Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Maxaynu u Dayacnay Naafadeena?

W.Q. Mohamedkaafi Cali Muumin

HORDHAC KOOBAN

Soomaaliya oo in ka badan 20 sanno soo martay dagaallo sokeeye oo wajiyo badan leh, waxaa sii kordhay dadka naafada ee dalka ku nool, kuwaasoo badi ku waxyeeloobay hubkii la isku adeegsanayay dagaalladii mudadii dagaalada sokeeye waddanka ka jireen. Inkastto aanu jirin tira koob sax oo muujinaya tirada dadka naafada ah ee Soomaaliyeed, haddana waxaan shaki lahayn in aad u badanyihihiin adigoo dariiq walba kula kulmaya dadkaas naafada ah ee dayacan.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintii ugu dambeysay ee ay saartay laanta caafimaadka QM (WHO) waxaa lagu sheegay in dadka naafada ee ku nool Soomaaliya, ay gaarayaan 1.5 Milyan oo qof taasoo u dhiggan 11%.

Maxamed Cali oo naafo ah (1)
Maxamed Cali Faarax

“Xuquuqda naafada Soomaaliya waxaa la dhihi karaa waa xuquuq la dayacay, lagana jeestay waxna aan laga qaban, taasoo ka immaaneysa bulshada dhinac kasta oo ay tahay, sida dowladda, hey’adaha gaarka loo leeyahay, xafiisyada QM iyo kuwa beesha caalamka ee Soomaaliya ku yaalla,” sidaa waxaa yiri Maxamed Cali Faarax oo ah ruux naafo ah una istaagay inuu kor u qaado xuquuqda iyo daryeelka naafada Soomaaliya.

Warbixinta Amnesty International

Warbixin ay soo saartay sannadkan 2015-ka hey’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, waxaa lagu sheegay in dadka lixaadkoodu dhimman yahay ee Soomaaliya ay khatar weyn ugu jiraan in la weeraro, la kufsado ama in khasab guryahooda looga saaro.

Sidaas si lamid ah, dadka arrimahan la socda waxay lee yihiin, sababaha keenaya in ay sii kordhaann dadka lixaadkoodu dhimman yahay waa iyadoo ay weli sii socdaal dagaallada taasoo ay waxyeello ka soo gaarto dad badan.

Si aan haddaba wax uga ogaano xaaladda dadka naafada waxaan qormadan ku soo qadanayaa Maxamed Cali Faarax oo ah qof naafo ah oo u ololeeya xuquuqda dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.

Taarikhda Maxamed Cali Faarax

Maxamed Cali Faarax, wuxuu 3-dii Maarso sannadkii 1984-tii uu ku dhashay magaalada Baladweyne ee xarrunta gobalka Hiiraan, wuxuuna ku soo barbaaray waxna ku bartay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Goorma ayuu naafo noqday?

Sida uu ii sheegay Maxamed Cali, kuma dhalan naafonimada oo isagoo seddax sanno jir ah ayuu naafo noqday kadib markii uu ku dhacay cudurka dabeysha oo naafo ka dhigta carruurta, sidaas ayuuna naafo ku noqday.

“Annigoo seddax sanno jir ah ayaan naafo noqday oo waxaa igu dhacday dabeyl, waxaana hadda ku faraxsanahay muddo sannad ah in Soomaaliya aan lagu arag cudurka dabeysha,” ayuu yiri Maxamed Cali.

Maxamed tan iyo markii uu billaabay howsha uu sida bilaashka ugu guntaday, waxa uu tagay waddamada Kenya, Uganda, Itoobiya iyo magaalada Hargeysa, wuxuuna dhammaan uga qeybgalay shirar looga hadlaayo kor u qaadidda daryeelka naafadda dunida.

Maxamed wuxuu kaloo xubin ka yahay urrurka difaacayaasha xaquuqda aadanaha ee Soomaaliya iyo Somaliland , sidoo kale waxaa uu ka mid yahay guddiga Olambikada ee Naafada Soomaaliya (Somali Paralolympic committee).

Ololahan goorma ayuu billaabay?

Sida uu sheegay Maxamed Cali Faarax, ololaha kor u qaadida xuquuqda naafada wuxuu billaabay sannadkii 2007-dii, isagoo sheegay in arrintaas ay ku dhalisay markii uu si shakhsi ahaan u caawin jiray dadka naafada maadama uu ogyahay itaalka dadka naafada iyo dhibka ay ku suganyihiin.

Wixii ka dambeeyay sannadkii 2012-ka, Maxamed Cali iyo koox kale oo dhammaan ah naafo waxay aasaaseen urur awood siiya naafada Soomaaliya (Somali Disability Empowerment Network. (SODEN)

Xagga Waxbarashadda.

