaare Kheyre dhawaan oo ahaa in ay dhisi doonaan dowlad lala xisaabtamo.

Wakhtigan oo ay Soomaaliya ku jirto xaalad abaareed, oo in ka badan 6 milyan oo Soomaali ahi qarka u saaran yihiin macaluul. Maxaa Safiiraddii matalayey Soomaaliya ee qaylo dhaanta iyo qorshayaasha wax qabad looga baahnaa sida safaaradaha Soomaaliya ee
1) Qaramadda Midoobay iyo 2) Midowga Afrika Muqdishu dhex taagay? Ma kula tahay in ay leeyihiin xirfad iyo waayo aragnimo ay ku dejin ama odorosi karaan qorshayaal ay hordhigaan deeq bixiyayaasha iyo hay’addaha gurmadka oo hadda Soomaaliya u feejigan?

Arimahan aan ku xusnay labada qodob, ayaa ah kuwa haddi ay ku dhaqaaqdo dolwadda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre  dhabar jab weyn ku keeni doonta taageeradii iyo rabitaanka shacbiga Soomaaliyeed ee isbdel doonka ah.

Haddaba iyada oo la filayo in dhamaadka bishan lagu dhawaaqo xubanaha Dowladda cusub, waxa kala caddaan doonta in Soomaaliya ay ka dhalatay dowlad isbedel doon ah iyo in ay tahay mid la hal maasha kuwii ka horeeyay (business as usual ).

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.