Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Slideshow

Maanso “Waxa Saado loo diley”

W/T Abwaan Maxamuud Axmed Cabdalla (Shiine)

Marka hore waxaan dhamaan salaamayaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto. Bisha barakaysan ee Ramadaan ee gebegebageedii lagu jirona waan ugu bishaaraynayaa. Marka xiga waxaan aad uga murugaysanahay dilka bahalnimada ah ee loo geystey AHN Xildhibaan, fannaanad qaran Saado Cali Warsame oo gacan ka xaqdarani Muqdisho ku dishey,  maalin ay soomman tahay. Saado waxay ahayd sumad qaran oo aan shaki ku jirin; waxay ahayd halyay qaran oo ku caan baxday insaannimo, Soomaalinnimo iyo geesinnimo ay ku mutaysatay ficilkeedii caddaa ee ay ku muujin jirtay dhibaatooyinka shacabka soo gaadha meel kasta ha joogeene.

SaadoSaado Cali Warsame (AHN) waxaan ahayn walaalo, asxaab. Waxan u lahaa aqoon dheer, markii iigu dambeeyey ee aan wada hadalno waxay ii sheegtay, “Muqdisho ayaan ku laabanayaa, waxaanse u baahanahay inaan helo cid sugta nabadgelyadayda. Waxa jira dad aan dhul isku haysanno. Mar aan gurigaygii oo dad kale deggan yihiin tegey hadda ka hor, waxaan weydiiyey dadkii guriga degganaa, inay I garanayaan iyo inkale, waxayna iigu jawaabeen haa waa ku naqaan oo waxaa tahay Saado Cali. Meesha weji xun ayaa nala tusay, waana iskaga tegey. Bal maxkamadda ayaan rabaa inaa kala quusto si ay dadkaa iiga saaraan hantidayda,”

Maansadan waxa Saado loo diley waxay daarran tahay waxyaabaha cad ee keenay in Saado la dilo, ha noqoto hantida laga haystay, heesaha waddaniga ah ee ay sida isdaba joogga ah u qaadaysay sannadihii u dambeeyey nolosheeda. Waxa kale oo taa dhinac yaal siday uga go’nayd soo noqoshada dawlad Soomaaliyeed oo midnimo.

Akhris wanaagsan Maansaduna waa dareenka aan ka qabo cidda ka dambaysa dilka Saado Cali Warsame (Xiddigtii Qaran ee Soomaaliya, Hooyo Qaran Soomaaliyeed), ilaahay jannadii fardowsa ha ka waraabiyo. Akhris wanaagsan.

Waxa Saado loo diley
Soomaalinnimadiyo
Sumaddaada baabi’i
Calankaa sifada wacan
Suuraddiisa xidhan tahay
Sumcaddiisa liidoo
Kaan sidanno sara yeel 

Waxa Saado loo diley
Sawd xaqa u baaqiyo
Suugaanta heesaha
Runta siisan maynee
Su’aalaadka naga daa
Soomaali dhimataye
Rajadeed ha soo celin 

Waxa Saado loo diley
Islaam saxa ayaan ahay
Sinjigay Wahaabiya
Seed igama soo galo
Sahal laysu gawraco
Soomaaliyeed daa 

Waxa Saado loo diley
Soo  noqdaye dadweynoow
Saldhiggaygu waa Xamar
Hoygaygii saakaba
Iiga saara Mooryaan 

Waxa Saado loo diley
Soomaali waa qaran
Dhulka yaan la soo gelin
Badda yaan la siin cadow
Cirka yaan sedkeennii
Simbiilaadka lagu guran 

Waxa Saado loo diley
Dadka Sool Sanaag dega
Silic iyo dhib yay mudan
Gardarradu xaqsoor maleh
Soomaaliya nin diidoow
Soone kale u diga rogo 

Waxa Saado loo diley
Soomaaliya midnimadeed
Sadho yaanay noqonoo
Sirta cadowgu meel marin
Soomaaliya nin diidoow
Soone kale u diga rogo

Abwaan Maxamuud Axmed Cabdalla
Email:[email protected]

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.