Midig waa Annigoo ah Maxamedkaafi bidix waa Maxamed Cali Faarax (1)
Midig Maxamedkaafi, bidix waa Maxamed Cali Faarax

Maxamed waxa uu hadda ka mid yahay ardayda Jaamacadaha Muqdisho wax ka barta, isagoona sannadkan marka uu dhammaado qaadan doona shahaadada koowaad ee maamulka, wuxuu ku rajo weyn yahay in uu billaabo shahaadada labaad (Master) isagoona ku diyaarin doona Xuquuqda Aadanaha iyo Sharciga.

Maxaa u qabsoomay ilaa hadda?

Maxamed wuxuu sheegay in wax badan ay u qabsoomeen wax bandanna ay caqabad ku noqdeen howsha ay billaabeen isaga iyo asxaabta kale ee ku jira daladooda.

Waxyaabaha u qabsoomay waxaa ka mid ah in baarlamaanka Soomaaliya ay horgeeyeen sannadkii 2013-ka 250 ruux oo ah naafo.

Maxamed waxaa kaloo uu sameeyay shabakad mideysa naafada Soomaaliya iskana warqabaan taasoo hadda hirgashay.

La kulankii madaxweynaha ee sannadkan?

Maxamed wuxuu ii sheegay in isaga iyo koox kale oo naafo ah bishii Maarso ee sannadkan ay la kulmeen madaxweynaha Soomaaliya oo uu ku qaabilay aqalka madaxtooyada ee Villa Somalia.

“Madaxweynaha waan la kulannay oo waqti uu dadka caadiga ah siin ayuu nasiiyay oo ah labo saac iyo bar, waxaan isku sheegnay wax badan oo dhammaan uu qalin ku qortay,laakin arrinta meesha taalla ayaa ah sidii lagu dabakhi lahaa waxa aan kawada hadalnay” ayuu ii sheegay Maxamed.

Maxamed isagoo hadalkiisa sii wata waxuu sheegay in 5 arrimo oo muhiim ah ay kala hadleen madaxweynaha uuna ku  raacay. waxaa ka mid ahaa arrimahaas:-

1- In la sameeyo xafiis hoostaga madaxweynaha oo ka shaqeeya arrimaha naafada.

2- In la sameeyo madal la isugu keenayo dhammaan dadka naafada ee Soomaaliya ku nool si loo dhiirigaliyo.

3- In la sameeyo sharci ay lee yihiin dadka naafada haddii ay yihiin kuwa gudaha iyo dibadda.

Shirarkii uu ka qeybgalay

Maxamed Cali Faraax, tan iyo markii uu billaabay u dooddida xuquuqda naafada Soomaaliya, wuxuu ka qeybgalay shirar dhowr ah oo lagu casuumay, isagoona ku soo bandhigay xaaladda naafada Soomaaliya.

“Dhammaadkii bishii Julay waxaan ka qeybgalay shir ka dhacay Addis Ababa, waxaana looga hadlaayay sida dadka naafada ah xuquuqdooda kor loogu qaadi karo. Waddan kasta waxa uu soo bandhigayay xaaladda dadka naafada, anniga waan u sheegay meesha ay mareyso xaaladda naafada Soomaaliya, oo Soomaaliya oo waa meel sagxadda hoose laga soo billaabayo, Soomaaliyana waxay ka mid tahay waddamada aan saxiixin sharciga ilaalinta xuquuqda naafada ee Geneva”ayuu yiri Maxamed Cali Faarax.

Is-barbardhig meelaha uu tagtay iyo Muqdisho

Mar uu Maxamed Cali is barbardhig ku sameeyay meelaha uu tagay sida loo daryeelo naafada iyo Muqdisho, wuxuu sheegay in uu jiro farqi weyn oo aan la soo koobi karin.

“Marka laga hadlaayo xaaladda naafada Muqdisho waxaa dhaanta Hargeysa, waayo maamulka Hargeysa waxaa la dhihi karaa waa maamul aad iyo aad u daryeela naafada, waa maamul isku xiran oo ka warqaba dadkiisa naafada ah marka runta laga hadlo.” Ayuu yiri Maxamed Cali.

Wuu sii hadlay,  “Tusaale dadka ka yimaada Muqdisho ee taga Hargeysa, garoonka diyaaradaha ee Cigaal waxaa laga qaadaa lacag sharci ah,anniga la igama qaadin, dadka naafada ahna lagama qaado waana sharci oo dadka naafada lacag lagama qaado waana sharci deggan”

Maxamed wuxuu sheegay madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” in uu amar ku bixiyay meel kasta oo Hargeysa in laga hirgaliyo goob ay mari karaan dadka naafada iyo gaadidkooda. “Grri aan lahayn meel uu maro naafada lagama dhisi karo Hargeysa” ayuu yiri.

Ololaha albaabka iga fur

Maxamed markii uu arkay in bulshadda Soomaalida ay hilmaameen daryeelka iyo kor u qaadidda xuquuqda dadka naafada, wuxuu billaabay olole lagu wacyiglinaayo bulshadda si ay u ilaaliyaan xuquuqda naafada.

