Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Slideshow

Maxaa Afka loo Qabtay Odayga!

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan X. Xasan

Shucuurta farxadeed ee aadanaha ku abuuran xilliyada ay soo shaac baxdo waxaa ka mid ah marka uu muwaadinku ku soo guryo noqdo waddankiisa hooyo, haddii uu mas’uul maamuus sare lagu soo dhawaynayo yahayna kaba sii farxad badan.

siilaanyo1Muuqalka qolka marti sharafta ee gegida diyaaradaha ee Hargeysa, xiliigii uu madaxweyne  Axmed Maxamed Siilaanyo ka soo noqday safar uu ku sheegay fasax oo uu ku tagay waddanka Biritayn waxa uu ahaa mid ka geddisan sifaha aan kor ku xusnay.

Nin aad u cadhaysan oo lagu sheegay afhayeenka madaxtooyada Somaliland, ayaa codbaahiyaha qabsaday ka dibna waxa uu si qaab darran ugu sheegay saxaafaddii goobta ku sugnayd in aan wax su’aalo ah madaxweynaha la weydiin doonin oo uu salaan keliya goobta ka soo jeedin doono, isagoo islamarkaana ku afgobaadsaday in wixii kale uu madaxwenuhu dib ugu dhigay mar kale oo aan la garanayn wakhti ay noqon doonto.

Ka dibna madaxweyne Silaanyo ayuu ku soo dhaweeyay oo isna warbixin kooban oo la xidhiidha safarkiisii goobta ka soo jeediyay.

Warbixintaas ka dib madaxweynihii oo weli taagan una muuqda in uu jeclaan lahaa in uu warbaahinta wixii su’aalo ay qabaan uga jawaabo, ayaa mar keliya buuq isqabsaday.  Dhawr wasiir oo goobta ku sugnaa iyo afhayeenkii ayaa dhankii saxaafadda u soo qamaamay iyagoo qaylo iyo gacmo taagtaag isku daraya, islamarkaana madaxweynaha ku amray in aanu hadal ee uu fadhiisto.

Waxaad mas’uuliyiintaas ka dareemaysay in yihiin kuwo dagaal kula jira saxaafadda xorta ah iyagoo aad mooddo  sidii askar koofiyad cas ah oo ku hareeraysan madaxweynaha.

Ma aha wax qarsoon in qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ku dhowdhow madaxweyne Siilaanyo ay cabbudhin iyo caddaadis ku hayeen saxaafadda madaxabannaan muddooyinkii aan soo dhaafnay, haseyeeshee waxaa kaloo aan la ogeyn oo goobta ka soo shaac baxday in ay mas’uuliyiintaasi cabbudhinta ay ku hayaan saxaafadda mid la mida ay ku hayaan madaxweyne Silaanyo laftiisa oo ay afka qabteen.

Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa sannadihii ugu dambeeyay aanay dhicin in uu mar kaliya saxaafadda horyimaado oo ay su’aalo weydiiyaan.

Haddaba arrinta isweydiinta mudan waxa ay tahay maxaa ka hortaagan madaxweynaha in ay saxaafaddu su’aalo weydiiso?

Su’aashaas, ayaan u bandhigay xubno ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan waddankan Biritayn. Jawaabta ay weydiintaas ka bixiyeen intooda badani ayaa ahayd mid isugu soo biyo shubanaysa in xaaladda caafimaad ee madaxweynuhu aanay xilligan u saamaxayn in uu su’aalo toos ah ka jawaabo madaama uu hadda yahay ruux da’ ah oo ay xusuustiisu is dhintay.

Run ahaantii shakhsiyan kuma raacsani kumana qancin jawaabtaas. Marka aad dhagaysatid warbixinta uu madaxweyne Sillaanyo ka soo jeediyay gegida diyaardaha Hargeysa ka dib safarkaas uu kaga soo noqday waddanka Biritayn kama muuqato hadalladiisa wax isdhaaf ah, si fiican ayuuna uga hadlay bixitaankiisii ilaa soo noqodkiisa waddamadii uu sii maray iyo intii uu Londaon joogay waxyaabihii uu la kulmay.

Madaxweynaha muuqaal ahaan iyo maskax ahaan midna kama muuqan wax nusqaan ahi.

Haddaba waxa keliya ee aan ku sifayn karno wasiirrada sida aadka ah ugu dhawi in ay madaxweyne Siilaaanyo afka qabtaan waa colaadda ay u qabaan saxaafadda xorta ah ee Somaliland oo kuwo badan oo wasiirradaas ka mid ah bannaanka soo dhigtay fallalka musuqmaasuq ee ay ku foogganyihiin.

Xadhiiga suxifiyiinta ee aan loo meel deyin iyo xayiraadda lagu soo rogo wargeysyada wax ka sheega mas’uuliyiintaasi waa kuwo aan markhaati kawada ahayn waayadan dambe.

Inkastoo foolxumadii ka dhacday qolka marti sharafta garoonka diyaaradaha Hargeysa ay qayb ka ahayd uun cabbudhiinta lagu hayo saxaafadda xorta ah haddana waxaan shaki lahayjn in ay arrintaasi sumcad xumo iyo bahdilaad ku ahayd madaxweynaha.

Haddaba madaxwene Siilaanyo raali ha ka ahaado ama yuusan ka ahaane in laga horjoogsado la hadalka iyo su’aalaha saxaafadda xorta ahi weydiiso, waa arrin sii kordhinaysa uun tuhunka ay dad badani ka qabaan fayoobida xaaladdiisa maskaxeed xilli uu naawilayo in mar kale shan sano oo dambe loo doorto xilka madaxweynenimo ee Somaliland.

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.