Tuesday, March 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Opinion

Mahadhadii Maxammad Nuur (Qaybtii 4aad)

Qore: Maria von Tilin
Tifatirkii: Bodhari Warsame

Dhalasho iyo Korriimo

” Anigu waxa aan ku dhashay Guban, meesha Bixin la yiraahdo. Aabbahay fardo badan ayuu lahaa berigii hore, waxaana aan ku garaadsaday iyada oo dhowr iyo labaataneeyo fardo ahi joogto. Markii uu walaalkay gaashaanqaad noqday ayuu duulay, col walba raacay, oo faras walba oo laga quustayba isaga loo keenay. Markaa ayaa dadkii oo dhammi bartay oo wax magaciisa haya ma ahee wax kale laga waayay. Iyada oo ay sidaa tahay ayaa aabbahay dhintay.

Aabbahay dhimashadiisa waxaa u sabab ahayd: isaga iyo walaalkay, ayaa waxa ay fardo u arooriyeen meel Biyo-dhiig [Ballidhiig?] la yiraahdo. Walaalakay ayaa hoostii [ceelka] galay, markaas ayaa aabbahay arkay bii’adu in ay dumayso. Markaas ayuu aabbahay yiri ”ka soo bax aniga ayaa hoosta gelayee.” Walaalkay wuxuu yiri, ” iska daa anigu hoosta aan ku jiree”. Kolkaa ayuu aabbahay ku dhaartay in uu isagu hoosta u degayo. Walaalkay guudkii ayuu u soo baxay oo aabbahayna hoostii u degay. Kolkii uu xoogaa yar hoostii ku jiray ayaa ceelkii dumay. Markaas ayuu walaalkay qayliyay oo labaatameeyo nin isu timi. Ceelkii ayay qodeen oo soo baxsheen isaga oo suuxsan oo gurigii u qaadeen. Dabadeed habeenkiiba waa dhintay. Markaa anigu waxa aan la jiray ayeeyaday oo waxa aan ahaa nin carruur ah. Ayeeyaday ayaa maqashay in aabbahay ceel ku dumay, markaas ayaannu gurigii aadnay. Aroortii ayaannu gurigii tagnay, iyada oo uu dhintay, Alle ha u naxariistee, oo dadkayagii iska wada tiiraanyaysanyahay. Markaas ayaa xoolo badani naga baxeen, geenyo dheerayn jirtay oo aannu lahayn na la kala tegay, awr badanina naga hallawday oo waraabe wada laayay. Markii laba sano ay ka dambaysay [geeridii aabbahay] ayaa hooyaday malcaamad igu dartay.

Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed

Dhulkayaga wax ka wanaagsani ma jiro haddii roob badani ku da’o, roob la’aan ayaa se Ilaahay ugu dowgalay. Soomali raggeedana rag la mid ahi ma jiro, waa se rag aan talo lahayn. Awal baa nin Ingiriis ahi yiri; ”Soomaaliyi waa rag aan talo lahayn, Carabina waa dumar talo leh”. Soomaaliyi wax aan waxba ahayn ayay ku dagaallantaa. Haddiise ay talo leeyihiin qabiilo la mid ahi ma jirteen, waa haddii ay is maqlayaan. Ninba nin ayaanu maqlayn, oo nin walba in uu isagu taliyo ayuu doonayaa. Intii aan dhulkayagii jiray dagaallo ayaan ku jiray; dagaalladaasuna waxa ay ka dhici jireen wax aan waxba ahayn.

Beri ayaa jiilaal xumi dhacay. Jiilaal culus ayuu ahaa oo xoolo badan ayaa abaari naga laysay. Markaas ayaa gugii hooray oo Saraar ka hooray. Kolkaas ayaa Ilaahay dad isugu keenay. Markaasaa maalin walba lagu dagaallamay oo qawda la iska saaray. Qoladayadii iyo qolo kale ayaa is laayay oo si xun la isu dilay. Qoladayadii waxaa laga dhaawacay sagaal iyo toban nin, qoladii kalena waxa aannu ka dhaawacnay shan iyo labaatan nin. Saddex iyo toban waxa ay ahaayeen dhaawac xun, laba iyo toban ninna waxa ay ahaayeen dhaawacyo yaryar. Nin waxaa ku dhacay dhegaley, ninna waxaa madaxa kaga dhacay billaawe; ninkaas iyo nin kale waxa ay ahaayeen dhaawac xun. Nin kale isagana waxaa feeraha kaga dhacay dhegaley. Ninkaasi waxa uu ahaa nin il xun. Dhegelayda waa lagu soo qalay, ninkaasina nin nolol loo malaynayo ma ahayn.