“Ololaha Al-Baabka iga fur, waxaan billownay seddax bil ka hor, wuxuuna ahaa olole lagu doonayay in qofka naafada uu albaabka kaliya lagu reebin ee isagoo wata gaarigiisa yarka ah uu tagi karo meesha uu u baahdo, waxaana gacan ka geystay wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya,maadama shaqadiisa ay ka mid tahay, waana nin abaal fiican nagu leh, wuxuuna ka soo qeyb qaatay ololahan oo hadda meel fiican maraya”ayuu yiri Maxamed Cali Faarax.

Sharciga naafadda Soomaaliya

Dalka Soomaaliya ma saxiixin ilaa hadda heshiiska lagu daryeelayo xuquuqda dadka naafada.

“Inta aan laga hirgalineynin sharcigan, waxaan hubaa in aysan jiri doonin cid daryeesha naafada Soomaaliya” ayuu yiri Maxamed Cali oo ah 31-jir naafo ah.

Wuxuu tilmaamay oo kale ilaa inta laga hirgalinaayo sharciga naafada in mar kasta lagu tumman doono xuquuqdooda.

Colaadda iyo dadka naafada ku noqda

Waxaa xaqiiqo ah in markasta oo dagaallo ay dhacaan in tirada naafada ay sii kordheyso, maxaa yeelay xabbad kasta oo dhacda waxay ku dhaceysaa qof.

Fursadaha shaqooyinka Iyo Waxbarashadda

Maxamed Cali Faarax, wuxuu sheegay in dadka naafada aan laga tixgalin goobaha shaqada isla markaana aan loo oggolaan fursadaha shaqooyinka, waana tan keentay sida uu aaminsanyahay in goobaha waxbarashada ay ku yaraadaan naafadu.

“Lama tixgaliyo dadka naafada haddii ay tagaan goobaha shaqada shaqana lagama siiyo, waan tan keentay in ay bannaanka ka joogaan, qofka naafada shaqo lama siiyo cid rabtana ma lahan” ayuu yiri Maxamed.

Maxamed Cali wuxuu sheegay in markii la magacaabay ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid uu nasiib u helay in uu la hadlo, isagoona ka codsaday in dadka naafada ah fursado laga siiyo xukuumadda.

“Ra’iisal wasaaraha isagoo ka qeybgalaya barnaamij ka baxaya Radio Muqdisho ayaa nasiib u helay oo aan la hadlay, waxaana u sheegay in xukuumadihii ka horreeyay in aysan shaqo siin naafada, shaqaalaha xafiisyada dowladda waxaa la dhihi karaa hal qof ayaa naafo ka ah, waxaana laga yaabaa in ay gaarayaan ilaa 5kun oo qof”.

Wuxuu sheegay in shirkadaha gaarka loo lee yahay aaney iyana tixgalin siinin dadka naafada oo xitaa ay ku jiraan kuwa badan oo waxbartay oo aqoon leh laakin aan laga faa’ideysan.

Kaalinta warbaahinta

Maxamed Cali Faarax wuxuu ka codsaday warbaahintu in ay door ka qaataan sidii ummada Soomaaliyeed ay ugu wacyigalin lahaayeen in la ilaaliyo xuquuqda dadka naafada lana dhiirrigaliyo qofka naafada ah.

Horumarinta Naafada

Horrumarinta dadka naafada waa arrin muhiim ah waajibna uu ka saaranyahay qofkasta oo muwaadin Soomaali ah, in kastoo mas’uuliyadda koowaad ay dowladdu leedahay, haddana dadweynaha ayaa dowladda ka badan maal ahaan iyo maskax ahaan.

Waxaana ganacsatada Soomaaliyeed iyo jaaliyadaha qurba joogga ah loogu baaqayaa in ay siiyaan dadka naafada fursado wax qabad ah, kuwaasoo ah in loo furo xarumo dadka naafada lagu horumariyo sida kuwan.

*Dugsiyo waxbarasho

*Xarumo xirfadaha shaqo lagu barto

*Fursado shaqo loogu abuurayo

*Maalgelin qof ahaaneed iyo mid kooxeed

*Dhaqaale lagu baritaaro ururrada iyo xarrumaha waxbaerasho ee ay naafada leeyihiin.

Dar-daaran

Maxamed Cali Faarax, wuxuu ummada Soomaaliyeed kula dardaarmay in dadka naafada ah la daryeelo loona arko qof la mid ah qofka lixaadkiisa uu dhammeystiran yahay.

“Waxaan dadka ku boorin lahaa in ay kaalmeeyaan qofka naafada ah, carruurtooda haddii ay naafo yihiin waalidiinta in ay waxbarashada geeyaan si uu mustaqbalka horrumar u gaaro” ayuu yir Maxmedi.

Ugu dambeyn, waxa uu sheegay in qof kasta oo haya howlahan oo kale la dhiirigaliyo oo aan niyadda laga jabin.

W/Q: Mohamedkafi Cali Muumin
Suxufi Soo Bandhiga himilooyinka Soomaalida
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.