Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Baydhaba halkaas oo maalinta berri ah uu si rasmi ah uga furmayo Shirka Golaha Amniga Qaranka.

Shirkan oo saddexdii biloodba mar la qabto waxaa looga hadli doonaa amniga guud ee dalka, hannaanka federaalaynta, wadaaga khayraad dalka iyo tayeynta iyo isku dhafka ciidamada.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha ayaa yiri “Shirkii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho bishii Febraayo waxaa lagu go’aamiyay in shirka xiga lagu qabto magaalada Baydhabo. Dowladda waxay ku hanweyntahay in shirkani ay kasoo baxaan natiijooyin wanaagsan oo sii dardargelinaya arrimaha amniga, federaalaynta dalka, khayraad wadaaga iyo in dalka lagu soo dabbaalo siyaasad deggan oo ku dhisan wadatashi.”

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Shaati Guduud kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed iyo shacabka magaalada Baydhabo.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada JFS


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.