Tuesday, March 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

LABAATAN SANO IYO LABA GABDHOOD!

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen

London
London

Labaatan sano, ayaan madaxa ka jaray intaan magaalada London iyo webigeeda Thames dul degganaa. Soomaalida dalka Boqortooyada Midowday (UK) ee Britain ku nool, inta shaqaysa iyo inta waxbarata, ayaa ugu nasiib iyo rajo wacan. Inta kale badanaa xilligu wuxuu ku dhaafaa guriga oo la hurdo, maqaayadda oo laga tororogleeyo iyo hadba suuqa ugu dhow oo wax laga soo iibsdo, marka la haleello.

Qaybtan ugu dambaysa dadka, ayaa magaalada London ugu aqoon yar, misna marka fasaxa loo baxo, shaki kama jiro, in qaarkood sheegtaan inay London siday u dhan tahay dhammaysteen.. kuna dhiirradaan sheegashada madaxda dalkaa.. “Tony Blair’ ama ‘David Cameron’ arrimmaha qaarkood kala taliyaan.   Waan filayaa kuwo dalalka kale ee Yurub joogaana sidoo kale iyana sheegtaan in taladooda madaxdu uga maarmin. Laftaydu Soomalida London deggan, ayaan ka tirsan ahay ee weli madax talo i weydiisa ayaanan la kulmin.

Siyaasadda dalkan, dhexgalka dadka ka sokow, waxaan kala socdaa TV-ga warkiisa iyo laba wargeys aan aqristayaashooda ka mid ahay – The Independent iyo The NewStatesman. Sidaan baasaboorka u qaatayna doorashooyinka, ayaan ka qaybgalaa.

Deegaanka aan ku noolahay- Bethnal Green and Bow- ee ku yaal degmada Tower Hamlets, soo-galootiga ku nool waxaa ugu tiro badan dad ka yimid Bangladesh, waxaana ku xiga Soomaalida. Doorashooyinka barlamaanka iyo kuwa dawladda hoose, labadaba waxaa ku soo baxa musharaxiinta xisbiga Xoogsatada UK ( Labour Party). Labaatankii sano ee aan degaankan ku noolaana, laba gabdhood ayaa isaga dambeeyay inay doorashooyinka barlamaanka ku guulaystaan.

Oona-king
Oona King

Tan hore, Oona King, waa gabadh iskadhal ah oo xisbiga Xoogsatada (1997 – 2005) ku soo gashay barlamaanka. Tan kale, Rushanara Ali, waa gabadh ka soo jeeda qoys Bangladesh ah. Doorashadii u dambaysay ee 2010, ayaa la soo doortay. Bisha soo socota ee May 2015, ayay mar labaad u taagan tahay xisbiga Xoogsatada (Labour Party). Gabadha hore, Oona King, oo laba jeer la soo doortay (1997 – 2002) mar walba dadka xisbiyada kale kula tartamaya, waxay ku dhaafi jirtay tiro toban kun gaaraysa wax aan ka yarayn. Taas oo micnaheedu yahay sida dadka degaanku aanay uga kala bayri jirin markay doorasho noqoto gabadhaa Oona King.

Galloway
George Galloway

Doorashadii saddexaad waxay ku seegty, iyadoo Ra’iisalwasaarihii hore ee Tony Blair ay kula safatay dagaalkii uu Ciraaq ku qaaday. Waxaa doorkaas la tartamay George Galloway oo ka socday xisbi la magac baxay “RESPECT”. Ninkaas oo ugu cadcaddaa mudanyaashii barlamaanka ee dagaalka ka soo horjeestay, xisbiga Labour-kana laga cayrshay. Mar keliya, ayaa degaankii Bethnal Green & Bow ee Muslimka u badnaa codkoodii wada siiyeen George Galloway. Aniga iyo qoyskayguna, tiro 8 qof ah, codkayagii ninkaas Scotland ka soo qoystay, ayaanu codkayagii ku hubasanay, in kasoo ay Oona King ahayd gabadhii sida weyn nooga la shaqaysay sharciga aan UK ku deggannahay, Soomaalida kalena aanay waxba ka hagran jirin karaankeeda. Abaal weyn ayay nagu leedahay qoysahaan. Abaal kasta waxaa ka culus xaqa marka diin dhab ah iyo dadnimo la xeerinayo. Halkaas ayay Oona King ku guuldarraysatay.

