Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigey Dekedda Magaalada Hobyo

Hobyo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gaaray magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, ayaa dhagax dhigay dhismaha Dekedda Hobyo iyo waddo laami ah oo isku xiri doonta magaalooyinka Hobyo, Cadaado iyo Caabudwaaq.

Farmaajo oo Hobyo gaadhay

Madaxweynaha oo uga mahadceliyey shacabka isugu soo baxay soodhaweyntiisa ayaa sheegay in Hobyo oo deked ay saldhig u noqoneeyso horumarka Galmudug iyo guud ahaan Gobollada Dhexe ee dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kahor inta uusan gaarin Hobyo, waxa uu ku hakadey magaalada Cadaado, halkaas oo uu kulamo wadatashi ah kula qaatay odayaasha dhaqanka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa wadatashiyo uu la yeeshay Madaxda iyo Wax-garadka Galmudug, waxa uu sheegay in Baarlamaanka Galmudug uu kusii shaqeynayo magaalada Cadaado, isagoona ugu baaqay culimada, odayaasha dhaqanka iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug in ay sii amba qaadaan dadaallada lagu xallinayo tabashooyinka bulsho ee deegaanka, si loo xaqiijiyo maamul horumarsan oo ka tarjumaya Galmudug oo mideysan.

“Waxaan rabnaa in aad ogaataan in aan la idin ka tagin, Baarlamaanka Galmudug halkan ayuu ku sii shaqeynayaa. Sidoo kale Wasaaradaha Dowladdu waxa ay ku shaqeynayaan halkan iyo deegaanno kale oo kamid ah Galmudug, annagoo taas uga dan leh in uu noqdo maamul la wada leeyahay.”

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey wax-garadka iyo masuuliyiinta Galmudug sida ay ugu heellanyihiin wada-hadalka, isu tanaasulka iyo is-ogalaanshaha, taas oo horseedaysa midnimo iyo wadajir.

Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigey Dekedda Magaalada Hobyo

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhagax dhigey dhismaha garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado. Halka uu dhagax dhigey Xabsi Dhexe oo laga hirgelinayo deegaanka Bangeelle oo hoos yimaada degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tobankii maalmood ee u danbeysay ka wadey gobollada Mudug iyo Galguduud, dadaallo iyo wadatashiyo ku saabsan dardargelinta Nabadeynta iyo dib-uheshiisiinta, oo asaas u ah socdaalka uu Madaxweynuhu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir

Cabdinuur Maxamed Axmed 
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, 
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 
E-mail:[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.