Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Slideshow

Mala’awaal: Silsilad gabay

W/Q. Axmed Khaliif

Qormadani waa  silsilad laga matalayo siyaasiyinta Soomaaliyeed iyo dooddaha dhex yaalla oo lagu cabiray tixo laga dhigayo inay iyagu marsheen.

Haddaba Nuune Madoobe, ahna mas’uulka hadda sheegtay madaxweynaha lixda gobol, ayaa furay silsiladi, isagoo la hadlaya Axmed Madoobe.Wuxuu yidhi Nuune;

Axmedow ninkii gabay yaqaan waa gedaan ahay’e
Ninka garan halkaad degi jirtaan looma duur galo’e
 
Godka Dahare goonyaha Dalaad gebiga Shaygoosh ah
Gabo-gabo Xaraar iyo Bankiyo Gowga iyo Laago
Abidkaaba Galadiid ayaad gole dhex taagneyd’e
 
Goofyaha Kismaayona anaa joogay gudaheed’e
Soo galooti baad nagu aheyd gu’gan hortiisiiye
Bal gar qaata taariikhdu waa gun weyntahay’e !

Waxaa kasoo jawaabay tixdaas kore, Axmed Madoobe ahna madaxweynaha Jubba.
Wuxuuna yidhi Axmed:

Kol Alloon ka gaabsado tixaha geesna uba leexsho
Ayuunbay rag noo soo gudbaan or iyo geeraar’e
Gabaan waliba maansada galyoo nagu galaal-xoorye
 
Lixda gobol ninkaa sheegtay ee gooddi laga keenay
Gogoshiina nagu heysta ee naguba soo guurey
Ee guluf abaabulahayaa siduu goolka dhalinaayo
Gudcur buu gudaayaa habeen meel gol iyo laag’e
 
Gufaacada dagaalkaan ninyahow geli naqaanaaye
Barre-Hiiro Goob-weyn ka carar gudub usii dhaafye
Raggii Xamar kasoo guuxi jirey way gabanayaan’e
Adiguna geddii baad tahoo gumac ma tuurtaan’e
Bal guddoonka aan sugo kolley teydu ii go’ane !

Silsiladdii waxaa kusoo biiray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo la hadlaya labadaa nin ee kore, isagoo waliba garabka saaraya una hiilinaya Nuune Madoow.
Xasan Wuxuu yidhi;

Ragga garida ii tumanhayee labada gees jooga
Garaad maleh warkiinuye anaa taliya guudkii’e
Amarkeyga kii garab maraa waan gembinayaaye
 
Erey waa ninkaa gobol dhistee lix igu gaadhsiiyay
Ereyna waa Gob-weyn iyo ninkaa jooga guri Waamo
 
Erey waa ninkaa gobol dhistee lix igu gaadhsiiyay
Guda-faqa raggii wada shiree wada go’aan qaatay
Ee gacal ahaa baynu nahay waad i maan garan’e

Garab iyo itaal iyo haddaad guuto iga dooni
Golahaaga waan buuxin oo gaadhiyaan tubiye
Adna igu gargaar oo ilaa xeebta guluf geeya

Ereyna waa Gob-weyn iyo ninkaa jooga guri waamo
Geed-khadhaadhka nimankaa noqdee gumac afuufaaya
Ee Kismaayo gaaf-meerayee loogu geli waayay
Galbeed bay ka keeneen Gogliyo Godey agteediiye
Garloogube Awaariyo Wardheer Faafan gudaheeda
Gaarisana badh baa soo bixiyo gaasas xoog badan’e

Qaramada Midoobey Giriig Golaha iiyuuda (EU)
Gebiyada Statekiyo Latiin guudka Carab oo dhan
Gaalliyo Islaamkaba farriin yaw gudbinayaaye

Axmed inaan garaacnoon dhammaan gooni ka ahaano
Ayey talo kusoo biyo go’dee gacanta ii dhiibo
Haddii kale gumoobaye Absame haygu geeraaro
Ha garaaco dhaantoda illeen goofkii iga qaadye !

