Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

LABO HALAC OO KALA DARAN! (Sheeko Gaaban)

W.Q. Aadan Makiina

Waa xilli waaberi ah, carruurtiina wey baahanyihiin. Hooyadood, Mama Mwikali waxaa la soo deristay xaalad adag maadaama aysan faraha ku hayn wax raashiin ah oo ay ilmaha dabka u saarto. Yar iyo weynba waxay ku dhawaaqayeen, “Mama ee tunataka chakula” (hooyooy cuntaan rabnaa). Odeyga Mwikali ay wada noolyihiin oo lagu magacaabo Kioko ayaa isla xilligaasi shaqo isu diyaarinayey. “Kioko ee”, ayey ugu yeedhay Mwikali odeygeeda. “Ee” ayuu ugu jawaabay isna xaaskiisa. ‘Waamuka ata’ oo u dhiganta’maxaad ku bariday’ intay ku salaantay ayuu ugu jawaabay “niwaamka” (subax wanaagsan).

Mwikali waxay u sheegtay ninkeeda in ilmaha aan dab loo shidin oo ay baahanyihiin islamarkaana wax lacag ah oo ay cunto  ugu soogaddo haynin. Wuxuu u sheegay Mwikali bal in ay digsi biyo ku shubto dabadeedna ay dabka saarto illeyn wuxuu soo indho indheynayaa xaafadda Eastleigh oo ay Soomaalida ku badantahay. Intuu si degdeg ah u labistay ayuu aaday saldhiggii booliska kana soo qaatay qori cabbeysan oo G3 ah. Asagoo ay la socdaan labo askari oo saaxiibbadiisa ah ayey xaafaddii Easteleigh dalaq yidhaahdeen.

Odey Xandulle oo deggan xaafadda Eastleigh, waaga ayaa asagana u baryey. Xaaskiisa Muxubbo oo saalaaddii subax ay wada tukadeen ayaa u sheegtay in caarruurtu gaajeysanyihiin. Wuxuu isna  ku yidhi xaaskiisa, “bal digsi biyo ku shuboo dabka saar waxaan noo raadinayaa shaxaade”. Halkii buu ka shiraacday, wuxuuna cagta saaray waddo gasho xaafadda Islii (Eastleigh) ee Soomaalida caan ku tahay magaalada Neyroobi. Wuxuu guriga kaga soo tegay xoogaa qaad ah oo uu xaleyto kasoo shaxaaday saaxiibbadiis. Qaadkuna kuma filleyn sigaarna maba uusan haaysan. Sida keliya maalinkaasi uu ku murqaami lahaa waa isagoo raadsada xoogaa shaxaad ah oo kale.

Kioko oo ay saaxibadiis la socdaan iyo odey Xandulle ayaa ku kulmay meel goolad ah. “Wee Waryaa simama” (waryaa istaag), ayaa la amray Odey Xandulle oo argagaxsan. “Balo, waar maxay ahaayeen waxu”, intuu yidhi ayuu socodka joojiyay. “Lete kipande” (keen waraaqahaaga aqoonsiga) ayaa isla markiiba la amray. Kaar aqoonsi ah oo sharciyeysan intuu jebadda kala soo baxay ayuu u dhiibay Kioko. “Hii ni fake (kani waa faalso), twende station (inakeen saldhiga), nitakufunga” (waan ku xirayaa), ayaa lagu yidhi Odey Xanduulle oo ay xaajaddu ku xumaatay.

Nasiib wanaag, Odey Xandulle wuxuu meel dheer ka arkay Odey Magan Qadiid oo in muddo ah ay saaxiibbo ahaayeen. Wuu u dhawaaqay. Odey Xandulle intuu afka furtay buu ku qayliyay, “waar Magaanoow isoo gaadh”. Wax yar kadib Magan Qadiid baa ka soo dul dhacay halkii lagu buuqsanaa. “Waar ina adeeroow 1,000 shilin idaymi dib ayaan kaa siinayaaye”, ayuu Odey Xandulle ugu calaacalay saaxiibkiis Magan Qadiid. Magan Qadiid intuu jeebka gacanta gelshay ayuu kasoo saaray 1,000 kii shilin ee saaxiibkiis weydiistay.

Odey Xandulle wuxuu Kioko farta ka saaray 500 shilin sidii ayuuna xorriyaddiisa ku helay maalinkaasi. Asagoo aan dheg la qabto lahayn ayuu Odey Xandulle ku laabtay gurigiisii. 200 shilin buu u dhiibay xaaskiisi. Isla markiiba waxaa lasoo gaday raashiin. Carruurtii gaajeysneyd maalinkaasi waa ay dhergeen. Odey Xandulle 300 shilin ee u soo hadhay buu ku iibsaday xoogaa qaad ah iyo sigaarkii uu ku dhuuqi lahaa.

Askerigii Kioko ahaana wuxuu iska fasaxay saaxiibadiisi oo wuxuu markiiba aaday gurigiisa. Dherigii dabka la saaray markuu kasoo hayaamay gurigiisa ayaa la cabbeeyay oo loo helay raashiin ay quutaan carruurtiisa iyo xaaskiisa intaba. Guud ahaan Kioko wuxuu asagana xaaskiisa u dhiibay lacag dhan 200 shilin oo Kinyaati ah. Lacagtii kale ee usoo hadhay wuxuu la aaday goobaha khamriga nooca Chang’aa la yidhaahdo lagu cabbo. Odey Xandulle iyo askeri Kioko dhibkii waa ka haaday maalinkaasi oo waxaa u dambeeyay murqaan iyo damaashaad. Waa labo halac oo kaladaran.

Aadan Makiina
[email protected]

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.