Saturday, July 21, 2018
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Ma la badbaadin karaa qarannimada iyo midnimada Soomaaliya? Falanqayn iyo talo soo jeedin

W/Q Prof. Xasan cabdi Keynaan

Soomaaliya waxaa ragaadiyay jahawareer, is-maandhaaf iyo is-qabqabsi salka ku haya hirgalinta nidaamka federaalka, gaar ahaan arrimaha khuseeya awood qaybsiga iyo sidii loo wadaagi lahaa khayraadka dalka. Is-mariwaagan waxaa keenay sababo badan, kala duwan oo is huwan.

Qormadan gaaban si buuxda oo dhamaystiran looguma falanqaynkaro ammuurahan is-biirsaday ee madaxa isu keen galiyay. Dhowr qodob ayaase mudan in la dul-joogsado.

1) Axdigii Carta (2000) ee lagu qaatay hannaanka awood qaybsiga ee 4.5, axdigii lagu guddoomiyay habka federaalma ee Nairobi (2004), iyo Dastuurka qabyada ah ee la ansixiyay 2012kii maantana saldhigga u ah shuruucda iyo xeerarka ay dawladdu ku dhisantahy qarankana lagu maamulo, waa kuwo  markii horeba ku yimid degdeg, dhoodhoob, ka fiirsasho la’aan, aqoon darro, iyo waaya arag li’. Intaa waxaa u dheeraa waxaa giddigood lagu allifay waddamo shisheeye, waxaana budhigayaal ka ahaa quwado shisheeye oo ay horboodayaan dawlado dano gaara ka leh Soomaaliya. Ummadda Soomaaliyeed lagama talo galin, fursadna uma helin inay ku yeeshaan kaalinta ka mudan.

Guud ahaanna, dhmmaantood waxaa ka buuxa afkaar iyo qodobbo aasaasiya oo aan iswaafaqsanayn qaarkoodna iska hor imanayaan. Taa waxaa ka markhaatiya oo cod dheer iyo cod gaabanba ku sheegay mudanayaasha baarlamaanka federaalka iyo kuwa matala maamul goboleedyada. Qaar waxay ku dooddaan in Dastuurka qabyada ah ay ku jiraan khaladaad aan la soo koobi karin, ugu yaraan boqolkiiba kontonna ay tahay in la beddelo. Qaar kale waxay leeyihiin, Dastuurka qabyada ah qodobbo muhim ah ayaa laga beddelay iyadoon loo marin dariiq sharciya.

2) Lix sano ayaa la hadal hayaa laguna hawlanaa dhammaystirka Dastuurka qabyada ah. Dawladdii Madaxwayne Xasan Sheikh way ku guul darraysatay hawshan. Tan Madaxwayne Farmaajana durba sannad ayay maraysaa, lamana hubi karo inay hawshan ku guulaysan doonto. Xataa haddii lagu guulaysto dhamaystirka Dastuurka qabyada ah, lama hubo in xal waara loo heli karo caqabadaha badan ee jira.

3) Xaaladda dhabta ah ee uu dalku ku suganyahay, ma aha mid lagu maarayn karo ama lagaga gudbi karo Dastuurka hadda jira ama afkaarta iyo siyaasadda Dawladda Federaalka. Dastuurka waxaa ku qoran erayo qurux badan oo tilmaamaya ummad iyo qaran mida, xor ah, madaxbanaan. Xukuumadda Federaalka ahna taasay ka duulaysaa kuna doodaysaa. Xaqiiqduse waxay tahay, waxa Dastuurka ku qoran iyo darajooyinka iyo awoodaha dastuuriga ah ee ay xukuumaddu sheeganayso dhab ahaan waa riyo, markay ugu roonaatana waa rajo aad u fog. Waddanka waxaa isku haysta:

  • Soomaaliland oo run ahaantii tashatay,
  • Shan dawlad goboleed,
  • Laba urur diimeed (Al-Shabaab iyo Ahlu-Sunna Wal Jamaaca),
  • Gobolka Banaadir,
  • Afar beel iyo badh,
  • Qurba joog xukun iyo darajo doon ah,
  • Labaatan kun oo ciidamo ajnabi ah,
  • Turki, Imaraadka, Qatar, Sacuudiga,
  • Ethiopia iyo Kenya oo iyagu dano gaara ka leh dalka,
  • Iyo beesha caalamka oo iyagu jasiirad ka dhex samaystay Xalane.

Run ahaan marka loo hadlana xoogaggan dalka ku loollamaya waxaa ugu tabar daran uguna awood liita Xukuumadda Federaalka ah. Isla markaa waxay Xukuumaddu ku doodaysaa in iyada wax walba looga dambeeyo, iyadoo waxa keliya ee ay cuskanayso uu yahay Dastuurka qabyada ah iyo awoodaha madhan ee uu siinayo xukuumadda. Xisaabta noocan ah ma aha mid is bixinaysa. Madaxwaynaha, Raisul Wasaaraha, iyo Guddoonka baarlamaanka midna ma tegin mana tegi karo Berbera ama Hargaysa, awooddooda iyo amarradoodana ma gaadhaan kamana fuli karaan Somaliland iyo dawlad goboleedyada dalka ka jira.  Xataa Magaalo Madaxda ay ku suganyihiin gacanta uguma jirto si xor ahna uma dhex socon karaan. Waxaynu xusuusanna hadalladii madaxda maamul goboleedyada ee ahaa xukuumadda federaalka ah boqoliiba 10 ayay dalka xukuntaa, boqolkiiba 90na waxaa gacanta ku haya maamul goboleedyada. Hadalkaasi ma ahayn mid xaqiiqda ka fog, lamina dhayalsan karo.