Hayaankii Galbeed

Beri ayaannu meel Galbeed la yiraahdo qabannay [u hayaannay], waxaana noogu wacnayd barwaaqo ayaa ka dhacday. Dabadeed go’doon ayaannu galnay. Markaa ayaa waxa la yiri; “waa tan oo hadda go’doon ayaynnu ku dhacnay ee geela aynnu hore u dirno oo reerkana ka daba rarno. Markaas ayaa misana la yiri; “bal horta aannu dhowr casho geela sii wadanno”. Markaa ayaannu guurnay. Kolkii aannu afar dharaarood iyo afar habeen sii dhaxnay ayaannu degnay meel Aroori la yiraahdo oo haddana la yiri; “waa tan oo hadda waa go’doon e, geela hore inoo ka sii daaya”. Kolkaa ayaa geelii iyo raggii badankiisii hore loo diray. Markii geelii saddex habeen sii maqnaa, ayaa laba nin oo faras ah [fardo ku jooga] laga daba diray oo la yiri; “aan dib u guurno, waa tan oo hadda dadkii fogaaye”. Kolkii ay laba casho ka dambeysay oo aanu geeli wali soo noqon ayaa safar Cali Geri ah oo nin walaashay qabaa la socdo na soo maray. Waxa uu na yiri; “meesha ka taga, waa cabsi e”. Markaas ayaa waxaa la yiri; “annagu waa ka tageynaaye waxa aannu sugeynaa geelayagii oo aannu hore u dirnay”. Safarkii waa iska guuray. Kolkaa ayaa nin ka soo haray oo is yiri; “fardaha wax kala tag”. Markii qorraxdii dhacday oo weli ay fiidfiid tahay ayaa fardihii inan loo diray oo lagu yiri; “fardaha soo hoy”. Markaa ayaa inankii arkay ninkii oo xidh beer-dhigaalaynaya. Inankii inta soo cararay ayuu yeeray; “halkan nin ayaa beer-dhigaalaynaya”. Kolkaa ayaa raggii sii yaacay oo xidhkii isku hareereeyay. Ninkii ayaa la soo qabtay oo aqal dhexdii udub labadible loo qabadsiiyay.

Iyada oo uu laba habeen xirnaa, geeliina rag loo diray, ayaa safarkii ninku ka soo haray col ay iyaga isku qolo yihiin la kulmay. Markaa ayuu dadkii safarku yiri; “halkaa waxaa yaal reer Habar Jeclo  ah oo go’doon ah. Kolkaa ayay ilaalo soo direen. Dabadeed hooyaday oo is tiri bal ariga soo eeg sida ay carruurtu ula joogto, Alle ha u naxariistee, ayaa waxa ay aragtay laba nin oo faras ah oo gooddiga ka soo baxay. Markaas ayay waxa ay is tiri malaha raggii fardaha kaxeeyay ayay ka soo noqdeen. Markaa ayay haddana is tiri; mindhaa raggii fardaha kaxeeyay xaggaa uma kicine, tolow waa ayo? Guriga ayay ku soo noqotay oo tiri; “waxa aan arkay laba nin oo faras ah oo gooddiga ka soo kudey, haddana goortiiba dib u noqday. Waxa aan u maleynayaa in ay col yihiin”. Markaa ayaa dadkii kale yiri; “ col ma ahee waxa aad aragtay ugaar aad fardo mooddey”. Markaa ayay waxa ay tiri; “wallee waxa aan arkay in aanay ugaar ahayn e waxa ay ahaayeen fardo! Beri kale ayaa se laga sheekayn doonaa!” Markaas ayaa la yiri; “bal waa intaa oo ay hubsataaye, horta fardaha xagga Beereed aannu u dirno.

