Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Maxaa loo dhibsadey hadalkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame?

W/Q Ubax Cabdulaahi Aaden

Siyaasi, mucaarad Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame “CCW”, marna isku soo sharaxey jagada madaxweyne ayaa mar xarig laga soo daayay, ku dhawaaqey hadal la dhibsadey oo uu yuri: “Waxaa guul ah, in innagii martida na loo ahaa, aan sharciga wax ku raadinno, halka kuwii martida noo ahaa, ay xoog wax ku raadinayaan“.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Hadalkaa waxaa sababey ka dib markii habeen madow, digniin la`aan siyaasiga guriigiisa xukuumaddu ku weerartey oo halkaa dhaawac iyo dhimashaba ay ka dhasheen. Siyaasigana xabsiga loo sii taxaabey.

Sababta loo xirey iyo waxaa uu ku muteystey ilaa hada lama cadeyn. Ilaa iyo hadana xukuumadda kama hadlin dadka ku le`dey dagaalkaa iyo waxa ay galabsadeen iyo waxa sababey weerarkaa.

Ficilkaa weerar iyo hadalkaa Cabdiraxmaan uu yidhi, waxey dhaliyeen xinifad iyo koox-kooxeysi. Xukuumadda waxa ay xal u aragtey, in qabiil laga sareysiiyo Qarannimo. Ka dib markii mid ka mid ah mas`uuliyiinta dalka, ahna Wasiirka Amniga, goob qabiil ku qudbadeeyay sidan:- `Wiilashiina oo qaldamey baanu nahney ee na cafiya’.

Hadalkaa waxuu u muuqdaa in Xukuumaddii dalka ay noqotey wiilal qaldamey oo cafin ka baryaya qabiil.

Xorriyadda hadalka iyo waxa laga dhaxley hadalkaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Hadalkaa Cadiraxmaan waxaa loo turjuntey hadal qabiil iyo jaahilnimo ku saleysan. Balse waxaa la hilmaamey nidaamka siyaasadeed ee maamulka dalku ku saleysan yahey. Oo ah dimuqraadiyad.

Dastuurka 2012 qodobkiisa koowaad, cutubka koowaad, faqradda koowaad ayaa cadeyneysa nidaamka maamul ee dalka iyo in sharciga loo wada siman yahey.

Nidaamkaa waxuu siinayaa muwaadinka xaquuq uu ku gudbisan karo waxa uu aaminsan yahey isagoo xor u ah. Cutubka labaad ee dastuurka, qodobka 18aad, faqradda koowaad ayaa hadana u sii sahleysa in muwaadin CCW fikradiisa iyo waxa uu rumeysan yahey ka hadli karo, isagoon la tacadiyeen.

Hadaba ma maxaa loo dhibsadey hadalkaa? Ma taariikhdii madoobeed ee na soo martey, buu na soo xasuusiyay? Mise taariikh dhacdey baynu rabnaa in aan inkirno? Qabiil waa laysku diley, laysku xumeeyay, layskuna dhacey. Qabiil oo dhibkaa na badey, baa hadana go`aansaney in aan isku maamulno. Cudurkii qabiil waxuu sababey caddaalad xumo. Waxuu dhaliyay cuqdad iyo kala shaki.

Qof kastoo hadla, hadalkiisa si qaldan baa loo turjuman. Fikrad dhiibasho xor ah ma jirto. Waxaa lumey waxii isku heyn lahaa bulshada, oo ah kalsooni. Hadalkaa CCW waxaa laga dhaxley, in boog aan bogsoon uu damqiyay. Boogtaana waxey bogsoon kartaa oo keliya, markii la wada hadlo, la kala xaq qaato, laysna cafiyo. Hadii aysan taa suuroobin, weligeen is caburin iyo kala shaki, baa lagu jiri.

Labo arrin ayaa laga dhaxley hadalkaa la dhibsadey. In ay muhiim tahey in lays baro lana fahmo macnaha dimoqraadiyadda. In boogtaan xaqdarro oo markasta damqaneysa si fiican loo daaweeyo, oo is cafin kaamil ah, oo dhan walba ah la sameeyo.

W/Q Ubax Cabdulaahi Aaden
Email: [email protected]

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.