Reysul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn baa daf soo yidhi silsiladda, isagoo diirka ka qaaday, nimankan is heysta inuusan kala jecleyn oo uu kolba mid hubeyni, si ka kale loo jebiyo
Wuxuu yidhi Hailemariam Desalegn;

Ardi Sababa anigoo fadhiya saxarkan soo duulay
Ee niman la seegseegayeen saaka iyo maanta
Bal aan sawdka eegoon tixaha saadka ka higaadsho
 
Sayid Maxamed baa nagu yaqiin dirirta sooyaan’e
Dhaaxuu na soo galay isoo faraskii saarnaaye
Dhaaxuu na siibtoo na jaray subax arooryaad’e
 
Ana ciilka igu saaqsan baan idinku seeteeyn’e
Soomaalida ninkii dilahayaa saaxib baan nahaye
 
Qori suu ah maarraha sinsiman waan ku saacidiye
State been ah anigaw sameyn sabada reerkiis’e
Saf saf baan u kala goynayaa calana waan siin’e
 
Nin walaalkii seef marinhayaa anaa u soofeyn’e !
Mid aan siray mid aan soomiyiyo mid aan saqiireeyay
Sadexdaa inaan kula dhaqmaa waa saxiix dhab ahe !
 
Intaas kadib waxaa maqlay in silsiladi furatay Bare Aadan Shire-Hiiraale, isagoo gar u heysta eedna saaranaya Madaxweyne Xasan Sheekh. Wuxuu yidhi Barre Hiiraale:
 
Xasanow sidaad ii gasheen saaxiib maan rabin’e
Sabaaxadda sidaad i ridaan wali u seexdaaye
Sidaan geed u saarnaa ayaan suuxay oon dhacay’e
Sababtaba adaa keenayoo waad i sixirteen’e
 
Surimaha Kismaayaad i tidhi qeylo soos geliye
Adaa yidhi Sarkaalaan ku siin saajac oon baqan’e
Adaa yidhi Statekaba qabsoo sahalna weeyaan’e
Adaa yidhi ku sii soco ilaa xeebta oo sax ah’e
Afar gees sanbuuskii lahaa suuqa laga waa’e
Sahan baas adaa ii diroo saaftay hilibkay’e
 
Suryo oodan baad igu rideen saymo aar galay’e
Saantii joogsan weydaa mar bey sahayan ceebtaas’e
Nin eersan maayo’e sidaa yeelay sifaheed’e
Allahayow adaan kuu samree suubi taladeyda !

Xasan Sheekh kama uusan garaabin eeddii loo soo jeediyay ee Barre Hiiraale soo diraye, wuxuu eeddii dusha ka saaray Reysul wasaarihii horree Soomaaliya Saacid Shirdoon;
Wuxuu yidhi Xasan;

Barre Shirow bilaash kuma hadliyo baanisiyo faan’e
Runta lagama beydhee xaqaa lagu badhaadhaaye
 
Boholaha laguu qoday godkaa lagugu biimeeyay
Balaayada adaa raadsadoo galay barteediiye
Bahallada shabeelkiyo libaax buladlihi Aarka
Baarqabada Ogaadeen adaa doontay berigiiye
Banaankaaga joog raggaa looma soo baxo’e
 
Ninka buunka kuu tumay sidaad dhaanto baraneyso
Baaruudana ku siiyee qoryaha badanna kuu keenay
Ee yidhi baqoolaha gal oo Jubbada balali oo qiiji
Ee bidhaan fog kuu muujiyee beenta kugu miisay
Bi’waaye saw Saacidkuba adi bahdaa ma,aha !

Silsiladu wali way socotaa, waa inoo mar kale !

Waxay fikradan iyo ereyadanba kasoo maaxdeen
Abwaan Axmed Khaliif (Golduulaan)
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.