Maalintii dambe, ayaa xigsantii fardahii saddex ma ahee intii kale la kaxeeyey. Saddexdaasu waxa ay ahaayeen; geenyo aannu leennahay oo dheerayn jirtay, faras seeddigay leeyahay iyo mid kale. Fardaha kalena waxaa kaxeeyey walaakay, ina-abtigay iyo mid kale oo ay ina-abtigay isku qolo yihiin. Awalba ragga intii caqli badan lahayd waxa ay ka haysay geela, saddexdoodaa; seeddigay iyo mid aannu ilma-adeer nahay oo guriga ku soo haray ma ahee. Kolkaa ayaa casarkii inammadayadii yaryaraa nala yiri; “orda oo awrta soo celiya”. Adigu markaas ayaa carruurtii kala horhorreysay, kolba sidii waalidkiis u diray. Markaas ayaannu laba isku raacnay. Iyada oo mid noogu weynaa naga horreeyo, intii kalena naga dambeyso oo aannu badhiyo-naylood iyo haanweylis kolba qodanaynno, ayaa kii noogu horreeyay awrtii gaaray oo soo jeediyey. Kolkaa ayaannu aragnay iyada oo uu awr ku joogo. Markaa ayuu kii ila socdey igu yiri; “Wallee waxa aan u maleynayaa awrka uu ku joogaa in uu kaayagii yahay! Wallee haddii uu kaayagii yahay in aan maanta nala kala bixin karaynin!”

Iyada oo uu sidaa u dhaardhaaranayo, ayaa colkii gooddigii ka soo kudey oo uu weerar ka soo butaacshey. Markaa ayaa xaggii guriga xigeyna ari-jirtii ugu arag horreysay, xaggayagiina inankii awrka ku joogay noogu arag horreeyey. Annaguna waxba ma aannu arkeyn, gooddiga colku ka soo weerarayna waa naga fogaa, annaguna waxa aannu ku jirnaa godeen, meesha colku soo weeraray waxa ay ahayd hilaabo malaha laba saac ah. Markaas ayaa inankii awrkii ka soo boodey, xaggayagii u soo cararay, oo yiri; “war baxsada colbaa soo socdee”, inta na dhaafay. Kolkaas ayaannu run uga qaadan weynney oo is niri; “war inanku malaha waa waashay”. Sidii aannu halkii u taagtaagneyn oo kolba bur ugu joogjoogsaneynnay ayaannu aragnay colkii oo in yar noo soo jira. Markaa ayaannu annaguna xaggii inanka u cararnay. Kolkaas ayay na soo daba dhigeen oo inta na dul keeneen yiraahdeen; “war maryaha noo tuura!” Aniga iyo inankii inta hore u cararnay ayaannu iska tuurnay. Markaa ayaa kii ila socdey argagaxay oo inta wax ay leeyihiinba garan waayay macawistii dhigi waayay. Markaa ayuu mid ugu yaraa inta faras soo daba dhigay hooto ku riday oo inta bowdada kaga dhuftay xagga kale ka baxshey oo yiri; “bal najiskaasu inta uu la’egyahay ee uu madaxiisa kibir ku jiro oo aanu waxa aan leeyahay dheg u dhigayn daya!” Isagana kibirba kuma jirin ee waxa uu ahaa ilmo yar oo iska sasay oo weligiiba aan meel col marayo arkin. Markaas ayuu misana yiri; “wax ka guro waa tii aad i maqli weyday ee uu adiga dhiiggu sibirta da’ayaaye”. Kolkaas ayaa mid kale yiri; “maxaa aad inanka yar ee aan waxba garanayn u dishay oo haddana kaga faanaysaa?” Markaas ayuu yiri; “ ma aanan dileene madaxiisa kibir ku jira ayuu marada ii dhigi waayey”.

Kolkii horeba colku waa is qeybiyay oo barna waxa uu weeraray guriga barna awrta. Kuwii guriga, ayaa markii hore ari-jirtii aragtay. Kolkaa ayay inan guriga u direen oo yiraahdeen; “ragga u qaylo-gee, yaan guriga lagu laynnin isaga oo aan waxba ogeyn e”. Inankii ayaa dhababaceeyey oo qayliyay, fardihii oo guriga cabbaar u jirana ka hor tegay oo xaggii guriga u celiyay. Markaa ayaa raggii qaylada maqlay oo guriga ka soo baxay. Ragga goortaa guriga joogay waxa uu ahaa afar nin: midi wadaad odey ah ayuu ahaa, mid kale oo uu isagu dhalayna waxa uu ahaa dhallinyaro 15-jir ah, labada kalena waxa ay ahaayeen mid aannu ilma-adeer nahay iyo mid seeddigay ah. Labadaasu iyagu waxa ay ahaayeen laba nin oo fiicfiican. Ninka aannu ilma-adeerka nahay waxa aanu aqoon fuulliinka [fardo-fuulka]. Markaas ayuu seeddigay inta xakame la orday ina-adeerkay ku yiri; “i raac aad iga waabiside inta aan neefka fuulayo”. Fardihii [colka] oo wax yar u soo jira ayay iyaguna fardihii gaareen. Kolkaasna colku waa soo daba-gaabnaa.

