Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Slideshow

Maxaa Dumiyey Dawladdii Soomaaliyeed?

W/Q Maxamed Dalmar

Anigoo galab dhoweyd dariiqa keligay maraya oo fekeraya, ayaa Ilaahay amarkiis, waxaa igu soo dhacd ay su’aashan: Toloow, maxaa dumiyey dawladdii Soomaaliyeed?

MogadishuCod ka dhawaaqaya maskaxdayda ayaa durbadiiba la soo booday, Maxaa dumiya? Maxaa kaloo dumin lahaa? Waxaa dumiyey 21 sano oo diktatooriyad ah. 21 sanoo xukun askareed oo kali talis ah oo aan kuu turayn, kaana tageyn. Waa tii Mudane Axmad Saleebaan Dafle, mar la wareeysanayey, sabab uga dhigay burburkii dawladda Soomaaliyeed muddadii xukunkooda oo dheeraatay, dadkiina ka gareysan waayeen. Haddaan ku xusuusiyo, madaxdii dawladdii rayadka ahaydba waxay isku dayeen inay cimri dheereystaan markay ku shubteen doroshooyinkii 1969. Taasise ma dhicin oo waxaa afgambiyey ciidanka. Inkastoo la isku dayey, ma suurtoobin in ciidanka qudhiisa la afgambiyo. Isbeddel ku yimaada dimoqaradiyadna maba ahayn mid la sugayo. Xaaladdaas ayaa keentay inay abuurmaan jabhado saldhiggoodu yahay dalka Itoobiya. Jabhado iyaga naftigoodu ku dhisan hab kali-talisnimo, una abaabulan qaab qabiiil. Dagaalkii u dhexeeyey jabhadahaas iyo xukumaddii oo dhawr iyo toban sano socday ayaa mid mid u siibay tiirarkii dawladda, dalkana u horseeday dagaal sokeeye oo weli dambaaburahisii nolol yihiin.

Cod kale oo isla maskaxdayda ka dhawaaqaya ayaa yiri: Oday meel soke ayaad wax ka fiirisey. Horta, ma isweeydiisey, maxaa keenay askarta ina qabsatay. Markaas ayaad garan lahayd in dhibaatada dumisey qarankeenii ay intaas ka qotodheer tahay, kana facweyn tahay. Waa dhibaato aan ka dhaxalnay gumeeystayaashii shanta qaybood u qaysaday arligeenii innagoo soo taagan. Dawladdii Soomaaliyeed ee dhalatay 1960kii, iyadoo curdan ah, oo sabool ah, oo waya-aragnimadu ku yartahay ayaa haddana waxaa fuulay xil culus oo ahaa inay mideyso shanta Soomaaliyeed ooy u aragtay waajib saaran oo muqadas ah. Sidaad xusuusatid, waxaa goob kasta ka yeeray halku-dhagyo ay ka mid yihiin:  “dadaalooy, dadaalooy saddex baa dambeeysee”. “shantoo isweheshatayeey wacnaydaa, calan inay wadaagaaney wanaagsaneydaa” oo dhammaan ka tarjumaya hadaaqa dadweynaha. Riwaayaddii Indhasarcaadna sugaanteedii waxaa ka mid ahaa tixdaan:

“Dhul Soomaaliyeed baad dhexdhexaad u tahayoo, inaad wada dhammeysey dhalashado ahayde, dhaxal wareegi meysee , dhiig faraha gashaay”.

Waana la geliyey faraha dhiig. Iyadoo aan weli dawladdii saldhigan oo socod baran ayaan dagaal la galnay dawlado naga awood roon ooy ka mid yihiin Faransiiska oo quwad caalami ah, Itoobiya oo guun ah garabna haysata iyo Kiinya oo ah xarunta maalgashiga Ingiriiska. Waxaan dhisnay ciidan aynaan u hayn awood dhaqaale. Waxaan maalgeliney jabhado aanan xakameyn Karin. Waxaan qayb ka noqonay dagaalkii qaboobaa ee quwadaha waaweeyn ee Ruushka iyo Maraykanka. Meel kale ha ka raadin. Waxa burburyey Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed waa dagaaladii aan la galnay dawladaha darsika ah iyo shirqooladii aay noo maleegeen. Baadigoobkii shanta Soomaaliyeed wuxuu dhalay in Jamhuuriyaddii u kala jajabto toban qaybood ooy hadda adagtahay sidii la isu keeni lahaa.

