Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Farmaajo oo Kampala kaga qeyb galaya shir ku saabsan istaraatiijiyadda xoojinta Ciidanka Soomaaliya

Muqdisho, : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo Maalinta berri ah uu ka furmi doono shir ku saabsan istaraatiijiyadda xoojinta Ciidanka Soomaaliya.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa iskaashiga dagaalka ka dhanka argagixisada Alshabaab, tayeynta Ciidanka Soomaaliya iyo xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa AMISOM.

Madaxda dalalka ciidamdu ay ka joogaan Soomaaliya, xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, Madax ka socota Beesha Caalamka, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa ka qeyb gelaya shirkan, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu u hor dhigo doono qorshe Soomaaliyeed oo ku qotoma ammaanka iyo dib u dhiska ciidamada.

Madaxweynaha oo maalmihii u dambeeyey kormeer ku tagay xarumaha Gaashaandhigga, Nabad Sugidda iyo Booliska ayaa kala hadli doona Beesha Caalamka in ay kala shaqeeyaan hir gelinta istaraatiijiyaddan, maadama ay ka tarjumeyso rabitaanka dhabta ah ee Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh C/raxmaan oo ka mid ah wafdiga Soomaaliya uga qeyb galaya shirka ayaa yiri “Shirkan waa mid muhiimad gaar ah u leh qorsheyaasha la xiriira dib u dhiska ciidanka, iyadoona DFS ay u gudbineyso Madaxda shirkan qorshe cad oo ku saabsan sidii ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen masuuliyadda difaaca dalkooda, taas oo Madaxweynuhu ka codsan doono in ay ku taageeraan.”

Sidoo kale, inta uu shirku socdo waxa jiri doona shirar-doceedyo uu Madaxweyne Farmaajo la yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda iyo masuuliyiinta ka soo qeyb galaya shirka, iyadoona uu kala hadli doono sidii ay u dardar gelin lahaayeen taageerada ay ku siiyaan DFS dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab .

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeyb gelaya Shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh C/raxmaan, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod, La-teliyaasha Madaxweynaha ee dhanka Amniga Qaranka iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka.

Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Xafiiska Madaxweynaha JFS


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.