Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Md. Afey oo loo magacaabay wakiilka hay’adda UNHCR ee Soomaaliya

afey
Md. Maxamed Cabdi Afey

WardheerNews (WDN)  – Ergeygii Gaarka ah ee arimaha Soomaaliya u qaabilsanaa urur goboleedka IGAD, Md. Maxamed Cabdi Afey , ayaa loo magacaabay wakiilka gaarka ah ee qaxootiga u qaabisan Soomaaliya hay’adda UNHCR.

Magacaabista Md. Afey ayaa ku soo beegmaysa wakhti xasaasi ah, iyada  oo uu Afey, si aad ah lugta ugula jiray arimaha Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca maamul goboleedyada iyo doorashooyinka.  Wali ma jiro wax war ah oo  ka soo baxay dhinaca IGAD.

Warqad uu qoray madaxa UNHCR Md.António Guterres,   ayaa lagu sheegay in Md. Afey xilkaasi cusub uu u magacaabay muddo lix bilood ah.

Qaxootiga Soomaaliya ayaa saameeyay deeegaanka Bariga Afrika, iyada oo qaxooti lagu qiyaasay 1 milyan (hal miyan) ay ku baahsan yihiin dalalka Kenya, Yugandha, Itoobiya iyo Jabuuti, islamarkaana  2.2 Milyan iyana ay wadanka dhexdiisa ku barakaceen.

Dhawaan ayaa Kenya ku dhawaaqday in ay celinayso qaxootiga Soomaaliya ee ku sugan dalkeeda, islamarkaasna ay xirayso xerada Dhadhaab, oo qaxooti lagu qiyaasay 350,000 hoy u ah.

Dawladda Maraykanka,  hay’addaha ku lugta leh qaxootiga iyo dalal badan oo ka tirsan caalamka, ayaa go’aanka Kenya ka soo horjeestay, inkasta oo ay Kenya ku adkeysatay celinta qaxootiga Soomaaliya, iyada oo cosdsatay in laga caawiyo sidii loo meel marin lahaa arinkaasi.

Waxa iyana jira in dhawan maamul goboleedka Jubbaland , oo ka mid ah goobaha lagu wado in qaxootiga lagu celinayo, ay sheegtay in aanay aqbali doonin qaxootigaasi, maadaama aynan jirin wax qorshe dib u dejin iyo dhaqaale dadkaasi loogu talo galay.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.