Warsaxafadeed
Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay Amniga Puntland, Ilaalinta xuquuqda Ciidanka, Ansixinta xeerka Habka Hubinta Badeecadaha, Ka Hortagga khatarta kaallimaha shidaalka ee Magaalooyinka waaweyn iyo Ansixnta Xeerka Shaqaalaha Rajidka ah ee Puntland.
Amniga Puntland:
Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa caddeeyay in amniga Puntland uu wacan yahay, waxayna laamaha amnigu ku hawlan yihiin ka hortagga khatarta cadowga, waxaana ka socda magaalooyinka waaweyn baaritaano joogto ah, Isla markaana wuxuu Madaxweynuhu u sheegay Wasaaradda Amniga inla ilaaliyo xuquuqda ciidanka ku dhinta hawl-galka dalka.
Ansixinta Xeerka Habka Hubinta Badeecahada:
Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa maanta Ansixiyay xeerka Habka Hubinta Badeecadaha dalka soo gelaya si looga hortago waxyeelada badeecaha dhacay iyo kuwa sumaysan.
Ka Hortagga Kharta Kaallimaha Shidaalka:
Golaha xukuumadda Dawladda ayaa ka dooday sidii si dhamesytiran loogu fulin lahaa dhammaan go’aamadii goluhu kasoo saaray kharta kaallimada shidaalka oo ku soo badanaya magaalooyinka waaweyn, wuxuuna Madaxweynuhu faray dhammaan wasaaradda ay khusayso go’aamadaan in ay si dag dag ah uga hawl-galaan.
Ansixinta Xeerka Shaqaalaha Rayidka ee Puntland:
Golaha Xukuumadda Dawladda ayaa maanta Ansixiyay xeerka shaqaalaha rajidka ah ee Puntland, xeer kaan oo xoojinaya horumarinta shaqaalaha Dawladda Puntl
Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Dawladda Puntland
E-mail: – [email protected], [email protected]
Website: www.plstate.so
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.
WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.
WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.
Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved