Tuesday, April 16, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Cosoble: “Marna Ma Aqbaleyno In Hirshabelle Cunaqabateyn La Saaro”

adaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo shir jiraa’id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kaddib safar uu kaga yimid Magaalada Bula Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa kaga hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira Qaadkii labadii maalin ee la soo dhaafay ka dagayay Magaalada Jowhar, hase ahaatee maanta aan ka dagin, iyo socdaalkii uu ku tagay Bula burde iyo waxa uga qabsoomay safarkaasi.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo ka hadlay diyaaradihii qaadka ee labadii maalin ka dagayay magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka, isagoo sheegay in uu soo dhoweeynayo  cid kasta oo rabtaa garoomada Hirshabeelle in badeecadahooda ay ka dagsadaan ayna soo dhoweynayaan, waxaana uu sheegay in uu maqlay in amar ka soo baxay Dowladda lagu joojiyay in diyaaradaha qaadka aynan ka dagi Karin Jowhar, Misana aynan aqbali Karin in la cuna qabateeyo Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa sheegay markii uu maqlay amarka diyaaradaha qaadka lagaga joojiyay Jowhar in uu wacay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre misana uu wax ka weydiiyay amarkani, Ra’isul wasaaruhuna uu sheegay in uu  wax ka ogeyn marka xafiisyo hoose oo Dowladda ah  ayaa arrintaa ka dambeeya baaritaan ayaana socda xafiiska ay ku cadaatana ayuu madaxweynuhu carabka ku adkeeyay in ay la xisaabtami doonaan oo waxa uu Dastuurka uu qabo ay ku kala bixi doonaan.

“Waxaan Sharci eheyn Cidna nagulama dhaqmi karto, Waan ogahay shaqsiyaad daneynaya oo dhahaya ma dhaceyso oo suuqyada ku hayo Ceelmacaan in la furaa ma dhaceyso Garoonka Jowhar iyo cisaley in Badeeco ka soo dagtaa ma dhici karto, shaqsiyaad raba in ay ku owr kacsadaan dano ay leeyihiin Mas’uuliyiina sheeganaya waa ay jiraan, Laakiin xaqiiqda waxay tahay dalku Dastuur ayuu leeyahay dastuurka ayayna tahay in lagu dhaqmaa” Sidaasi Waxaa Yiri Madaxweyne Cosoble.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle oo sii hadlay ayaa sheegay in aynan jirin Dowlad goboleed Dowlad goboleed kale ka xuquuq yar, haday dhacdo in go’aano Hirshabeelle ka dhan ah la soo saaro taasi waxay dhaawaceysaa Midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya, waxay meel uga dhici doontaa Xuquuqda Dadyowga Reer Hirshabeelle, waxaana uu carabka ku adkeeyay in laba dowlad goboleed Mid Dekado iyo Garoomo ay leedahay, Caalamkana Heshiisyo La Galeysa, Midna Maya La dhaho Midna loo fasaxo  Diyaaradaha Qadka Midna Diyaarado Kama dagi karaan la dhaho Marna Ma aqbaleyno In la cuna qabateeyo Hirshabeelle.

“Waxaan Xaqiijineynaa Cuna qabateynta Hirshabeelle Lagu rogay cid kasta oo ku soo rogtayna Maxkamad ayaan la fuuli doonaa Xaqiiqdi waxay tahay Hirshabeelle laguma xadgudbi karo sida aan loogu xadgudbi Karin dastuurka, Dastuurka ayaa siinaya awoodaha uu leeyahay Dowlad goboleedka, Cidna Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Xuquuqdeeda kuma tuman karto” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa faah faahiyay socdaalkii uu ku tagay magaalada Bula burde uu sheegay in safarkaasi guul uu ugu soo dhamaaday islamarkaana shil ka dhacay halkaasi oo ay geysteen rag ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ay dileen askari ka tirsan Ciidamada Jibuuti Askarigii, gacan ku dhiiglihii dilayna Shalay la toogtay kaddib markii uu dagaalamay Ragii kale ee falka la geystayna Maxkamadda Ciidamada ay ku xukuntay Xukun cadaalada ah oo ay raali ka yihiin.


Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle

Directorate Of Media & Public Relation Director Of The President Hirshabeelle State Of Somalia


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.