Rushanara Ali
Rushanara Ali

Gabadha maanta goobteedii ku jirta oo la yiraahdo Rushanara Ali, si weyn ayay danaha Soomalida ugu soo jeeddaa. Kulammada ay qabsadaan iyo arrimha la soo dersa kama maqnaato. Kulan-dhaqameedka Soomaaliyeed (Somali Week Festival) ee sannad walba Ururka Kayd ku qabto magaalada London way ka soo qaybgashaa. Haddaan tilmaan u soo qaadanno kii u dambeeyay ee Oktoobar 2014 London lagu qabtay, Rushanara ay ka mid ahayd marti-sharafkii ugu darajada sarreeyay ee kulankaa lagu martiqaaday, ereyadii ay madasha ka jeedisay:

Salaan, hambalyayn iyo bogaadin markay ka soo jeesatay, iyo weliba hawlaha culus ee ay degaanka waajib ahaan u qabato , ayay u farabaxday inay Soomaalida, gaar ahaan gabdhaha, la wadaagto intii iyada soo maray iyo waaya-aragga laga korodhsan karo. Murtideedii oo kooban:

“ … xataa intaan jaamacadda ku jiray, marna igu ma ay soo dhicin doorasho ayaad hungurayn doontaa, iska dhaaf inaan barlamaan hawaystee! Ciddii xilligaas talo noocaas ah iila timaadda, waxaan u qaadan jiray dad doonaya inay iga maadaystaan. Waxaan sidaas u leeyahay, inta caqabadood ee i wada horyiil, ayaa si weyn iigu muuqday. Mana ay tiro iyo dhib yarayn. Bal fiiri:

– qof da’yar baan ahaa
– qof waaya-aragnimadiisu kooban tahay dhinaca siyaasadda ayaan isu arkayay
– qof haween ah baan ahaa
– qof muslim ah baan ahaa
– qof ka soo jeeda qoys soo-galooti ah baan ahaa
– qof dhaqan adagi dabrayo, marka dadkayga la eego, ayaan ahaa
– qof tijaabadaas wax uga horreeyay oo ku dhiiringelyaa lahayn baan ahaa

Arrin walba cid uun baa ugu horraysa ayaan gartay. Xilkii cidi gudan karto in qof kalena gudan karo ayaan aaminay. Aqoon iyo dadaal haddii aan la imaaddo, inaan ku guulaysan karo ayaan niyadda geliyay. Mar keliya ayaan talo ku goostay in haddii aan rabo inaan siyasadda kaalin ka qaato aan wax iskay hortaagi karaa jirin. Buurahaa i wada hor taagan in aanay i baacin karin ayaan goostay. Waana i kan aan imminka idin hor taagnahay aad u jeedaan. Idinkuna intaas iyo in ka badanba waad gaari kartaan, haddaad cindiga gelisaan oo talo ku goosataan.   Wax idin caabin kara uma jeedo. Iyadoo aan weliba aftahamadiinna iyo dhiirranaantiina aan aqoon fiican u leeyahay ee aanan iska kiin ammaanayn. Siyaasadda dalka aad ku nooshihiin waa inaad ka qayb qaadataan. Idin kuma lihi xisbigayga ku soo biira.. taasi idinka ayay idin jirtaa ee taan carrabka ku adkaynayaa, waa inaad meelaha aayahiina looga talinayo aad codkiinna ku yeelataan. Mar kasta guul iyo horumar ayaan idiin rajaynayaa.”

Intaas ayay Rushanara kaga baxday ereyadeedii qiimaha badnaa. Ilaahay ha ina sulansiiyo taladaas dhammaanteen. Qoys ahaan iyada ayaannu doorashada Maajo 2015 codkayaga ula diyaar nahay. Barnaamijkan Bandhig-dhaqameedka Soomaalida, gabadh ayaa maamulkiisa ka madax ah, kulankankii u dambeeyay ee xiritaanka oo ah kuwa barnaamijka ugu muhimsan gabadh, ayaa daadihinaysay, tan taladeeda lagu gunaanaday ee Rushanara na waa gabadh. Waa ifafaale khayr badan sheegaya, hadduu halkaa ka sii socdo.

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen
Email: [email protected]
————————
Siciid waa qoraa deggen magaalada London, UK, oo si joogto ah wax ugu soo qora degelka WardheerNews, waana guddoomiye xigeenkii hore ee Naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.