Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Ma Siyaasiyiinteenaa Xun Mise Innagoo Dhan Baa Xun?

W.Q. Sh. Axmed Cabdisamad

Eedda oo dhan gumeystaha iyo daba-dhilifka ayaa lahaa. Ka dibna dawladdii musuqmaasuqa ahayd baa yeelatay, dabadeedna kacaankii ayaa dusha u ritay, haddana waxay ku wareegtay qabqablayaasha iyo mooryaanta, waxayna u sii gudubtay wadaaddada iyo maxkamadahoodii, waxaana kala wareegay dawladaha federalka iyo goboleedyada isugu jira. Dabcan eedda kama marnayn Maraykan, Xabashi, IGAD, UN iyo Shabaab.

Haddii la soo duuduubo waxa taariikhdaas dheer dalka iyo dadkaba ka xumaaday eeddeeda, waxaynuna marxalad walba dusha u saarnaa dadka maamullada iyo siyaasadda ku jira ha noqdeen gumeyste kalkaal, ama Soomaali wadata hantiwadaag ama hantigoosi, ama Soomaali wadata qabiil ama gobol, ama Soomaali ku baaqaysa diin iyo shareeco, laakiin waxaa isweydiin leh dadka intaa fara le’eg ee noolaa waqtiayada sidaa u kala fogfog, isla markaasna kala xambaarasanaa afkaaraha iyo mabaadi’da sidaa u kala duwan oo aysan jirin waxay wadaagaan oo aan Soomaalinimada ahayn ma dhabbaa inay dad xun wada ahaayeen mise wax kale ayaa jira?.

Reer Banii Israa’iil oo muddo ku soo jirey gumaysigii iyo cadaadiskii Fircawn iyo qowmkiisa ayaa Ilaahay u soo diray Nabi Muuse iyo Nabi Haaruun oo iyaga ka dhashay, ka dibna wax la soo maraba Ilaahay cadowgoodii wuu halaagay, waxaana lugu amray inay dhulkii barakaysnaa ee Baytal-maqdis galaan oo xilligaas qolo gaalo ah haysteen. Reer Banii Israa’iil maadaama ay muddo dullinimo iyo gumaysi ku soo jireen way ka baqeen inay dhulkaas galaan, waana diideen oo Nabi Muuse waxay ugu jawaabeen: “Annagu waligaya ma galayno inta qoladaasi joogto ee adiga iyo Rabbigaa taga oo la dirira, annagu halkaan idiin sii fadhiyaynaaye!”

Dhacdadaas ka dib Nabi Muuse wuxuu yiri: Rabbiyow cid kale ma heli karo naftayda iyo walaalkay Haaruun mooyee” , kolkaas ayaa Ilaahay Reer Banii Israa’iil ku riday TIIH ama dayow iyo jaahwareer ay iska daba-wareegayaan afartan sano.

Intii lagu jirey afartankii sano ayaa labadii Nabiba dhinteen, ka dibna Ilaahay nabi kale ayuu u soo diray, wuxuuna u xulay boqor hoggaamiya oo dhulka barakaysan gaalada ka saara, wuuna ku guulaystay oo isagoo ciidankii reer Banii Israa’iil hoggaaminaya ayuu dhulkii weeraray, intii uu dagaalku socday ayaa qorraxdii gaabatay, kolkaas baa Ilaahay u istaajiyey socodkii qorraxda ilaa uu magaaladii qabsaday.

Culimadu waxay yiraahdeen Ilaahay ummad wanaagsan buu u hiilliyaa ee ummad xun oo dad wanaagsani ku dhex jiraan uma hiilliyo; waayo haddii hiilka Ilaahay lugu heli lahaa dad wanaagsan oo ummadda ku dhexjira reer banii Israa’iil ayaa Ilaahay u hiillin lahaa; waayo waxaa ku dhexjirey Nabi Muuse oo ka mid ah nabiyaasha Ulu-cazmiga la dhoho ee shanta ah iyo nabi Haaruun oo ka mid ah nabiyaasha waaweyn ee 25ka ah ee Qur’aanka lugu xusay. Ku dhexjirkoodana reer Banii Israa’iil guul kuma helin ee waxaaba lugu ciqaabay afartan sano oo iska daba wareeg ah, waliba ciqaabtaasna nabiyaashii lagama saarine ummaddoodii ayay kala mid ahaayeen.

Culimadu waxay kaloo yiraahdeen markii ummaddii hagaagtay Ilaahay wuu u hiilliyey iyagoo uu hoggaaminayo Nabi ay ka fadli badanyihiin Nabi Muuse iyo Nabi Haaruun. Kaaga sii darane Ilaahay wuxuu dartood u badalay nidaamkii dunidu ku shaqaynaysey oo wuxuu u hakiyay socodkii qorraxda; si ay magaalada u qabsadaan.

Gabagabadii hadalkayga macnihiisu maaha siyaasiyiintu way wacanyihiin ee shacabkaa xun, ee waxaan u jeedaa Ilaahay guusha ummad wanaagsan oo mutaysatay ayuu siiyaa ee aynu isu diyaarino in aynu noqono ummad hiilka Rabbi mudan; waayo haddaynu maantoo dhan madax wanaagsan raadino innagoo aan waxba iska keen badalin guul ku gaari mayno xataa haddaynu madaxda u fiican helno, illaa madaxda fiicani marna Nabi Muuse iyo Nabi Haaruun gaari maayaane, iyagana dhexjoogistoodii iyo hoggaankoodii wax guul ah luguma gaarin; shacabkoodoo xun awgi.

W.Q. Sh. Axmed Cabdisamad
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.