Haddaba dal xaalkiisu sidaa yahay, sidee loo furdaamin karaa? Qarannimadiisa iyo midnimadiisana loo badbaadin karaa? Waa su’aalo aan manta loo hayn jawaabo sugan oo sax ah. Laakiin haddii daacad laga yahay, dulqaad iyo geesinnimana lala yimaaddo, waa suuragal in xal macquul ah loo helo is-mari waaga ragaadiyay siyaasadda dalka.

Talooyin haddii la fuliyo dalka lagu badbaadin karo

  1. Dastuurka qabyada ah iyo hannaanka awood qaybsiga ee 4.5: Waxay qayb ka yihiin jahawareerka iyo is-maandhaafka jira; mana aha kuwo la socon kara ama lagu maarayn karo xaqiiqooyinka iyo waayaha dhabta ah ee dalka ka jira. Mar hadday qayb ka yihiin jahawareerka iyo is-qabqbsiga dalka ragaadiyay, suura gal ma aha in ay qayb ka noqon karaan xal-u-raadinta mushkiladaha jira. Sidaa darted, intii waqti lugu lumin lahaa dhamaystirka dastuur meel walba ka daloola oo aanay suuragal ahayn in sina loo furdaamiyo, ama lagu meeraysan lahaa nidaamka 4.5 ee hungada ah ee sina aan loo hirgalin karin; waxaa habboon in lala yimaaddo lana tijaabiyo halabuur iyo afkaar cusub oo dastuuri ah oo ka turjumi kara laguna maarayn karo xaaladaha dhabta ah ee dalka ka jira maanta. Waayaha uu dalku soo maray iyo xaaladaha adag ee uu maanta ku suganyahay waa kuwo naadir ah. Majiro dal dunida ka mida oo soomary waxay Soomaaliya soo martay, ama ku sugan xaaladaha murugsan ee Soomaliya ay maanta ku jirto. Sidaa darted, waxaa loo bahanyahay in la iska illoobo oo laga gudbo afkaartii iyo habdhaqankii caadiga ahaa, lalana yimaaddo dardar iyo dhiirranaan keeni kara isbeddel iyo horumar dhab ah. 
  1. Jagada Madaxwaynaha Federaalka ha laga dhigo mid wareegta ah: Si sinnaan iyo kalsooni dhaba loo helo, waa in isbeddel lagu sameeyo hannaanka doorashada Madaxwaynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya. Laga soo billaabo xornimadii iyo midowgii 1960kii, qof ka soo jeeda Somaliland iyo Konfur Galbeed marna dalka madaxwayne kama noqon. Maanta oo la leeyahay 4.5 ayaa awoodda lagu qaybsanayaana, weli beelo kooban ayaa isa siiyay madaxnimada iyo hoggaanka dalka. Muddadii u dhexaysay 2008 iyo 2017, saddex madaxwayne iyo afar Raisulwasaare oo laba beel kasoo jeeda ayuu dalku soo maray. Si kasta oo loo gedgeddiyo ama dhan kasta oo loo rogaba, caqliga iyo xisaabta noocan ah ma aha mid sina isu qabata cidna lagu qancin karo; gaar ahaan dal ay ku loollamayaan gobollo iyo beelo kala qaybsan, dawlad dhexe oo awood ama talo dalka ku midayn kartana aanay jirin.
  1. Baarlamanka Federaalka iyo Maxkamadda Sare (marka la dhiso lana hawgaliyo) saldhig ha looga dhigo laba xarun oo ku kala yaalla laba dawlad goboleed oo ka baxsan Magaalo Madaxda dalka : Si loo hubiyo in hay’adaha iyo awoodaha dastuuriga ah aanay ku ururin hal degmo ama hal gobol oo keliyaa, waxaa habboon in xarummo kala duwan oo ay ku hawlgalaan looga kala sameeyo dawlad goboleedyo kala duwan. Arrintani waxay suuragalinaysaa in hay’adaha iyo awoodaha dastuuriga ah isu miisaannaadaan kalana madaxbannaannaadaan. Haddii ay hal meelo wada yaallaan, si sahlan ayaa loo cabbudhin karaa ama loo kala diri karaa.
  1. Al-Shabaab wada hadal dhab ah ha lala furo: Mar haddaan laga adkaanin sida muuqatana laga adkaan doonin Al-Shabaab, waa lagama maarmaan in wada hadallo dhab ah, daacad laga yahay, kana madax bannaan gacmo, dano iyo shuruudo shisheeye lala galaa Al-Shabaab.

Halkan ka akhri: Ma la badbaadin karaa qarannimada iyo midnimada Soomaaliya?

Prof. Xasan cabdi Keynaan
Qoraa iyo Khabiir hore ee UNESCO
Email: keynanhassan@yahoo.com

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2018 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.