Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Farmaajo oo Si Rasmi ah ula wareegay Xafiiska

Muqdishu- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si rasmi ah xilka uga la wareegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud keddib xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

  Intii ay xilwareejinta socotay ayaa madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku wareejiyay Faylka Qaranka Madaxweynaha cusub Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Xil wareejinta kadib, madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo, ayaa uga mahadceliyey madaxweynihii hore dedaalkiisii uu dalka ku soo hoggaamiyey afartii sanno ee uu xilka hayey, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay u bilaabatay waqti cusub oo shaqo adag laga sugayo xukuumaddiisa,

Mdaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in loo baahanyahay in shacabka Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan dowlad dhisidda Soomaaliya oo loo baahanyahay wada shaqeyn dhab ah oo ay yeeshaan shacabka iyo dowladda.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka rabaa in ay fahmaan sida dowladda ay ugu baahan tahay taageeradooda,. Waxaa lagama maarmaan ah in dowladda la siiyo waqti ku filan. Waxba kuma qaban karno bilo kooban laakiin waa inaan is cafinnaa oo aan u istaagnaa nabad-galyada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Dowladdu waa dowlad shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha dalka, ayaa u mahadceliyey beesha caalamka sida mar walba ay uga go’an tahay garab istaagga Soomaaliya, waxa uu ballan-qaaday in shacabka Soomaaliyeed uu u soo dhisi doono dowlad hanata kalsoonidooda, isla markaana la tartanta caalamka laakiin shacabiga Soomaaliyeed ayuu u sheegay in iyagana looga baahan yahay in la tartamaan dadyowga kale ee aasaagooda ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u mahadceliyey dhammaan hey’adaha dowladda, ciidammada Qalabka sida AMISOM, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka oo uu xusay in la’aantooda aan la soo gaari lahayn marxaladdan dimoqoraadiga ah.

DHAMMAAD

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.