Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Farmaajo oo guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka

Muqdisho, Disembar 03, 2017; Muqdisho, 03 Diseembar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagu gorfeeyey xaaladda amni ee dalka, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo mideynta qorsheyaasha lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah.

Madaxweyne Farmaajo

Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee qaybta ka ahaa shirkan ayaa iyaguna madaxda qaranka u soo bandhigay halka ay marayaan qorshayaasha dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xogta ku saabsan howlgallada socda ee dalka lagaga sifaynayo Al shabaab.

Shirkan waxaa ka qayb galaya xubnaha Golaha Amniga Qaranka oo ka kooban Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Galmudug oo howla shaqo oo kale u cudur-daartay

DHAMMAAD-

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail:[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.