Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Maxamed Mukhtaar iyo saameynta heshiisyada Batroolka ee dowladda cusub

Muqdishu (WDN)- Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegay in Golaha Wasiirada cusub ee lagu wado in uu u soo magacaabo dawaladda dhawaan uu soo  dhisi doono Ra’iisal Wasaare Xasan Khyre, uu ku jiri doona Wasiirkii hore ee Macdanta iyo Batroolka Md. Maxamed Mukhtaar.

Md. Maxamed Mukhtaar

Sababaha loo soo celinayo Wasiirkaasi Xukuumaddi Xasan Sheekh, ayaa wararku sheegayaan in ay ku lug leedahay si loo illaaliyo dano gaar ah oo ku aadan heshiisyo uu waday Wasiirkaasi hore, kuwaasi oo  laf dhabar u ahaa heshiika shirkada  Soma Oil and Gas, oo uu Xasan Kheyre saami ku lahaa kana tirsanaa hawl-wadeenadeeda.

Md. Maxamed Mukhtaar oo aad ugu dhawaa Xasan Sheekh, islamarkaana horey u waayay in uu xubin ka noqdo Baarlamaanka Soomaaliya, ka gadaal markii guddiga doorashoyinka Jubbaland ku heleen isdabamarteyn iyo masuqmaasuq.

Arinkan soo laabashada Maxamed Mukhtaar, ayaa hadii uu noqdo mid dhab ah, dhirbaaxo weyn ku noqn doona tiirarkii ugu weynaa ee loo doortay Madaxweyn Farmaajo ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.