Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Maxaa Qadar ka dhigay qaran quwad leh!

W/Q: Xasan Yuusuf

Dhibyari jawaabtu waa garwadeen garaadleh oo doonaya in dadkiisu ku noolaadaan guul iyo gobinimo! Balse aan sii balbalaariyo.

Iyada oo ay jiraan warar aad u xiisa badan sida natiijadii dhawaan doorashooyinkii ka dhacay dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska, eedeemaha loo haysto madaxweyne Trump, warbaahinta reer galbeedku waxa ay aad u hadal hayaan qilaafka ka aloosan qaliijka ee u dhaxeeya Qadar iyo xulufada uu hogaaminayo Sacuudiga. Qilaafkaan wuxuu saamayn dhinac walba ah ku yeelan karaa gobolka iyo kashishay.

Hagaag, Qadar waxa ay 186 jeer ka yar tahay Sacuudiga. Marka la barbar dhigo celcelis waxa ay baaxad la’eg tahay Yorkshire-gobol ku yaala Waqooyiga Ingiriiska. Laga soo bilaabo 1867 ilaa iyo markii ay xornimada heshay 1971 Qadar waxa ay ku jirtay gacanta gumeesiga Ingiriiska. Xornimadii ka dib wuxuu xukunka dalka gacanta u galay reer Altaani oo uu horkacayo Sheekh Khaliifa Bin Xaamud Altaani.

Marka loo eego daqliga dalka, horumarkiisu aad buu gaabis u ahaa. Waxa intaa dheer cadaalad daro, maamul xumo iyo musuqmaasuq ragaadiyay dalka. Arintaa waxa ay u cuntami weydey Sheekh Xaamud oo ah curudka Sheekh Khaliifa.  Sheekh Xaamud wuxuu ku noolaan jiray waxna ku bartay dalka Ingiriiska. Isaga oo ka careysan dib usocadka dalkiisa ayuu 27 Juun 1995 af-gambiyay aabiis oo dalxiis ugu maqan dalka Iswisarlaan.

Hogaanka cusub wuxuu durba fuliyay isbadalo xooli ku socda; ha ahaato dhanka waxbarashada, caafimaadka, kor-u-qaadidda kaabayaasha aasaasiga ah iyo balaarinta ilaha dhaqaale. Wuxuu hawl iyo awood galiyay qayb weyn oo bulshada ka mid ah oo hawl-gab ahayd (dumarka). Waxaa la ogalaaday dimoqraadiyad heer hoose ah -doorashada dawlada hoose.  Taasi oo u dhigantaa habka is doorashada dimoqraadiga ee xisbiga shuuciga Jaayna.

Hugh Miles oo macruuf ku noqday buuga Al-jazeera-how Arab TV challenged the world wuxuu yiri “ Amiirka cusub ee dhalin yarada ah dhaqankiisu wuu ka duwan yahay kuwa qayrkiisa ee carabta ah. Isagoon ilaalo badan wadan, ayuu maqaaxiyaha shacabka kula qaxweyn jiray. Xitaa wuxuu go’aan saday in uu galabkii shaqeeyo!”.

Hiiraalkii wiilka reer galbeedka wax kusoo bartay maantay ayay Qadar miraheedii guranaysaa. Qadar waxa ay tartan dhinac walba leh kula jirtaa aduunka horay u maray. Warbaahinta reer galbeedka oo boqolaal sano soo jiray, waxaa suuqa ku ciriryay Aljasiira. Shirkada Diyaaradaha ee Qadar oo haatan ah shirkada ugu horumarka badan aduunka. Qadar waxa ay dhistay madxaf islaami ah oo aan waxba u ogayn madxafka aduunka ugu weyn ee ku yaala dalka Faransiiska- Louvre. Dhanka Isboortiga Qadar waxa ay martigalinaysaa tartanka kubada cagta adduunka ee sanadka 2022da. Horayna waxa ay u marti galisay tartamo caalami ah sida Ciyaaraha Aasiya ee 2006dii.

Intaa waxaa dheer oo aan la yaabay siyaasada Qadar ee sida qaboow isaga luudaysa. Waxa ay xiriir la leedahay dhamaan kooxaha siyaasad ahaan isaga soo horjeeda sida Yahuuda iyo xamaas, Taalibaan iyo reer galbeedka. Waxaa taa cadeynaya markii xulufada uu hogaaminayo Sacuudiga culayska saareen Qadar, Qadar waxa ay garab siyaasadeed iyo gurmad militariba ka heshay kuwa saaxiibka dhow la ah dhigooda. Ingiriisku wuxuu sheegay in arinta waan waan lagu dhameeyo. Turki waxa uu balan qaaday in uu u soo dirayo Qadar 5000 oo ciidan ah . Mareekanku wuxuu ka iibiyay Qadar hub casri ah oo qiimahiisu yahay 12 bilyan oo doolar ka dib markii madaxweyne Trump shaarica ka sheegay in Qadar u hogaansanaato dalabka xulufada uu hogaaminayo Sacuudiga.

Haddaba doodaydu waxaa weeye Qadar awooda kuma helin gaaska dabiiciga oo kaliya. Qadar waxa ay la jaan-qaadaysaa isbaadalada bulsho-dhaqaale, siyaasad iyo diin ee qarniga 21aad. Haddii lacag kaliya wax tarayso Liibiya ayay wax tari lahayd. Nabila Ramdani oo ah wariye, aqoon-yahanna ah iyada oo u waramaysa barnaamijka Newsnight ee BBC-da waxay tiri “Qadaafi wuxuu abuuray bulsho cawaana ugudanbeeyntiina iyagaa si foolxun u dilay”. Waxa la tabco dadkaa ugu qiimo badan. Todobaatameeyadii ilaa sideetamaatkii Halka walaalahooda Qaliijka  xooga ka saareen bangiyada iyo ganacsiga Sheekh Khaliifa iyo afadiisu waxa ay xooga saareen waxbarshada. Qadar waxa ay banaanka Dooxa ka dhistay meel loogu magacdaray caasimadii waxbarshada oo ah 14 kiiloomitir oo isku wareega.

Waxaa goobtaan ku yaala laamaha jaamacadaha reer galbadkeedka kuwa ugu tayada fiican  sida; Weill Cornell Medical College iyo Northwestern’s Medill School of Journalism. Qorshaan aqoonta ku dhisan wuxuu sababay in Qadar la loodin kari waayo.

Gabagabadii halugu eedeeyo Qadar in hal reer dalka ka taliyo iyo in ay falaagada taageerto waxaase  hubaal ah in warbaahinta Qadar carab badan indhaha u furtay, dulmiga kuwa xooga weyna daboolka ka qaado, kasmo cusubna keentay qaliijka.

Siyaasada qaboow ama dhexdhaxaadka ah waxay Qadar u suurta galisay xasilooni. Nidaamka ay dibada ka soo waarideen wuxuu asaguna suurtagaliy in laga lib gaaro himilooyinka horumarineed ee garwadeenka dalka ku haminayeen. Markaa soo ma haboona kuwa soo koraya in ay ku daydaan Qadar.

Xasan Yuusufwaal
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.