Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle oo soo dhisay dowlad balaadhan

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha maamulka goboleedka Hirshabeelle  Md. Maxamed Cabdi Waare, ayaa soo dhisay golaha  wasiirrada cusub ee maamul goboleedka Hirshabeelle, oo ka kooban 57 xubnood.

Golaha cusub ayaa isugu jira:
b) 20 Wasiir
t)  20 Wasiir ku xigeen iyo
j) 17 Wasiirru Dowle.

Md. Maxamed Cabdi Waare

Wasaarradaha la soo dhisay, ayaa waxaa ka maqan, Wasaarrada Haweenka iyo  Horumarinta Xuquqda  Aadanaha, iyada oo golaha wasiirrada cusub ay ku jiraan xubno horay xilal u soo qabtay.

Hirshabeelle oo ah maamul goboleedkii ugu danbeeyay ee la dhiso, islamarkaana uu dhaqaalihiisu aad u liito, ayaa  baaxadda golaha wasiirrada oo ah 57, ay tahay mid aad u balaadhan, oo culeys ku keeni karta dhaqaalaha iyo hufnaanta shaqada adeega dadweynaha.

Waxa kale oo iyana jirta isla markii la soo saaray magacyada wasiirrada  cusub, in Md. Ismaaciil Maxamed Culusow oo loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarrada Boostada iyo Isgaarsiinta, uu sheegay inuu iska casilay xilka loo magacaabay.

Md. Ismaaciil Culusow ayaa sheegay sababta uu isku casilay in ay tahay isaga oo aan  lagala tashan xilka uu Madaxweynaha Hirshabeelle u magacaabay, oo ah Wasiirru Dowlaha Boostada iyo Isgaarsiinta.

Maxamed Cabdi Waare ayaa 16 Sebtember, 2017, loo doortay madaxweynhii labaad ee maamul goboleedka Hirshabeelle.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.