Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

MARTIDII LA EEDAY! (Sheeko gaaban)

W/Q: Shaafici Qaasim Nuur

Shaafici Q. Nuur

Marti leyl-dhexaad timi hadduu luun ka rogi waayo
Ragannimo luddiis kuma jirtee, liicyaye ogaada
(Af-durdur)
…………………………………………………..

Waa casarliiq, cadceedduna godkeeda ayay baalka lasii gelaysaa. Haweenku waxay ku hawlan yihiin in aan adhiga iyo maqashu isku baxsan ama is jaqin. Wiilkii geela eegayayna dhengedda ayuu soo saaraa isaga oo ugu heesaya:

Haleel hilinnada
Hagaagsan u baydh
Yaad habaabine

Innammada roonroon midkoodna waxa loo diraa awrta oo sidii loo bartay aan meel dheer laga doonin. Qof kale oo xoolo-hunno ahna qoryo xaabo ah soo ururintooda ayaa lagu qaybshaa, iyadoo lagu dardaarayo inuu buulallooyinka ka baydho illeen waa maqaariibe. Xilligan oo kale reer miyigu waxay yidhaahdaan waa cawadaran bilowgeed, waxayna ka feejignaadaan bahal soo dhabbacda iyo tuug soo dhukusa labadaba.

Goortaas gaaban ee aan kuu sawiray, ayaa afadii reerku waxay dhanka galbeed ka maqashay bulaan iyo hugun rag. Waa bulaan soo dhowaanaya kolba. Haddii ay jeedaalisayna, saa waa wadaadkii la wada yaqaannay oo xertiisiina horkacaya. Geed aan fogeyn oo karoodka ah ayay degeen. Gogol wixii loo heli karayey iyo waxay siteenba intay seefka isugu qabteen ayay halkaa salaaddii maqrib ku oogeen. Way salaamanaqsadeen, markaasay halkoodii ku salawaadeen. Kaddibna reerkii iyo xoolahoodiiba way u nabaadiino-xidheen.

Odaygii reerka dembaabay oo goorahanba shallaadka baxaya u dhegtaagayey, markii lagu wargeliyey in Aw Hebel iyo xertiisii caawa reerka soo martiyeen, waxa uu afadiisii ku yidhi: “Naa awrtii buu doonay dheh!” Tolow ma diraac dabadheeraatay bay ahayd? …. Mooji.

Waxa dhaqanku ahaan jirey in martida habeenkaas loo loogo, hadday culimo yihiinna subaxa waa loo xidhi jirey.

Markii aasku madoobaaday ayaa kuray caano loo soo dhiibay dhankii culimada soo abbaaray. Haddii ay reerka tooydeenna, waxay weydiiyeen: ‘Aabbe ma joogaa?’ Saa wuxuu yidhi: ‘Maya, awrtii buu ku maqanyahay.’ Wadaadkii xerta watay oo halhayskiisu ahaa “DEYRAN” ayaa madaxa ruxay. Wax uu qoonsadayba, inta qub lagu yidhi oo uu buraashaddiisii afka ku gororiyey ayuu yidhi: ‘Awrtaannu kuu dirray dheh’

Ugu danbayn sheekadan oo la yaqaan wadaadkii iyo reerkii ay dhexmartay labadaba, waxa la sheegaa in ninkii reerka lahaa habeenkaa ka dambow uu dibbood noqday oo awrta la hoyan jirey, inta uu reerkiisa usoo hoydayna ay fara-ku-tiris ahayd.

Deyran!

W/Q: Shaafici Qaasim Nuur
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.