Inta xagga fardaha u soo kacday waxa ay ahaayeen toddoba kaliya, intii kalena waxa ay u kacday xagga guriga. Toddobadii xagga fardaha u soo kacday laba ayaa ugu soo horresysay. Markaa ayay seeddigay iyo ina-adeerkay iyaguna fardihii gaareen. Fardaha labo waxay ahayd qoofal la’aan, geenyadayaduna waa qoofalnayd. Labada waxaa loo qoofali waayay: midna waa dhitinayay, midina waa bukooday oo waa diifaysnaa. Dhulkayaga weligiisba waa caynkaas oo fardaha kan dheereeya ama fiigga ah waa la qoofalaa. Seeddigay ayaa arkay in ay ku soo dhowyihiin, fardihiina labadii aan xirnayni u soo horreeyaan. Markaas ayuu yara bikaacday, sidii mid kuwaa ku bayraya. Ina-adeerkay ayaa markaa yiri; “iska dhaaf kuwan! Ilaah baa naftaada hayee, waa isugu kaa mid haddii aad kuwan fuushid iyo haddii aad lugahaaga ku baxsatid e”. Markaa ayuu iska dhaafay. Kolkii uu geenyadii isla taagay ee uu xakamihii afka u geliyay, ayay hareeraha kaga barriijiyeen. Markaas ayuu ina-adeerkay ku yiri; “iga waabi inta aan fuulayo”. Ina-adeerkay ayaa yiri; “haye, dhakhso!” Inankii yaraa ayaa isaguna geenyadii qoofalkii ka furay oo lugtii hore uun ka baxshey. Inanka cidina kuma oran “geenyada qoofalka ka fur” ee isaga uun ayaa xusuustay, nin aan xaabadiisu waafoobin oo Ilaahay qabanqaabinayey. Geenyadu waxa ay tiqiin dhababaco-ku-fuul oo markii uu xakamihii afka u geliyay ayay iska dhaqaaqday. Markaa ayuu isna ka daba duulay. Kolkaa ayuu ina-adeerkay labadii hareerara kaga barriijiyay oo horta mid kula orday, sidii nin waran ku ridaya. Kii ayaa bikaacsaday oo xagga u dillaamay. Haddana kii kale ayuu sidii si la’eg u dhigay, markaa ayaa labadoodiiba midba gees u hantaacay. Weligiisba nin faras ahi wax ka fulaysan, illeen waa nin laba nafood dhowraya e.

Halkaa marka ay marayso, ayaa labadii iyo shan kale seeddigey ka daba sii daayeen, oo mid waliba is yiri; “yaan lagaaga hor marin”. Iyada oo seeddigay geenyadii weli ku jiijfo oo aanu isku toosin ayay soo dul dhigeen oo midi waran ku riday. Kolkaasaa kii kale ku yiri; “war geenyada ha ina ka dilin, isaga kolleyba waa gaaraynnaa e”. Seeddigay ayaa hadalkii maqlay oo geenyadii hoosta ka cirbiyay. Iyagu intaa waa qaylinayaan, oo waxa ay leeyihiin; “war iska tuur! Haddii aadan iska tuurin ogow in aannaan ku bixinayn, haddii aad iska tuurto se waa ku bixinaynnaa”. Markaa ayay arkeen in ay durbaba in door ah ka durugtay, oo inta ay fardihii jeedleen ciswaa u tatiireen oo warmo ku ridrideen. Kolkaa ayuu isna inta geenyadii ku toosay, warmihii ay ku soo ridayeen iska eegay, oo uu kolba markii ay waran ku tuuraanba uu gees uga rogaya ayaa caynaankii rogaalkii kaga go’ay. Markaa ayuu kolkii uu ka jiciirtay, kuwiina shani isa soo qaadeen oo ay muutamuutaynayaan, ayuu isagiina geenyadii ka degay oo is yiri caynaanka xiro. Markaa ayay iyagiina is yiraahdeen; “war malaha ninka [reer Hebel] waa kan neefkii kaxeyn waayay ee ka degaye ina ka daba geeya”. Mar kale ayay ka daba sii daayeen. Kolkaasuu seeddigay inta sugay oo markii ay hal cabbaar ah u soo jireen misana fuulay. Markaa ayay yiraahdeen; “war najaasku waa ina hodayaaye ina ka keena”. Waa is kaga soo noqdeen oo na soo dul mareen annaga oo inta aqal laga guuray cidhig ku jirna wiilkii ay warmeenna taahayo. Markaa ayaannu ku niri; “aamus, yaanay ina maqlin oo ina laynnin e”. Kolkaa ayuu baqay oo aamusay.

