Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Ma labadaas qabiil baa la simi karaa?

W/Q Sh. Axmed Cabdisamad
Labada qabiil mid waa dad caqli badan, dulqaad badan, qurux badan, waase dad isku darsaday bakhiilnimo, fulaynimo iyo jaahilnimo.
abiilka kale waa waxaa dilootay aqoonyari, gacan-adayg, fulaynimo, waase dad u dhashay garaad, qurux iyo dulqaad.
Waxaa hubaal ah in qabiilka hore kula fiican yahay laakiin ogow labada qabiil tilmaamo isku mid ah ayay leeyihiin, waxaase kala duwan sida tilmaamuhu u kala horreeyaan oo qolada hore waxaan kuu horraysiiyey tilmaameheedii fiicnaa, kolkaas ayaan ku maqashiiyay tilmaameheedii xumaa, waase goor aad wanaaggeeda ogaatay oo u bogsantahay; sidaa darteed ayaysan aad kuu saamayn tilmaamaha xunxun ee aan dib ka sheegay.
Dhinaca kale adiga oo aan qabiilkaan wanaaggiisa waxba ka aqoon ayaan kugu harqiyay xumaantiisa, ka dibna adigoo fikrad xun ka haysta ayaan ammaantiisa kuu sheegay laakiin waa goor aad khayrdaro ka aamintay oo aan wanaaggiisuba aad kuu galayn.
Haddaynu intaa isla fahamnay waxaa inoo caddaanaysa in wax badan oo Soomaali kala aaminsantahay ay ku salaysan yihiin kala hormarinta tilmaamaha la wadaago ee noocaan oo kale ah.
Haddaba si uu u saxmo hakbeegga aynu wax ku miisaamayno waa in aynu tilmaamaha dadkeena isku dhinac ka akhrino ama aynu isku indho ku akhrino ee aynaan ku kala eegin labo muraayadood oo midi weynayso tahay, midina yarayso tahay ama aynaan ku kala fiirin ilcadaawo iyo ilgacal.
Gabagabadii bal qof kasta oo ina ka mid ah dib ha isu barbardhigo labo qof ama labo qabiil ama labo kooxood oo uu horay isu barbardhigay; si uu u hubsado in miisaankiisu saxnaa iyo in kale, isla markaasna aynu isla meeldhigno sidaynu fikradaan ugu adeegsan lahayn xallinta mashaakilka dadkeena dhexyaal ee ku dhisan miisaanka janjeera ama isha weershaha ah.
Sh. Axmed Cabdisamad
Email: [email protected]

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.