Cod kale oo dhinac kale ka dhawaaqaya ayaa yiri, oday weli meela soke oo sadxi ah ayaad ku warwareegeysaa. War arrintu intaas waa ka sii durugsan tahay. Waa ka culus tahay. Waa ka khatarsan tahay. Horta ma isweeydiisey in dawlad la dhisay iyo in kale, illeyn wixii dhisan ayaa la dumin karaaye. Aniga aragtidayda, dawladnimada Soomaalidu waa sida heesaha caashaqa oo riwaayadaha lagaga heeso. Waa wax khiyaali ah oo aan dhab ahayn, laakiin la jecel yahay oo loo riyaaqo. Asalkeedaba, waxaa isdiidan oo aan isqaban karin qabyaaladda aan dastuurka ka dhiganay oo D.N.A’geena ku jirta iyo maamulka dawladnimo ee casriga ah. Waatuu Abwaan Cali Sugulley yiri Dab iyo dhagax la iskuma dhuftee kala dhowraay, dowladnimada qabiil dhexgashee kala dhowraay; abwaan Timacaddena (aun) inooka digey: “Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumisa mooyaane”.

Sida muuqata, dawlad ma aynaan dhisine, dhaqankii miyiga ayaan magaalada la nimid, dawladdii waxaan ka dhignay sidii geelii cidda ugu xoog badani dhici jirtey, ama ceelkii la miileeysan jirey oo qolaba maalin cabbi jirtey, ama hashii abwaan Hadraawi sheegay oo hilbaheeda lagu qamaamayey. Waa jecel nahay dawlad, laakiinse ma hayno dariiqeedii, mana lihin dabcigeedii. Caqliga saliimka ahi wuxuu inoo sheegaya inaysan suurtagal ahayn in la dhiso dawlad boqol qabiil ku loollamayaan, qabiil walibana wato agenda gaar ah oo u adeegeysa dan shakhsiyadeed ama qabileed; dawlad xilalka lagu muteysanayo awood qabiil ee aan lagu soo xuleeyn karti, aqoon iyo daacadnimo; dawlad aan xisaabtan ku socon oo hantideeda si bareer ah loo boobayo oo waliba lagu amar-ku-taagleeynayo; dawlad aan xeerka sharcigu talin ee xoogga qabiilku taliyo. Adeer, magac dawladeed waa lala bixi karaa, darajooyin dawladeedna waa la xiran karaa, laakiin sidaas dawlad laguma noqon karo. Waxaa la isweeydiinayaa, maxaa keenay khilaafka joogtada ah ee madaxda sare ee dawladda. Maxaa loola yaabaya! Waxaa keenay madaxdu waxay kala matalayaan beelo col isu ah oo mid waliba tan kale guusheeda u aragto guuldarradeeda.

Cod kale oo aayar u hadlaya ayaa dooddaa soo galay oo yiri: Adeer meesha wax kale ma jiraane, baahi baa jirta. Dadka faqri baa isku diraya. Haddii la soo saari lahaa khayraadka laga yaabay tiradooda ee ku duugan dhulka Soomaaliyeed waxaa…………………………….Halkaas markaan marayo ayaan maqlay biiib…biiiib…biiiib Waa hoon ii digaya oo i leh: war baabuurta iska jir arrimaha Soomaalia kama gol gaari kartide.

Maxamed Dalmar
Email:[email protected]
——————
Maxamed Dalmar waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, isaga oo ahaa Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe, islamarkaana barre ka ahaa kuliyadii Dhaqaalaha ee Jaamacada Soomaaliyeed. Dalmar  waxa uuu ka faaloodaa arimaha dhaqaalaha oo uu ku soo qoro degelkan WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.