Halkaa marka ay marayso, ayaa ninkii ay ka soo hareen [kii faraska ku baxsaday] geelii cashadii hore ragga loo diray oo soo socda ka hor tegay. Intii aanu gaarin ayuu gaashaanka u riday, markii ay arkeen ayay iyaguna geelii dib u celiyeen. Kuwii na dul taagnaa ayaa iyaguna kolkii geelii is dadbay casaankiisii arkay oo yiraahdeen; “war waxaasu ma geel baa mise waa siig?” Markaa ayaa labadii nin ee markii ay ninka eryayeen ugu horreeyay midi yiri; “war hebel faraskaygu waa dekaansayahay e i sii faraskaaga aan ku soo hubsadee”. Markaa ayuu yiri; “war waa aad waalantahay e ina keen, maxaa geel cidladan dhigaya”. Markaas ayuu yiri; “waxa aan midabkiisa arkayaa waa geel”. Kolkaas ayay is yara taageen oo yiraahdeen; “war ina keena, waa kaas oo colkii kalena jiciiraye, haddii uu geel yahaynna innaga oo kali ahi waxba ka guri maynno e. Markaa ayay colkii ka daba jeefageen.

Ninkii aannu ilma-adeerka ahayn cidla ayuu isaga cararary. Kolkaas ayaa toddobo ka daba tagtay oo mid walba is yiri; “horta yaan adiga lagaaga horreyn”. Markii ay cabbaar eryayeen oo ay warmo ku ridrideen ayay afar iskaga hareen oo is yiraahdeen; “war inaga keena, yaan guriga moodkiisa la ina ka marsannin e. Bal in aynnu waallanahay, maxaan ka helaynnaa ninka aan lafihiisa ma ahee wax kale sidan”. Afartii markii ay xaggii guriga u noqdeen ayaa saddexdii kale ku yiraahdeen; “ma ninka kaliya oo aynnaan furan ayaynnu ka tegaynnaa. Maxaynnu rag ka nahay haddii aannu ninkaa kaliya qaban weynnay!” Kolkaa ayay warmo ku ridrideen. Markaas ayuu isaguna warmihii uruursaday oo in ay fardaha ka soo degaan u diiday. Markii ay dul keenaan ee ka dega is yiraahdaan ayuu kula durduriyaa oo warmo ku ridridaa. Markaa ayay dib u cararaan oo is yiraahdaan halkaa kaga soo dega, isugana waa iska cararaa, markaa ayay iyaguna ka daba tagaan, markaa ayuu isaguna iskula soo rogaa oo warmo ku ridridaa. Sidii ay sidaa isugu la jireen ayay isla jiciirteen. Markaas ayay is yiraahdeen; “hadda ma annaga oo gurigii moodkiisii ka qadnay ninkanna aan qaban miyaa aynnu noqonaynnaa? Hadhowto, raggii goortiiba ninkan isaga haray ee aan annagu diidnay in aan isaga harno ayaa nagu qosli doonnaa e!” Markaas ayay haddana ka daba keeneen oo labo hareeraha ka gelisay midna dabada ka geliyay. Markaa ayuu kii bidixda ka xigay kula durduriyay oo sidii mid waran ku ridaya iska dhigay. Markaas ayaa kii xaggii midigta ka xigay ka daba keenay. Isaguna waa iska arkayay oo isha qodkeeda ayuu intaa ka eegayay. Markaa ayuu inta kii uu eryay hooto u taagay kii kale oo ku soo dhow isku la soo rogey oo hootadii ku riday. Kolkaa ayuu isna faraskii barriijiyay, hootadiina faraskii fanka kaga dhacday. Markaas ayay yiraahdeen; ”war inaga keena yaanu lafaheenna inoo diline!” Markaa ayay iskaga tageen iyada oo colkii kale oo jiciirtay ka daba jeefageen.

