Tuesday, April 16, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan oo loo doortay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Dawladda F. Soomaaliya

Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan

Muqdisho, Xildhibaanada Dawladda F. Soomaaliya ayaa maanta ugu doortay Md. Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Dawladda F. Soomaaliya kulan ay  ku yeesheen xaruntooda magaalada Muqdisho.

Doorashada oo ay isu soo taageen musharrixiin ay tiradoodu gaadhayso 10, ayaa ugu dambeystii ay isugu soo hadheen Md. Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan iyo Ibraahim Isaaq Yarow.

Haddaba Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa helay codad gaadhaya 147, halka musharax Ibraahim Isaaq Yarow uu ka helay 118 cod.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Md. Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan oo hore u ahaa wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xilkaas dhawaan iska casilay si uu ugu tartamo jagada guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uu banneeyay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ka dib markii uu khilaaf ba’ani soo kala dhex  galay isaga iyo Villa Soomaaliya oo ay taageerayeen xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabku.

WardheerNews. Muqdisho

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.