Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweynaha dawladda Puntland oo si kumeel gaara u magacaabey guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Boosaaso

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 01 March 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu lagu magacaabay Guddoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka ah ee kumeel gaarka ah ee Degmada Boosaaso.

Xeer Madaxweyne Lr.32 March 01, 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Kumeel Gaarka ah ee Degmada Boosaaso.

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu arkayDastuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgaliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto shaqada maamulka Degmada Boosaaso.

Marku QiimeeyeyTala soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer miyiga.

1.Waxaa Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan si ku meel gaara loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Boosaaso.

2.Waxaa Siciid Cabdirxmaan Maxamed si ku meel gaar ah loogu magacaabay ku – Xigeenka Guddoomiyaha Degmada Boosaaso.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

Dhamaad

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-Gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanke ee Madaxtooyada Puntland


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.