Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Maqaallo
  • Slideshow

Madaxweyne Xasan: Faarax ama Fadlan i Dhaaf

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

PM AbdiwaliMuran iyo ismaandhaaf baa hadheeyay dhammaan hay’adihii dastuuriga ahaa ee qaranka Soomaaliyeed. Golihii xukuumaddu laba kooxood bay u kala safteen, madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaruhuna salaanta iskama qaadaan. Baarlamaankii buuq iyo balaayo, ayaa ka dhex aloosan sababtay in ay kullamadoodii qabsoomi waayaan, Maxkamaddii Sare ee kala saari lahaydna horaa geed la iskaga xidhay. Beeshii caalamka baaqyadoodiina waxay noqdeen barkumataal.

Bulshaweyntii Soomaaliyeedna beelaysigii iyo boogihii la dhayayay baa dib u bukooday. Hiigsigii iyo himiladii hannaanka dawladnimo ee la naawilayay, ayaa iyana hagaasay. mustaqbalkii ummadduna mugdi buu galay.

faarxiyoxasanMashaqada iyo masiibadda ina haleeshay meel keliya, ayaa loo aanaynayaa. Waa muranka soo kala dhexgalay madaxweyne Xasan iyo ra’iisalwasaare Cabdiweli. Waa muranka ubucdiisu tahay Faarax ama fadlan i dhaaf. Haa Faarax Sheekh Cabdulqaadir ama sida ay dadka qaarkiis ugu yeedhaan Faarax Sakiin. Hoggaamiyaha Damul Jadiid. Wasiirka xannaanada Xoolaha, waa xilka ra’iisalwasaaruhu ku ogyahay ama wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka sida uu isu haysto, madaxweyne Xasan Sheekhna ku waafaqsanyahay.

Waa shakhsi markii madaxweyne Xasan la maqlay uun isna la maqlay. Madal walba iyo mar walba wuu agtaagnaa. Waa saaxiibka koowaad ee madaxweynaha. Waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay ninkii sababay in madaxweyne Xasan Villa Soomaaliya dhex fadhiisto. Wuxuu ku magacwnaa wasiir haseyeeshee shaqada uu qabtaa way ka weyntahay mid wasiir.

Dadka qaarkii waxay ku sheegaan inuu yahay madaxweyne aan la dooran. Kuwo kale waxay ku tilmaamaan ra’iisalwasaaraha dhabta ah, halka inta u tudhaysaana ku sheegaan wasiir awood badan.

Si kastooy tahayba waa wasiir gaara oo ka duwan, kana awood badan wasiirrada kale iyo xataa mararka qaarkood ra’iisalwasaaraha.

Waxa uu ahaa dadkii muddadii qaran jabka, Soomaalida baahan iyo shuyuukhda khaliijka ee dheregtay kala dilaali jiray. Waa nin khabiir ku ah sida sadaqada looga soo ururiyo waddamada khaliijka.

culusowHantidaa la soo dhowrtaystay, ayaa la sheegaa in lagu maalgeliyay doorashadii madaxweyne Xasan oo xlidhibaannada aan xishoon laaluush loo siiyay. Sidaadarteed saaxiibtinimada kasokow waa nin abaal weyn ku leh madaxweynaha.

Waa ninka maskaxda u sida Xasan Sheekh, taageerayaashiisuse way diiddaan arrintaas, waxayna sheegaan inuu yahay keliya saaxib dhow oo daacad ah lana taliya madaxweynaha. In lala taliyo madaxweynuhu waa arrin fiican haseyeeshee waxaa nasiib darro ah in loo taliyo. Waa taa midda uu sameeyo Faarax. Waa maskaxda, indhaha iyo dhegaha madaxweynaha.

Cidda ra’iisalwasaaraha laga dhigayo isaga ayaa soo xulo. Ra’iisalwasaarihii ay iskhilaafaana isaga, ayaa erya, waxaanu hadda ku hawlanayahay xulashada ciddii lagu bedeli lahaa ra’iisalwasaare Cabdiweli. Waxa uu aaminsanyahay in mushkilad walba lacag lagu furdaamin karo. Mooshin buu markiiba abaabulaa isagoo adeegsanaya hantida uu madaxda khaliijka ka soo ururiyo.

Ra’iislwasaarihii hore ee ay Damu Jadiid ku dul shaqaysan jirtay, Md. Saacid Shirdoon ka dib markii ay iskhilaafeen isaga, waxaa khasab noqotay in uu baarlamaanku eryo.

Xasaradda hadda ka dhexjirta madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaruhuna sida aynu la wada soconno waxay ka dhalatay ka dib markii wasaaraddii uu ka hawlgalayay laga wareejiyay loona bedelay wasaarad kale oo aanu la dhacsanayn. Taasi ma ahan wax aan iska mal’awaalayno haseyeeshee Ra’iisalwasaare Cabdiweli Sheekh laftiisa ayaa ka maragfuray.

Xurguftii ka dhalatay arrintaasi waa ta maanta wiiqday hay’adihii dastuuriga ahaa ee qaranka Soomaaliyeed. Waa ta beesha caalamka ku kaliftay in ay indho shaki leh ku eegto meesha ay wax u socdaan.

QARANMa ahan wax innagu cusub tan iyo wixii ka dambeeyay dawladdii Carta isqabqabsiga madaxweynaha iyo ra’iisalwasaarahu, haseyeeshee midda haatan waa ka geddisantahay wixii hore u dhici jiray. Waxa ay hadda arrintu taagantahay qaran qof dartii loo duminayo. Waa qof qaranimadii iyo mustaqbalkii ummadda laga doorbidayo

Waxay ila tahay in madaxweynaha iyo Faarax midna aanay sharaf u ahayn waxa hadda taagani. In madaxweynaha lagu eedeeyo inuu qof dartii qarankii u burburinayo waxay ku tahay fadeexad iyo sumcad xumo weyn. Sidoo kale in Faarax lagu eedeeyo in dartii waxaas oo dhib ahi u dhacayaan isna waa u sharaf darro.

Madaxweynuhu wax badan buu ku dadaalay in uu gudo abaalka saaaxiibkii Faarax, haseyyesshee xaalku waxa uu gaadhay hadda xilli aanay shacabka badidiisu u dulqaadanayn habdhaqanka Faarax.

Sidaadarteed sii ag joogga Faarax, madaxweyna Xasan dhib mooyee xillagan wax dheef ah uma laha. Haddii uu rabo madaxweynuhu inuu dhammaysto inta uga dhimman xilliga xilka loo igmaday, waxaa habboon in uu ul dheer iskaga fogeeyo Faarax iyo fidna wadayaasha kale ee Damul jadiid.

Haddii aanu Faarax iska fogeyn, isaga ayay shacabku iska fogeyn doonaan.

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.