Colku xoolo badan ma uu kaxeysan, 18 awr ah iyo laba fardo ah ma ahee; guriga ayayse mood badan ka gurteen oo dadkii oo dhan waa wada furteen. Dabadeed raggii geela la socday ayaa xaggii ay ka yimaadeen qaylo u diray. Kolkaa ayaa ninkii geenyada ku joogay xaggii guriga u soo noqday oo mid ay walaalo yihiin iyo aabbahay soo raaceen. Kii ay seeddigay walaalo ahaayeen ayaa dabadeed geenyadii fuulay oo xaggii Beereed u qaylo tegay, meeshii uu raggii kale fardihii u kaxeeyay. Intii uu dhexda ku sii jiray ayaa habeenkii dumay. Kolkaas ayuu habaabay oo geenyadii ka qodxootay. Markaa ayuu jid dhexe ka soo laabtay intii aanu cidna gaarin. Kolkii colkii habeen iyo dharaar sii maqnaa ayaa xaggii Galbeed ciidan badani nooga yimid. Ciidankaasi waxa uu ahaa wada lug aan mid faras ah lagu ogeyn. Markaa ayay waxay yiraahdeen; “waa tan oo colkii laba habeen ayuu sii maqnaa, farasna ma haysannee, maxaynnu yeelaynnaa?” Waxay yiraahdeen; “dadka u dhar-gooya, dabdeedna aynnu noqonno”. Kolkaas ayay dadkii qayd qayd dharkoodii uga gooyeen. Annaguna maalintii dambe ayaannu xaggii fardaha loo diray u guurnay.

Meesha fardaha loo kaxeeyay waxa ay ahayd halka Dooxo Beereed la yiraahdo. Saddex casho markii aannu u sii dhaxnay ayaannu dooxadii gaarnay. Dooxada fardo ayaa ka buuxay oo bulsho dhan ayaa isugu timid. Markaas ayaannu u sheegnay in nala dhacay. Kolkaa ayaa bulshadii tiri; “iga Wallaah aynnu colka reerka dhacay daynaynnin e inaga daba geeya”. Markaa ayaa dhallinyartii oo dhammi is guratay oo ka daba duushey, oo inta meel walba u raad gooyeen waayeen. Iyaguna waa iska garanayeen in faras oo dhammi dooxo joogo oo la soo raadinayo. Markaa ayay iyaguna inta xir aan fogeyn oo awdan, oo aanba loo malaynayn, galeen ayay toddoba casho ku jireen. Markii ay bulshadii meel walba ka dayday oo ay raad iyo ruuxba waayeen ayay isaga soo noqdeen. Dabadeed ayaa colkii ilaalo diray oo yiri; “bal orda oo dhulkaa soo raad gooya”. Ilaaladii ayaa aragtay in col soo raacdeystay oo dib u noqday. Markaa ayay habeennimadii ugu jiideen oo barbaraareen markii ay hubsadeen in hadda aanay mar kale raacdo ka daba imanayn.
Waa sidaa.”

F.G: Tixraacu waa isla halkii hore. U fiirso erayada, magacyada iyo oraahaha sida gaarka ah u calaamadsan.

Su’aal: Dhegaley waa hub noocee ah? Maxaa se magacaa loogu baxshay? Fadlan akhristeyaasha wax ka yaqaan noocyada iyo taariikhda hubka Soomaaliyeed ha ka soo jawaabeen oo ha nagu biiriyaan aqoontooda, haba yaraatee.

Bodhari Warsame

email: [email protected]

__________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

2 Responses to “Mahadhadii Maxammad Nuur (Qaybtii 4aad)”


    Fatal error: Uncaught Error: Class 'Roots_Walker_Comment' not found in /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/comments.php:11 Stack trace: #0 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/comment-template.php(1554): require() #1 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/content-single.php(46): comments_template('/templates/comm...') #2 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template.php(772): require('/home/forge/war...') #3 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template.php(716): load_template('/home/forge/war...', false, Array) #4 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/general-template.php(204): locate_template(Array, true, false, Array) #5 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/single.php(1): get_template_part('templates/conte...', 'single') #6 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/base.php(23): include('/home/forge/war...') #7 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template-loade in /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/comments.php on line 11
    WordPress › Error

    There has been a critical error on this website.

    Learn more about troubleshooting WordPress.