Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Tayyib Erdogan oo Maanta si Diirran loogu Soo Dhaweeyay Muqdisho (sawirro)

Hasaan-iyo-ErdoganMuqdisho, Jan. 25, 2015 (WDN)- Magaalada Muqdisho ee xarrunta dalka Soomaaliya, waxaa manta si diirran loogu soo dhaweeyay Madaxwynaha Turkiga iyadoo oo maalmihii tagay si aad ah loogu sii diyaar garoobayay  booqasha waftigan.

Diyaaradda sidday Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan, ayaa soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo uu Salaan Sharaf halkaas kaga qaatay ciiddanka qalabka Sida ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Turkiga, ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo astaanta muusikada labada waddan halkaas laga  garaacay. MadaxweyneTayyib Erdogan  ayaana Xariga ka jaray isaga oo u mahadceliyay shirkadda dhistay qayb cusub oo lagu kordhiyay Garoonka Aadan Cadde, waxaana uu markii uu xariga ka jarayay ku bilaabay magaca Alle, iyadoo uu dhinac taagnaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xilliga uu xariga ka jarayay dhismaha cusub garoonka.

Dhanka kale Madaxweynaha Turkiga Erdogan, ayaa isla maanta si rasmi ah xariga uga jaray Isbitaalkii Digfeer ee ku yaal degmada Hodan oo dib udhis casriya lagu sameeyay, kaasoo hadda loogu magac daray madaxweynaha Turkiga, iyadoo Isbitaalkan ay si casri ah u dhiseen una qalabeeyeen Turkiga.

 Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in mashaariicda uu Turkiga ugu tala galay Soomaaliya ay tahay mid bilow ah, isla markaana ay sii socon doonto.

Wasiirka Caafimaadka Turkiga Mehmet Müezzinoğlu oo qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha Turkiga, ayaa isna sheegay in isbitaalo kale ay dib u dhis ku sameyn doonaan, taasoo uu xusay inuu qeyb ka yahay dib u dhiska Soomaaliya.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in ay heshiisyo kala saxiixan doonaan inta ay Muqdisho joogaan wafdiga mar uu u waramaayay Idaacada dowladda ee Radio Muqdisho.

Dawladdu Turkiga ayaa ilaa hadda ah dawladda keliya ee mashaariic horumarineed oo la xidhiidha dhinaca adeegga bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ka hirgelisay Soomaaliya siiba magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

inkastoo hanti fara badan ay beesha caalamku ugu yaboohday Soomaaliya haddana wax la taaban karo oo ilaa hadda ka soo gaadhay ma jirto maadaama ay beesha caalamku shaki weyn ka qabto sidii ay hantidaasi u noqon lahayd mid lagu fuliyo waxyaabihii loogu talagalay ka dib markii ay ka aamin baxeen dawladda Soomaaliya oo eeddo musuqmaasuq iyo lunsashada xoolaha ummaddu hadheeyeen, kuwaas oo raadkoodu galay xarrunta dalka looga arrimiyo ee villa Soomaaliya.

Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews, Muqdisho

10924751_878077892212860_1484154895600415236_n

 

10945005_878077888879527_3499763748979033697_n

 

Digfeer-1

Digfeer-2

 

soo-dhoweyn


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.